WorldRemitAds

Wax yar ka hor intaanay bilaabmin bisha barakaysan ee Ramadaan, xukuumadda Jarmalka ayaa soo saartay amar ku saabsan soonka iyo ardayda dugsiyada dalkaas dhigta ee muslimiinta ah, kaas oo lagu sheegay mid waalidiinta Muslimiinta ah uga digaya inay ubadkooda ku khasbaan soonka bisha barakaysan ee Ramadaan.

Sida wakaalada wararka rasmiga ugu faafisa dalka Jarmalka ee Deutsche Welle, ku warantay, wasiirka waxbarashada ee federaalka Jarmalka Udo Becman, ayaa soo saaray amar ku saabsan soonka bisha barakaysan ee Ramadaan iyo muslimiinta.

SomlegalAds

Waxaanu wasiirka Federaalka Jarmalka u qaabilsan waxbarashadu uu amarkiisan ku yidhi, “Waxa inagu soo fool leh mid ka mid ah, munaasibadaha diiniga ah ee qaybo ka mid ah shacabka Jarmalku ay cibaadaystaan, sidaa awgeed waxaan waalidiinta muslimiinta ah uga digaya inay carruurtooda ku khasbaan soonka, taas oo dhibaato ku noqon karta waxbarashadooda.” Ayuu yidhi.

Wasiirka waxbarashada Jarmalka Becman ayaa sheegay in xiliga waxbarashada aanu ardaygu awoodi Karin, inuu cuntada iyo cabitaanka ka maqnaado muddo dheer, taas oo sida uu ku dooday hoos u dhigaysa kartidiisa faham iyo awoodiisa waxbarasho.

Wasiirka oo la waydiiyay haddii carruurta laftoodu doonayaan inay soomaan? Waxa uu kaga jawaabay, Haddii ilmaha yari doonayo inuu soomo isaga xor u ah, laakiin waxa ka reeban waalidiinta inay ku dirqiyaan oo ay khasab kaga dhigaan.

Muranka ka taagan Soonka iyo ardayda dugsiyada dalkaa wax ka bartay ayaa si wayn isu soo tarayay dalka Jarmalka, waxaanay u muuqata mid si midaysan loo soo agaasimay, marka loo eego, mawqifka midaysan ee maamulada gobolada ee dalkaas iyo xukuumada Federaalka, kuwaas oo amaro midaysan mar ka soo wada saaray, kuna beegay 72-saacadood ka hor intaanay bilan bisha barakaysan ee Ramadaan.

Siyaasiyiinta Jarmalka iyo madaxda laamaha waxbarashada ee dalkaa ayaa ku jira dedaal balaadhan, oo lagu doonayo in carruurta lagaga hor joogsado inay soomaan oo ay bartaan gudashada cibaadada diiniga ah, waxaanay inta badan dugsiyada dalkaasi waalidiinta ku amreen inay carruurtooda sharaabka iyo cuntada u badiyaan inta lagu jiro gudaha bisha barakaysan ee Ramadaan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.