WorldRemitAds

Maamulka Ururka Xamaas ee ka taliya degaanka Gacanka Qasa ayaa markii ugu horeeyay shaaciyay in, Manhajka waxbarashada dugsiyada hoose iyo dhexe ay ku darayaan barashada luuqada Yuhuudu ku hadasho ee Hibrooga loo yaqaan, talaabadaas oo si wayn ugu cadhaysiisay maamulka xukuumadda Falastiin ee uu hogaamiyo Maxamuud Cabaas Abu Maasim.

Maamulka Xamaas ayaa sababta ay go’aankan u qaateen ku tilmaamay mid ay ku doonayaan, in ay ardaydu barato luuqada Yuhuuda, ugana faa’iidaystaan dhinacyada faa’iidooyinka leh ee danaha dadka reer Falastiin khuseeya.

Geesta kale waxa go’aankan ururka Xamaas qaadatay si wayn uga xanaaqay maamulka Falastiiniyiinta ee uu hogaamiyo, Madaxweyne Maxamuud Cabaas Abu Maasim oo ku tilmaamay in talaabadani tahay wax laga xishoodo oo aan wali hore loo samayn, isla markaana aan la garan karin sababta ku kaliftay xiligan iyo faa’iidada ku jirta.

SomlegalAds

Masuuliyiinta Xamaas ee maamusha gacanka Qaza oo iyagu si adag uga soo hor jeeda jiritaanka Israel, cuna qabataynta iyo dhibaatada balaadhan ee degaankaa saaranina ka dhalatay go’aanka adag ee ay ku diideen, in ay aqoonsadaan Jiritaanka dawlad Yuhuudu yeelato iyo heshiisyadii ay wada galeen, ururka xoraynta reer Falastiin iyo Yuhuudu.

Dad badan daraaseeya arrimaha ururada ayaa go’aankan Xamaas ku tilmaamay, mid ururkaasi ku doonayo ama wadada ugu xaadhayo xidhiidh uu la yeesho mustaqbalka Yuhuuda, waxaanay dadka firkadan aaminsani ku doodayaan in culayska siyaasadeed iyo go’doominta balaadhan ee saaran Xukuumada Xamaas iyo gacanka Qaza ay keentay in Xamaas wakhtigan danayso xidhiidh wanaagsan ama ugu yaraan waji aan cadaawadi ka muuqan in ay Israel u muujiyaan.

Inkasta oo aanay Xamaas wax badan oo tafaasiil ah ka bixin, haddana waxa jira aragtiyo kala duwan oo laga bixiyay, dadka aan iyagu qabin firkada ah in Xamaas qalbi furnaan iyo gacan nabad galyo ay u fidinayso Israel, haddana waxa jira dad aaminsan in Xamaas siyaasad kala qaybinaysa Israaiiliyiinta ciyaarayso, isla markaana doonayso in waji kala qaybiya dalalka reer galbeedka isku muujiso si ay ugu kasbato rayul caamka guud ee dhinacyada isku bahaystay cidhiidhiga iyo cadaadiska lagu hayo.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.