WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, June 11, 2018, (Saxafi) – Xukuumadda Somaliland ayaa si rasmi ah shaaca uga qaaday in la furay dhoofkii Xoolaha Somaliland.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Xannaanadda Xoolaha  iyo Kalluumaysiga Somaliland Marwo Yurub Abiib Cabdi ayaa sheegtay in si rasmi ah loo furay dhoofkii xoolaha Somaliland isla markaana ay xukuumadu rajaynayso inaanay istaagin.

SomlegalAds

Marwo Yurub Abiib Cabdi wasiir ku-xigeenka Xannaanadda Xoolaha  iyo Kalluumaysiga Somaliland oo arimahaasi ka hadlaysa ayaa waxay tidhi “Dhoofkii xooluhuna way bilaabmeen oo shalay (Doraad) ayay laba Markab baxeen, waxaanan filaynaa in mudo dhaw oo ciida Carafo ku beegan ay xooluhu toos u dhoofi doonaan iyada oo rajadeedii iyo natiijadeediiba waa la hayaa.”

Wasiir ku xigeenka xanaanada xoolaha oo hadalkeeda sii wadata ayaa intaasi raacisay “Waxaanu ku rajo weynahay in xidhiidhada, wada hadalka socda iyo heshiisyada la galay inaanay noqon wax joogsada balse ay noqdaan in xoolaheeni ay sidii hore ee caadiga ahaa ay u dhoofaan oo aanay sida ay hada u bilaabmeen aanay u joogsan doonin.”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.