WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, March 19, 2012 (Saxafi) – Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay wakiilka dawladda Itoobiya u fadhiya Hargeysa kala hadli doonaan dagaallo khasaare badan geystay oo ka dhacay tuulooyin hoos yimaadda degmada Gaashaamo ee kililka shanaad ee Itoobiya, kuwaasi oo dhex maray Ciidammadda Liyuu Booliska kililka shanaad iyo bulshadda ku dhaqan deegaamadaasi.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dhinaca maamulka Somaliland Md. Cismaan Garaad Soofe oo warbaahinta kula hadlayey magaalada Hargeysa, ayaa ugu baaqay in la joojiyo dagaalka ka socda tuulooyinka Cadaada iyo Raqda oo ka tirsan degmada gashaamo ee gobolka dhagax buur ee kililka shanaad.

Wasiir ku xigeenku wuxuu ku dooday in dagaalka ka socda halkaasi uu halis ku yahay amaanka xuduuda u dhaxaysa Somaliland iyo itoobiya isaga oo xusay in dadka reer guuraaga ah ee ka soo jeedaSomalilandiyo kuwa ka soo jeeda itoobiya ay yihiin dad xoolo dhaqato ah oo badana isu gudba marba halkiii xoolaha u daaq roon. “Dagaalkaasi wuu jiraa oo Sabtidii iyo Axaddiiba wuu dhacay, tiro dad ahina way ku dhinteen oo aad iyo aad ayaanu uga xun nahay waxyeeladda halkaasi ka dhacay, waxaanu ku baaqaynaa in dagaaladda halkaasi ka socda la joojiyo.waxaanu dawladda Itoobiya ka doonaynaa inay umadda reer Somaliland ee halkaasi degan ee reer Guuraaga ah inay badbaadiso,”ayuu yidhi Md. Cismaan Garaad Soofe.

SomlegalAds

Wasiir ku xigeenku wuu cadeeyey in ay Xukuumada Somaliland ay kala hadli doonto wakiilka Somaliand u fadhiya Itoobiya sidii waxa looga qaban lahaa arritaasi dagaalka ah ee ka aloosan deegaanadaasi.

dagaalkan oo u dhaxeeye Ciidamada loo yaqaano liyuu booliska iyo dadka ka soo jeeda deegaankaasi oo dagaal ba’ani ku dhexmaray deegamadaas, kaasi oo ka bilaabmay sida la sheegay markii ay si ula kac ah u dileen nin ka mida dadka deegaankaasi.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.