WorldRemitAds

Habeenkii 16-aad ee bishan May 2018, waxay ahayd habeen aad uga duwan habeenidii hore marka loo eego dhanka Yaasiin, wuxuuna markii ugu horeysay noloshiisa u soo kacay inuu suxuurto, si uu u soomo.

Faustino waa ardey u dhashey wadanka Rwanda, wuxuuna kulliyada Caafimaadka ka dhigtaa jaamacadda Yuldarem ee magaalada Ankara wadanka Turkiga, sanado badan ayuu ku fakarayay inuu qaato diinta Islaamka, ugu dambeyna Alle ayaa hanuuniyay.

SomlegalAds

Wuxuu leeyahay “Shan maalmood ka hor bisha Ramadaan ee fadliga leh, waxaan go’aansaday inaan shaaciyo islaamnimadeyda, kadib marxalad dheer oo fakar ah oo qaadatay sanado badan”.

Isagoo sii hadlaya wuxuu leeyahay Faustino oo hadda la baxay Yaasiin “Xaaladeyda way isbedeshay, fakarkeyguna wuu isbedelay, waxaana nolosha ka leeyahay hadaf, waxaan rabaa inaan si dhow u barto Islaamka”.

Yaasiin oo 21 sano jir ah, ayaa waraysi uu siiyay wakaaladda Anaadool wuxuu sheegayaa inuu aad ugu saamoobay xaaladda muslimiinta Turkiga iyo Iimaaniyaatka ay ku dhex noolyihiin, isagoo intaa ku daray in si gaar ah ay u saameeyeen saaxibadiisa Turkida iyo mulsimiinta kale ee la dhigta kulliyada Caafimaadka.

Isagoo ku sugan wadankiisa Ruwanda ayuu minxo waxbarasho ka helay dalka Turkiga, waxaana markaas qoyskiisu uga digeen inuu aado wadankaas, iyagoo sheegaya iney joogaan “kooxo argagaxiso ah”, balse Yaasiin wuu ku adkeystay inuu aado Turkiga, wuxuuna sheegayaa in xasilooni dheeri ah uu dareemay maalintii ugu horeysay oo uu soo caga dhigto garoonka diyaaradaha magaalada Istanbuul.

Fikradda ah inuu qaato diinta Islaamka waxay Yaasiin ku billaabatay isagoo jooga wadanka Ruwanda oo qiyaastii dadka ku dhaqan 20% lagu sheego iney muslimiin yihiin, waxaana Yaasiin uu la degay adeerkiisa oo degan magaalada Kigali ee caasimadda wadankaas, halkaas ayuuna ku bartay asxaab badan oo muslimiin ah.

Yaasiin oo ka sheekeynaya fatradii uu ku noolaa Kigali ayaa leh “Markii aan u wareegtay Kigali, aniga iyo adeerkey ayaa ahaa labada ruux ee masiixiga ka ah xaafadda aan ku nooleyn oo ay u badnaayeen muslimiinta, halkaasna waxaa iiga billowday inaan si dhow u daawado dhaqannada muslimiinta, iyo waajibaatka diini ee ay maalin weliba gutaan”.

Wiilkan dhalinyarada ah ee qaatay diinta Islaamka ayaa sheegaya in saaxibkiisa ay isku wadanka kasoo jeedaan ee lagu magacaabo Rajab kuna soo waxbartay dhulka Xarameynka uu in badan ka saaciday sidii uu ugu dhawaaqi lahaa shahaadateynka.

Wuxuu sidoo kale mahad celin gaar ah u jeedinayaa macallin Binyamin Ogor oo madax ka ah machadka barashada luuqadaha ee Jaamacadda Yuldarem, kaas oo uu sheegay inuu siiyay kutubo badan oo ka hadlaya diinta Islaamka.

Diintii hore ee baadilka ahayd uuna heystay ayuu Yaasiin ku tilmaamayaa iney ahayd mid aan qofku dareemeynin inuu Alle u dhowyahay “ Salaadu ma ahayn mid daruuri ah, waxaa laga yaabaa midkeen inaanu salaadda tukan labo isbuuc kudhwaad”.

Mar uu ka hadlayay falcelinta qoyskiisa iyo saaxabadiisii hore ay ka bixiyeen qaadashada diinta Islaamka ayuu leeyahay Yaasiin “Qoyskeygu waxay iila dhaqmaan inaan ahay qof dhalinyaro ah oo toosan, sidaas darteed kama hor imaanayaan go’aannadeyda, waxayna ii muujiyeen iney igu ixtiraamayaan diinta Islaamka ee aan qaatay”.

Yaasiin oo curud u ah laba waalid oo dhalay 5 caruur ah ayaa u rajeeyay walaalihiisa iyo waalidiintiisa iney qaataan diinta Islaamka, wuxuuna ballanqaaday inuu waqti ku bixin doono sidii uu ugu qancin lahaa tallaabadaas.

Mar uu ka hadlayay diinta islaamka ayuu Yaasiin sheegay iney tahay diin ku dhisan jacayl, isgacan qabasho iyo walaaltinimo, balse wuxuu intaa ku daray in qaar kamid ah dadka muslimiinta aaney si buuxda ugu dhaqmin diinta Islaamka.

Maalintii ugu horeysay ee uu soomay ayuu sheegay inuu xanuunsanaa, uuna dareemay oon badan, balse wuxuu leeyahay “ Alle fadligii waan la qabsaday, si caadi ah ayaana hadda u soomaa”.

Hadda wuxuu billaabay Yaasiin inuu barto xuruufta Higaada ee luuqadda Carabiga, si ay ugu suuragasho inuu akhriyo Qur’aanka kariimka. “Gudashada waajibaatka Xajka, iyo inaan barto bulshooyinka muslimiinta ee caalamka waa rajadeyda ugu weyn, waxaana booqan doonaa dhulka Xarameynka” ayuu kusii daray hadalkiisa Yaasiin.

Ugu dambeyn wuxuu Yaasiin ku raja weynyahay mustaqbalka marka uu dhameeyo kulliyada Caafimaadka inuu madax ka noqdo Jamciyad kheyri ah oo gacan qabata fuqarada wadanka Ruwanda.

Waa qiso kamid ah qisaska boqollaal ruux oo maalin kasta uu Alle kusoo hanuuniyo diinta Islaamka, noona muujineysa sida ay ugu faafeyso diinteena xanafiyada ah bulshooyinka gaalada ah dhexdooda.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.