WorldRemitAds

Laascaanood, Somaliland, October 21, 2018 (Saxafi) – Xukuumadda Somaliland ayaa amar ka soo saartay kulamada & shirarka ka dhanka ah Qaranka ee la xidhiidha xulista xildhibaanno maamul goboleedka Somalia ee Puntland raadinayo.

Gudoomiyaha Gobolka Sool Cabdirashiid Xuseen Cabdalle (Gargaar) ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku mamnuucay in shirar aan maamulku ogoyn lagu qabto Hoteelada Waaweyn ee Magaalada Lascanood, waxaana uu qoraalkiisa ku sheegay in wixii kulamo ah ee la qabanayo fasax looga qaato.

SomlegalAds

Qoraalkan ayaa la wariyay inuu ka dhashay ka dib markii ay soo baxeen tuhunno muujinaya in maamulka Somalia, gaar ahaan maamul goboleedka Puntland xubno ka soo jeeddaa ay raadinayaan taageerayaal iyo odayaal inay u hellaan magaaladda Laascaanood doorashadda madaxtooyadda maamulka Puntland ee la filayo inay dhawaan dhacdo, kaas oo la tilmaamay in aan xiiso badan looga qabbin waqtigan gobolka Sool oo wixii ka danbeeyay is fahamkii Xukuumadda Somaliland iyo maamulkii Khaatumo ee Cali Khaliif Hoggaaminayay ay haattan inta badan isku raaceen inay wax la qabsadaan Qaranka Somaliland oo ay doorkoodda ka qaataan. Iyaddoo xubno maamulka Puntland ku jiray oo dhalasho ahaan ka soo jeedda gobolka Sool in badan aan maamulka Somalia iyo Cabdi weli Gaas midkooddna u qarrin ay toos ugu sheegeen inaanay nafahooda mooyee metelin cidna. Dowladda Somaliland oo arrimahan si dhow ulla socota ayaa la sheegay inay amarkan cusub ay ku soo saartay si ay uga hortagto isku day kasta oo la soo abaabulli karo.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.