WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 7, 2014 (Saxafi) – Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabiley Wefti uu hogaaminaayey Safiirka Faransiiska u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Remi Marechaux oo fadhigiisu yahay Nairobi.

Shirkaasi ka dib wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa ka warbixiyey kulanka safiirku la yeeshay madaxweynaha, waxaanu sheegay in madaxweynuhu uga warbixiyey  horumarka dalka iyo wixii u qabsoomay mudadii ay somaliland jirtayba.

555 “Faransiisku aad iyo aad buu diyaar ugu yahay inuu Somaliland wax la qabsado.waxyaabaha ugu waa weyn ee uu nagala hadlay waxaa ka mid ahaa sidii Shirkado waaweyn oo Faransiis ahi dalkeena wax uga qaban lahaayeen aad iyo aad baanu u soo dhaweynaynaa dawladda Faransiiska.waxaanu ka codsanay inay Horumarka Somaliland taageeraan”ayuu yidhi Maxamed Biixi.

SomlegalAds

Wasiirka ayaa sheegay in dawladda Faransiiska ka codsadeen inay wada hadalka u socda Somaliland iyo Soomaaliya u socda qayb ka qaataan, waxaanu yidhi “Waxa kale oo aanu ka codsanay in Wada hadalka Somalia iyo Somaliland u socda gacan ka gaystaan, isla markaana ay Golaha amaanka geeyaan qaddiyada Somaliland.waxaanu ka codsanay inay dhanka waxbarashada naga taageeraan”.

Sidoo kale, safiirka ayaa isna sheegay inuu wax badan kala qaban doono Somaliland, isla markaana ka taageeri doonaan dhinaca horumarka iyo nolosha aasaasiga ah. Waxa kale oo uu sheegay inuu Faransiisku ka qaybqaadan doono maalgashiyo lagu sameeyo, isla markaana shirkadda Faransiiska ee Balore ee maamuladda dekadaha ay danaynayso inay maal-gashato dekadda Berbera, taas oo dhowaanla filayo inay Somaliland heshiish xaga maalgashiga ah la gasho.

weftiga faransiiska Madaxweynaha kulankan waxaa ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, wasiirada Arrimaha Dibeda, Mudane Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Madaxtooyada Mudane, Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Arrimaha Gudaha mudane Cali Maxamed Warancade, Wasiirka Ganacsiga Dr. Muuse Qaasim Cumar iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Mudane Cali Axmed Cali.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.