WorldRemitAds

Xukuumadda oo ku adkaysatay in dugsiga Nile Academy sii shaqeeyo!

Hargeysa, Somaliland, August 1, 2016 (Saxafi) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Turkigu yahay mid qoto dheer, isla markaana Turkigu ka codsaday inay tixgaliyaan go’aanka ay ka qaateen Dugsiga Nile Academy oo ay  baadhayaan inuu ku lug leeyahay inqilaabkaasi dhacay oo sharciga waxa uu ka dhigayo eegi doonaan.

Sidoo kale, wasiirku waxa uu sheegay in Passporka Somaliland dalal badan oo uu ku jiro Turkiguu u fiiseeyeen, isla markaana ay kala duwan yihiin Passporka iyo ID-Card-ka, isagoo khalad ku tilmaamay in Passporka lagu tilmaamo waraaq aqoonsi.

SomlegalAds

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr:Sacad Cali Shire oo ka hadlaya xidhiidhka Turkiga iyo Somaliland u dhexeeya, waxa uu yidhi “Wadanka Turkiga waa wadan cilaaqaad dheer aynu leenahay, waxaanay halkan inala joogeen 1874- 1884 ayay wadankeena inala joogeen, waxyaalo badan ayey wakhtigaasi dhiseen,  oo imika u baahan in la dayac tiro, oo ay balan qaadeen inay dib u dhisayaan, waa wadan taariikh dheeri inaga dhexeyso, barigii inqilaabka lagu dayey waanu la xidhiidhnay waana u sheegnay in aanu ka xunahay mana ogolin wadan dimuqraadi ah in la inqilaabo oo aanu ka soo horjeednaa”

Wasiirka Sacad Cali Shire ayaa sheegay in Somaliland waligeedba ahayd dal gaar ah oo ku jirtay qariidadda Aduunka, waxaanu yidhi “Wadankeena waa wadan jira waxaynu ahayn wadan Ingiriiska maxkamiyad u ah oo mape ka aduunka ka jira, lixdankii waxaynu ahayn dawlad, inagoo dawladda waxaynu go;aansanay inagoo la ina qasbayn in aynu Soomaaliya ku biirno, sodan sanno ayeynu Soomaaliya isku ahayn dawlad qudha,  dhibaato badana waynu kala kulanay, ka diban waxaynu go’aansanay in aynu gooni isku maamulno.Muddo 25 sanno waxaynu ahayn wadan gooni ah oo buuxiyey shuruudihii dawladnimo, inaan wadan nahay waxa kuu cadaynaysa heshiishyo badan ayeynu la galnaa dawladdaha iyo hay’adaha, marka madaxdeenu baxdana waxa loo tixgaliyaa sida dawladaha la ictiraafsan yahay madaxdoodda”.

Mar wax laga waydiiyey Safiirka Turkiga ee Soomaaliya inuu sheegay in Passporka Somaliland u aqoonsan yihiin ID-card oo kale, waxaanu arrintaasi kaga jawaabay “Paasapporka waxa jira wadamo badan oo aynu ku tagno, taas oo tilmaamaysa in la inoo aqoonsan yahay in aynu wadan nahay oo aynaan qayb ka ahayn Soomaaliya, Turkiga marka aynu tagnana waxaynu ku tagnaa Pasapoorkeena, waxa jira Dugsiga Nile Acadamey  oo lala xidhiidhiyey inuu gacan saar la leeyahay ninka loo aaneynayo inuu ka dambeeyo inqilaabka, Turkiga waxa uu naga codsaday in aynu xidhno dugsigaasi, inaguna waxaynu nahay wadan shuruuc leh oo kala dambayn ka jirto, dugsigaasi si sharciga waafaqsan ayuu ku jooga oo heshiish buu inala galay oo shahaado ayeynu siinnay oo muddo dheer ka shaqaysan karaan, arday badan ayaa dhigata, waxaanu  nidhi baadhitaan baanu samaynayaa haddii ay soo baxdo inuu inqilaabkaasi lug ku leeyahay  sharcigayaga waxa uu ka yidhaa ayaa laga yeelaya, haddii ay soo bixi waayana waxay noqonaya dad aan dambi lahayn, marka waxaan rajaynayaa inay walaladeen  inagu ixtiraamaan go’aankaasi iyo sharcigaasi”.

Isagoo hadalka sii wata waxa uu yidhi “Passporkeena in la yidhaa waa ID Card, taas cidna marti ugama nihin, waxaynu nahay qaran astaamo leh, waxa ka mid ah passporka oo  wadamo badan ku tagno, marka passporkeenu ma passpor baa mise waa ID card wax cid kale u yaala maahee waa Passaboor  la fiiseeyo oo wadamo lagu gallo, waana khalad in lagu tilmaamo  Kaadh aqoonsi ah”

Dhinaca kale, wasiirku waxa uu sheegay inuu ka soo laabtay safar uu Dalka Kenya ku maqnaa oo Baanka Aduunka ku kala saxeexanayeen heshiish lagu tayeynayo shaqaalaha dawaldda oo ay ku bixi doonto toban milyan kaasi oo socon doonna shan sanno.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.