WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, June 19, 2019 (Saxafi) – Ciidanka amniga Somaliland ayaa shalay la wareegay xarumaha labadda Telefiishan ee Eryal iyo Horyaal, kuwaas oo ay Xukuumadda Somaliland sheegtay in lagala noqday rusqadii ay ku shaqaynayeen.

Illaa hadda lama sheegin sababta shaqadoodii loo joojiyey, isla markaana xukuumaddu kama hadal shaqo joojintaasi lagu sameeyey labada Telefiishan.

SomlegalAds

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Twitterka

Talaabadan waxa cambaareeyey ururka saxaafada Somaliland ee SOLJA, Waxaanu tilmaamay mid sharci darro ah oo ay xukuumadda Somaliland ugu talogashay si sharciga baalmarsan inay albaabada ugu laabto hay’addo warbaahineed iyo suxufiyiinta ka hawl gashaba. “Ururka SOLJA, waxa uu u arkaa talaabooyinkan soo noq noqonaya ee sharci darrada ah kuwo ka hor imanaya balanqaadkii iyo Codkii ay xukuumadda talada haysaa ku fadhido ee ahaa sharcigaa saraynaya, iyadoo taas bedelkeeda u isticmaalaysa sharci jabin.

Ururka SOLJA, marar badan buu xukuumadda kala taliyey inay nidaaka sharciga ah u marto cabasho kasta oo ay warbaahinta ka qabto, hase yeeshee waxay u muuqataa inay ka door bidayso inay dariiq qaldan mar walba u marto, iyadoo sumcad xumo usoo jiida qaranka.

Talaabadan ay xukuumadda Somaliland ku xidhay labada Telefiishan waxay noqonaysaa tii sadexaad ee ay muddada ay xilka hayso ku xidho hay’ad warbaahineed, iyadoo noqonaysa dhacdadii 20 aad ee sanadkan gudihiisa ay ku beegsato wariyayaal isla markaana ku xidho hay’addo warbaahineed.”ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay gudoomiyaha ururka saxaafadda Somaliland Maxamuud Xuuto.

Waxaanu intaas ku daray “Warbaahinta Somaliland waxay la daalaa dhacaysaa dhibaatooyin is biirsaday oo ay xukuumada talada haysaa sanad iyo badhkii ay xilka haysay kula kacday kuwaas oo ay ka mid yihiin inay ka hor istaagto inay si madax banana u doontaan wararka, sidoo kale, waxay ku soo rogtay inay hawada ka saarto Astaamahooda iyo qalabka ay isticmaalaan mararka ay ka qayb galaan shirara waaweyn ee muhiimka ah.

Ururka SOLJA, waxa uu aad uga walaacsan yahay qorshaha ay ka damacsan tahay xukuumadda talada haysaa warbaahinta, iyadoon marnaba xil iska saarin waxbanna aan ka fulin balanqaadyaddii ay hore ugu samaysay.”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.