WorldRemitAds

Belgium, Somaliland, March 23, 2012, (Saxafi) – Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay diyaar u yihiin fulinta qodobaddii ka soo baxay shirweynihii caalamiga ahaa ee London, sidaasna waxa dalka Beljium ka sheegay Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar.

“Ka xukuumadd ahaan mar walba waxaanu tixgelinayna qoddabadii ka soo baxay shirkii London ee ku saabsan inay wadahadalan Somaliland iyo Dawladda ku-meel-gaadhka ah ee Somaliland, laakiin aan shaqo ku lahayn wax la yidhaahdo isku biirid labada dawladdood ah,”ayuu yidhi Wasiirku.

Mr. Maxamed Cabdilaahi Cumar wuxuu sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay inay gacan ka geysato sidii nabad loogu soo-celin lahaa Soomaaliya, waxaanu yidhi “Wadahadal kasta oo ay yeelanayaan Somaliland iyo dawladda ku-meelgaadhka ah ee Soomaaliya waa mid abuuri kara xidhiidh mustaqbal oo ay yeeshaan labada dhinac ee Somaliland iyo Soomaaliya.” ayuu yidhi wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar waxaanu wasiirku intaas sii raaciyey hadalkiisa “Somaliland waxay ula hadlaysaa Soomaaliya sidii dawlad laba dal oo jaar ah.”

SomlegalAds

Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in Somaliland ay dhinacyo badan horumar ka sameysay tan iyo markii ay ka go’day Soomaaliya sannadkii 1991-kii, isagoo xusay in gooni-isku-taagga Somaliland uu yahay mid lama taabtaan ah. “Somalilandwaxay gacan ka geysanaysaa nabad raadinta Soomaaliya, haddii ay ka hesho beesha caalamka aqoonsi buuxa.Meesha caalamkana waxaanu ka doonayna in aanu si wadajir ula dagaalano Burcadbadeedda iyo Argagaxisada oo dhibaato ku haysa geeska afrika.”ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo u waramayay laanta Afsoomaaliga ee idaacada VOA-da.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.