WorldRemitAds

Taleex, Somaliland, July 08, 2018 (Saxafi) – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland Saleebaan Cali Koore ayaa sheegay in Puntland jidgooyo ku dishay taliye ka tirsan ciidanka Somaliland ee degmada Taleex, isla markaana dhaawac u gaysatay maayarkii degmadda Taleex.

Wasiirka waxa shirkajaraa’id ku wehelinayey xildhibaano ka soo jeedda gobolka Sool, kuwaas oo ku hanjabay inay talaabo jawaab u ah falkaasi dhacay samayn doonaan. “Ciiidamo ka tirsan maamul goboleedka Puntland waxay xalay habeen badhkii (Habeen hore)jid gooyo u galeen maamulkii gobolka Xaasimo ee degmadda Taleex, waxay sameeyeen qorshe badheedh ah oo ay ku khaarijinayaan madaxdaasi oo u socday hawlo bani’aadanimo ah oo ay dadka deegaanka u qaybinayeen dawooyin iyo raashin, qaar ka mid ah waxa si milgaha bani’aadanka ka baxsan loogu dilay goobta, waxa lagu dilay falkaasi Gaashaanle Saleebaan Cabdi Caateeye oo ka mid ah taliyeyaaasha guutooyinka degan Taleex.Waxa dhaawac xun la soo gadhsiiyey maayarkii degmadda Taleex, waxa xabad lala baacsanayey baadhasaabkii gobolka oo weftiga la socday, waanu garanayna dadka waxaasi sameeyey ee hadhow yeyna idinla fool xumaanin si degdeg ah ayaad jawaabteeda u heli doontaan”ayuu yidhi Koore oo dilkaasi ka hadlayey.

SomlegalAds

Sidoo kale, Xildhibaan Cabdiqaadir Indho Indho oo ka tirsan Golaha Guurtida ayaa arrintan ka hadlay,waxaana uu yidhi. “Jabhaydaynta ay billaabeen teeda ayaa billaami doonta. Nin dhintay oo aan loo aarrini wuu jirraa, laakiin, waxaa nool maanta ciidankiisii oo afartan gaadhi oo tigniko ah in ka badan haysta. Puntland waxaan leeyahay, waxaad ku bushaaraysataan inta u dhaxaysa Boosaaso, Qardho iyo Garoowe iyo Gaalkacyo inta u dhaxaysa, ciidamo ayaa dagaalamayay, si sharaf leh ayay u dagaalamayeen. Reermiyiga ayaan dagaalka ku jirin, reerihii ayay soo hubeeyeen, reerkii waxaan sameeyayna waanu garanaynaa waananu helaynaa. Yay la xummaanin, aad iyo aad baan mar labaad iyo mar saddexaad uga xunahay inay nagu kalifaan wixii aanu ka xishoonaynay. Inay nagu kalifaan, jawaab degdeg ah ayay naga helayaan.. Dadkaasi dad abaaraysan ayay u socdeen, dad xanuunsanaya ayay sideen qoryo ma ay sidan, guryahoodii ayay marayeen. Waxaan leeyahay soo dhawaadda waxaad bilowdeen haka cabanina”

Cabdirashiid Maxamed Axmed Xiir Gudoomiyaha Gobolka Xaysimo (Taleex) oo safarkaasi ka mid ahaa ayaa ka badbaadey oo gaadhey magaalada Laascaanood.

2011kii ayaa ciidamada Puntland kolanyo safar madax degmadaas ah oo ku sii jeeda Taleex ay jidka ka heleen, xiligaas waxaa ku jiray weftiga la weeraray Wasiirka Biyaha Saleebaan Yuusuf Cali Koore.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.