WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 20, 2015 (Saxafi) – Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin odayaasha la sheegay inuu Turkigu doonayo inuu kala hadlo qadiyada Somaliland iyo in odayaal dhaqameedka Muqdisho iyo Hargeysa kulan uu u qabanayo.

Wasiirku waxa uu sheegay inuu Turkigu u magacaabay Ergay u gaar ah arrimaha wada hadalka, isla markaana uu doonayo inay hore u socdaan wada hadaladda labadda dhinac.

Dhinac kale, wasiirku waxa uu soo dhoweeyey go’aan ka soo baxay golaha deegaanka ee degmada Tower Hamlets ee magaalada London oo ay ku aqoonsadeen Somaliland.

SomlegalAds

Sacad Cali Shire, Wasiirka Arrimaha Dibadda SomalilandGolahaasi ayaa habeen hore la horkeenay mooshin ku aadan aqoonsiga Somaliland oo ay dabada ka riixayeen dad reer Somaliland ah oo ay ku jirto haweenay golahaasi ka tirsani, wuxuuna golahaasi si aqlabiyad ah u ansixiyay mooshinkaasi, iyagoo sidaasi kaga mid noqday goleyaal deegaan oo Ingiriiska ka tirsan oo aqoonsaday Somaliland.

Ugu horeyn wasiir Sacad oo ka hadlaya aqoonsiga degmadda Tower hamlet waxaa uu yidhi “Habeenkii 18 May November waxa afti la hor keenay golaha deegaanka ee Tower tumler in loo codeeyo madax banaanidda Somaliland, markii golaha la keenay afartan cod baa isku raacay in la ictiraafo Somaliland taas oo ah aqlabiyadii, sidan oo kale waxa golaha deegaanka ee Shifil isku raaceen in Somalialnd la aqoonsado, sidoo kale, degmadda Cardhif ayaa iyana mooshin la keenay aqoonsiga Somaliland taas oo ay isku raaceen in Somalilnad xaq u leedahay in la aqoonsado, saddex deegaan in arrinta Somaliland la hor keeno oo si cadaaladda iskugu waafaqaan in la aqoonsado oo gooni iskugu taagto waa mid guul u ah Somalilnad, haddii aan la siyaasadeyn Somaliland xaq bay uleedahay in la aqoonsado, wax soconaya maaha, wayna iman doonta in Somaliland la aqoonsado”

Mar wax laga waydiiyey qorshe ay dawladda Turkigu waddo ah in oday dhaqameedka Somalilnad iyo Soomaaliya ay kulansiiso si ay uga hadlaaan danaha labadda dhinac ayuu kaga jawaabay sidan “Dawlada Turkigu waxay fidinaysaa kulanka, markii horana qayb kama ahayn wada hadaladda haddase waxa loo magacaabay Ergay u gaar ah wada hadaladda labadda dal, maadaama oo sideedii jeer ee la wada hadlay aanay waxba ka soo bixin, dadaalka ay ku jirto ee ah in natiijo laga gaadho waan ogahay laakiin ma ogin in odayaal ay iskugu keenayso”

Jawaabtan Wasiirka ayaa ka dambeeyey markii ay soo baxeen xogo ku saabsan in dawladda Turkigu waddo qorshe wada hadalladii Somaliland iyo Somalia ay ugu bedelayso dhinaca madaxdhaqameedka, islamarkaana damacsan tahay in madax dhaqameed Somaliland ah iyo mid Somalia ahi ay ka wada hadlaan qaddiyadda la isku hayo iyo masiirka labada dhinac. Wada hadallada waxaa hore u meteli jiray ergo labada dawladood ka socda oo inta badan xilal miisaan leh haya.

 

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.