WorldRemitAds

“Caalamka wax bilaash ahi ma jiro, waynu [Somaliland] iska taageernay ayuun baanan anigu liqi Karin….” Siyaasi Cali Gurey

Hargeysa, Somaliland, June 11, 2017 (Saxafi) – Xukuumadda Somaliland ayaa go’aan ay ku taageerayso Xulufadda uu hoggaaminayo Sucuudigu ee ka dhanka ah dalka Qadar qaadatay. Taasoo durba ay ka soo noqdeen su’aallo la iska weydiiyay Faa’iidada Somaliland ka dheefayso iyo danta ugu jirta go’aankan.

War murtiyeed uu ku saxeexan yahay Wasiirka Arrimaha dibadda Jamhuuriyadda Somaliland Sacad Cali Shire ayaa shalay Xukuumaddu soo saartay, kaas oo u dhignaa sidan: “Jamhuuriyadda Somaliland iyada oo aaminsan mabaadii’da nabad ku wada noolaanshaha iyo xasiloonida Gobolka, kana soo horjeeda wax kasta oo wax u dhimi kara nabadda iyo deganaanshaha, isla markaana ka soo horjeeda xag-jirnimada iyo cid kasta oo taageerta xag-jirnimada.

SomlegalAds

Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo tixgelinaysa cilaaqaadka taariikhiga ah ee dhaqan, dhaqaale iyo siyaasi ee ka dhexeeya Somaliland iyo Wadamada Khaliijka, waxa ay Golaha Wasiirradu maanta (Shalay) oo taariikhdu tahay 10/06/2017 isugu yimaadeen shir aan caadi ahayn,kaasi oo uu guddoominaayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Shirka Golaha Wasiirradu wuxuu ku saabsanaa khilaafka siyaasiga ah ee ka dhexeeya dalalka khaliijka iyo mawqifka Jamhuuriyadda Somaliland ay ka qaadanayso.

Sidaa darteed, waxa ka soo baxay Golaha Wasiirrada go’aamadan:-

  1. in Jamhuuriyadda Somaliland si buuxda u taageerto mawqifka iyo aragtida ay ka qaateen Sucuudiga iyo Imaaraadku khilaafka siyaasiga ah ee u dhexeeya iyaga iyo Dalka Qadar.
  2. Laga bilaabo maanta cid aan ogolaansho ka haysan Jamhuuriyadda Somaliland ma isticmaali karaan, mana mari karaan hawada Jamhuuriyadda Somaliland.
  3. Jamhuuriyadda Somaliland way u madax-bannaan tahay cirkeeda, dhulkeeda iyo baddeedaba, Soomaaliyana kama taliso, mana bixin karto ogolaansho cidi ku isticmaasho cirka, dhulka iyo badda Jamhuuriyadda Somaliland.”

Ka dib markii go’aankan la shaaciyay shalay galinkii danbe, waxaa durbadiiba soo baxay su’aallo dadku iska weydiiyeen oo la xidhiidha danta Somaliland ugu jirta taas oo baraha bulshaddu ku xidhiidho ee Intarnetka si weyn u xullay. Waxaana ugu mudnaa oo tusaale ahaan la soo qaadan karraa Siyaasiga Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo qoraal kooban oo uu arrintan kaga hadlay ku yidhi sidan: “Ka badbadinta Qatar inay dheeraad tahay gartay, laakiin markay mawaaqiif tahay arrinku waa danno, waxaanay ku fiican tahay aynu wada danaysanno. Inagu dhinaca Imaaraadka oo wax gaar ahi inaga dhexeeyaan haddii aynu markanna toodii raacnay ma danteeda ayaynu ku raacnay mise inagana danteena ayaa meesha ku jirta oo waynu ka wada hadalnay, waxa aynu dhaafsanayno taageeradda dhinaca Imaaraadka Carabta iyo Sucuudiga. Caalamka wax bilaash ahi ma jiro waynu iska taageernay ayuun baanan anigu liqi karin waayo Dawladda Muqdisho waan hubaa inay garanayaan waxay uga jeedo mawqifka ay ka qaadatay arinkan Qatar waxa ay ka siisanayaan in aanay u soo raacin xulafada isu bahaysatay waxan filayaa inay garanayaan kol ay baayacaadda dhinaca kale kor ugu qaadayaan ama Qatar wax wayn kaga bedelanayaan. Laakiin, Somaliland mooyi balse waxa la leeyahay wafti Somaliland ah ayaa maalmaha soo socda u kicitinaya dalka Imaaraadka Carabta bal aan sugno waxa ay la soo noqdaan”

Sida la ogyahay dawladda Sucuudiga ayaa dabayaaqadii sannadkii ina dhaafay ee 2016 waxay xayiraad mar kale saartay xoolaha nool ee uga soo dhoofi jiray dhammaan dhulka Soomaalida, gaar ahaan Somaliland oo ay lafdhabar dhaqaale u ahayd dhoofinta Xoolaha ee suuqyada Sucuudiga loo dhoofiyo, go’aankaas oo aanay dawladda Sucuudiga ilaa hadda waxba ka bedelin, hase yeeshee dalka Djibouti oo aan isagu lahayn xoolo uu dibadda u dhoofiyo balse sannadihii u dambeeyayba ku hawlannaa dhismaha dekeddo xoolaha laga dhoofiyo si uu ula wareego ama si gaar ah ay dawladda Sucuudigu ugu xidho inuu noqdo dalka keliya ee xoolaha nool uga soo dhoofaan Mandaqadda Geeska Afrika, ayaa bilihii u dambeeyay waxaa laga dhoofiyaa xoolaha nool ee tagga dalka Sucuudiga, xoolahaas oo Djibouti uga taga dhinacyada Itoobiya iyo Somaliland, iyadoo xoolo farabadan oo ay sidaan gaadiidka waaweyni xoolaha Somaliland laga qaado ay geeyaan magaalada Lawya-caddo ee ku taal xuduuda u dhaxaysa Somaliland iyo Djibouti.

Baaqyo isdaba joog ahaa oo ay madaxda xukuumadda Somaliland oo uu ku jiro Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) u diray madaxda dawladda Sucuudiga iyo Boqorkeeda, ayaan ilaa hadda wax jawaab ah aanay ka soo bixin, sidaas darteed, lama ogga in go’aanka taageerada ah ee ay Golaha Wasiiradda Somaliland shalay ku taageereen xulifadda uu Sucuudigu hoggaaminayo ee xayiraadda culus ku soo rogay Qatar, uu yahay mid ay ku bedelatay in Sucuudiguna dhinaciisa ka qaado xayiraadda xoolaha nool ee loo dhoofin jiray Suuqyadda Sucuudiga oo udub-dhexaad u ah dhaqaalaha Somaliland.

Halkan ka akhri Cadadkii Wargeyska Saxafi ee warkani ku soo baxay oo dhammaystiran

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.