Mulkiilaha Guri Lagu Leexsaday Raashinka Loo Xidhxidhay Masuuliyiin Oo Faahfaahiyay Sababta Gaadiidka Raran Gaysay Aqalkiisa
“Aniga wax afkayga ka soo baxay oo aan cid ku eedeeyey ma jirto, cid alla cid wax I weydiisay ma jirto, wallaa Suxufi, dawlad iyo sirdoon”
Hargeysa, Somaliland, March 26, 2012 (Saxafi) – Cabdi Cabdilaahi Guuleed oo ah Muwaadin Gurigiisa laga soo qabtay Mid ka mid ah gaadiidkii sidday raashin mucaawimo ah oo la leexsaday, ayaa markii ugu horeysay daaha ka fayday cidda gurigiisa keentay gaadiidka raashinka sidday, isla markaana waxa uu kashifay, waxba kama jiraana ka dhigay qayb ka mid ah eedii uu Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland hore ugu eedeeyay saddexda masuul ee u xidhan arrintan inay gaadiidkaas raashinka siday ay gurigaas geeyeen.