WorldRemitAds

Xukuumada dalka Ingiriiska ayaa si rasmi ah axadii shalay u hirgelisay sharcigii ugu adkaa ee abid laga soo saaro, xakamaynta iyo la dagaalanka sigaarka iyo buuriga oo dhibaatada ugu badan ee caafimaad u gaysta dunida iyo dadka ku dhaqan dalkaas ee dhuuqa.

Sharcigan cusub ayaa dhigaya in dhamaan baakidhada sigaarka ee shirkadaha kala duwani sameeyaan, laga dhigo hal midab oo kaliya, laguna dhejiyo digniinaha ugu adag iyo sawirada ugu foosha xun ee xanuunada uu sababo qiijinta sigaarku.

Baakidhada dhamaan sigaarada kala duwan ee laga isticmaalo dalka Ingiriiska ayaa laga dhigay midab cawlaan aad u fool xun, waxaana labada dhinac ee xaga hore iyo dhinaca danbe shirkadaha lagu amray inay kaga soo dhejiyaan digniinaha caafimaadka ee halista qiijinta sigaarka oo sawiro sanbabo kansar ku dhacay iyo sida uu jidhka aadamiga u galaa ku dhejisan yihiin.

SomlegalAds

Waxa kale oo dalka Ingiriiska laga joojiyay, baakidhada tobanka xabadood ee sigaarka ah lagu soo moor garayn jiray, oo waxa kaliya oo dalkaas lagu iibin doona baakidhada labaatanka xabadood oo kaliya ah, waxa kale oo la mamnuucay mishiinadii otomaatiga ahaa ee sigaarka laga iibsan jiray.

Waxa kale oo la soo koobay goobaha sigaarka lagu iibsho, sidoo kale waxa lagu soo rogay cashuur aad u saraysa, taas oo suura gal ka dhigi doonta in qiimihiisu kor u kaco, cidhiidhina uu ku noqdo dadka caba sidii ay sigaar meel walba uga heli lahaayeen.

Waxa hore dalkaas iyo meelo badan oo dunida ah looga mamnuucay, qiijinta sigaarka iyo waxyaabaha kale ee buurigu ku jiro, ee goobaha lagu kulmo ee dadku isugu yimaadaan, waxa kale oo kor loo qaaday cashuurta sigaarka iyo ganaaxyada la saaro shirkadaha sameeya.

Dalka Ingiriiska oo ka mid ah waddamada sigaarka ugu badan dunida u dhoofiyaa, waxa uu xakamayn wayn ku soo rogay sigaarka gudihiisa lagu cabo, laakiin wax sharci ahi kama yaalo sigaarada kale ee uu dunida u dhoofiyo.

Ururada la dagaalanka sigaarka ee dalka Ingiriiska ayaa talabadan adag ee xukuumada dalkaasi ku soo rogtay sigaarka si diiran u soo dhaweeyay, kuna amaanay xukuumada dalkaas, isla markaana ka dalbaday in la sii wado oo la dagaalanka lagula jiro yaraynta sigaarku noqoto mid si joogta ah looga midho dhaliyo ayay yidhaahdeen ururada sigaar joojinta taageera ee dalka Ingiriisku.

Dhamaan dunida oo dhan ayaa joojisay xayaysiiska sigaarka waxaana laga mamnuucay in lagu cabo goobaha dadku ku kulmaan, waxa kale oo laga joojiyay xafiisyada, madaarada, gaadiidka dadweynaha iyo dhamaan fagarayaasha lagu kulmo.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.