WorldRemitAds

Muqdisho, Somalia, November 25, 2018 (Saxafi) – Wasiirka Wasaarrada Maalliyada xukuumadda Farmaajo ee itaalka daran ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo shalay tagay xarunta Golaha Shacabka ee Soomaaliya ayaa iska difaacay eedeyn ay dhawaan u soo jeediyeen guddiga Maaliyaddu.

Wasiirka ayaa sheegay in lacag 50 milyan ah oo uu Sacuudigu y soo dhiibay aanay ku soo dhicin Bankiga dhexe ee Somalia, isaga oo intaa ku daray in lacagtaasi  ku dhacday  Banki ku yaalla  Turkiga, halkaasoo uu xusay in laga maamulay. “Waxaan ku shaqaynaa nidaam caalami ah, waxaana nagula xidhay 14 qodob  oo habeen waliba nagula yidhaahdo, guddigu waxay ahayd in ay anaga nala tashadaan intii ay warqad u qori lahaayeen warbaahinta, anagaa ku jirna ceelka guntiisee, Arintani waxa ay nagu noqotay dhabar jab iyo in dib  la noo celiyo” ayuu yidhi Wasiir Beyle.

SomlegalAds

Wasiirka ayaa dhinaca kale sheegay  in ay dib u dhacday lacagihii shaqaalaha, sidoo  kalena aanay  Imaaraadka ka iman lacag uu sheegay in laga sugayay ee ay ugu tala  gashay dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa uu ku eedeeyay xubno ka tirsan Guddiga Maaliyadda  in ay ku heystaan in uu u fuliyo mashruuc, isagoo warbixinta ku tilmaamay  mid mala awaal ahayd.

Warbixinta gudiga Maaliya ee Golaha Shacabka ayaa waxaa ka dhalatay dood adag oo ay ku kala aragti duwanyihiin xildhibaanada Golahaasi waxa ayna xukuumadaasi gelisay madmadow iyo tuhun dunnidu ka qabto taas oo keentay in Wasiirku ka dalbaddo golaha inay mar kale beeniyaan warkii ay soo saareen ee ay ku sheegeen inay Xukuumadda Farmaajo lacag xoog leh lunsatay

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.