WorldRemitAds

Laascaanood, Somaliland, March 23, 2012, (Saxafi) – Xukuumadda Somaliland ayaa siidaysay odayaal muddo todobaad ka badan ku xidhnaa Magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen gaadiid ciidanka qaranka lagala baxsaday.

Odayaashan oo tiradoodu ahayd 7, ayaa waxa laga sii daayey xasbiga Magaaladda Laascaanood, iyadda oo wakhtigii ay xidhnaayeen lagu sameeyay baadhitaano la xidhiidha inay lug ku lahaayeen laba gaadiidka dagaalka ah oo todobaadkii hore lagala goostay ciidamada qaranka ee fadhiisinka ku leh duleedka Laascaanood.

Odayaashan oo qaarkood warbaahinta la hadleen ayaa sheegay in maamulka gobolka Sool uu iska xidhay isaga oo aan ku hayn cadayn muujinaysa inay dadkii gaadiidka la baxsaday ku dhiiri-galiyeen falkaasi.

SomlegalAds

Siidaynta odayaashan ayaa waxa waan-waan ka galay Madax-dhaqameedka gobolka Sool qaarkood, kuwaasi oo maalmihii u dambeeyay kulamo la lahaa badhasaabka gobolka Sool Maxamed Maxamuud Cali (Jeeni-yare) iyo masuuliyiinta kale ee gobolka Sool, kulamadaasi oo lagu doonayey in lagu siidaayo odayaashan maanta la siidaayay.

Maamulka gobolka Sool ayaan ilaa hadda ka hadal sii daynta odayaashan xoriyadoodii loo soo celiyey, balse dhowr jeer aanu isku daynay inaanu la xidhiidhno badhasaabka Sool ayaanay noo suurto-galin.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.