WorldRemitAds

Barkhad-Ladiif M. Cumar

Wakhtigii uu xisbiga KULMIYE mucaaradka ahaa waxay dadweynuhu intoodda badan rajo ka qabeen inay wax badan iska bedeli doonaan marka ay maamulka qabsadaan nidaamka dawladnimo ee madaxdii UDUB ku dhaqmi jirtay.

SomlegalAds

Dhalinyaro badan oo aqoonyahanno u badan ayaa rajjo weyn ka qabay in ruug cadaaga siyaasadeed ee muddada afartanka sanno siyaasada ku jiray ee Axmed Maxamed Siilaanyo wax ka bedeli doono qaababka maamul xumo iyo mudadii aySomalilandjirtay waxyaalihii u muuqday inay dhaliil leeyihiin maadaama oo muddo badan aanu fursad u helin inuu awood uu wax ku sameeyo aanu hellin. sidaa darteed, sideeddii sanno ee uu macaaradka ahaa ayaa dadku aaminsanaayeen inuu waayo arag u noqday waxay dadku rabaan iyo isbedelka laga rabo, balse dadku aanay u dooran in shakhsi shakhsi lagu bedelo, madaxweynana la rido mid kalana la saaro, haseyeeshee dadku waxay u jeeleen inuu jiro nidaam dhan oo u baahan in wax laga bedelo la hirgalyo.

Haseyeeshee, markii xukuumadda uu hogaaminayo madaxweyne Siillaanyo ay dhalatay baddi dadka wax bidayey madaxweynaha maanta, isla markaana rajeynayay inay wax badan ka qaban doonto nidaam darada ka muuqda maamuladii iskaga dambeeyey dawladnimada ee aan marna aqoonyahanka iyo dadka ehelka u ah habdhaqanka dawladnimo fursad loo siin xukuumadihii kala dambeeyey, oo laga tago xalka loona gudbo xul.

Madaxweynuhu markiiba waxa uu magacaabay dad u badan aqoonyahano oo loo hanweynaa, kuwaas oo dadku dhawrayeen in wax qaban doonaan, iyadoo la aaminsanaa inuu soo xulay dad xul ah.

Siyaasiyiin ka soo jeedday xisbigii ay aad u loolami jireen ee UDUB oo wakhtigaasi wax laga waydiiyey xukumadda uu soo dhisay madaxweynuhu oo kalmad ilaa hadda la hadal hayo oo dadku mar walba oo ay dhaliilayaan xukuumadda madaxweynuhu ku hadal qabsadaan, taas oo imiga uun la arkay in kelmadaasi run u eegtahay oo markii hore lala yaabaanaa.

Siyaasigaasi inuu hadalkaasi yidhi iyo inay dadku ka samaynayaa ma cadayn karo balse waxa laga sheegaa meelaha ay dadku ku kulmaan, waxaaanay sheegeen in kalmadaasi laga hayo wasiirkii hore ee Maaliyadda Cawil Xuseen Ducaale oo mar wax laga waydiiyey xukuumadda usoo dhisay madaxweynuhu uu yidhi “Xukuumadani maaha xukuumaddii Axmed Siillaanyo, ee waynu sugaynaa xukuumadiisa”.

Dadku markaasi way la yaabeen hadalkaasi sarbeebaysan iyo waxa uu ula jeeddo, balse 21 bilood ka dib wax ka yar laba sanno gudaheed ayaa hadalkaasi rumowday ka dib markii uu wax ka bedel  ku sameeyey golihiisi wasiiradda oo raggii lagu tilmaami jiray wax qabadka xukuumadda cusub uu bedelay, iyadoo dadkii dadku hadal hayeen, si weyna uga cabanayeena aanu taaban, taas oo  keentay in dib loo  xasuusto  hadalkaasi uu siyaasigaasi sheegay inuu wax badan ka jiro oo xukuumadaasi hore ahayd mid uu dadka ku soo dhoweynayey inuu wax qabanayo, balse markii uu kurisga uu mudada dheer u oomanaa helay uu xukuumaddiisii dhabta ahayd dhisay.

Waa rag is garanaya isku lod ahaa, is far-yaqaan, mid waliba ka kale garan karo hab dhaqankiisa iyo siyaasadiisa u qarsoon, dadku inta badan waxa ay yidhaahdaan marka ay doonayaan inay dhaliilaan siyaasadda madaxweyne Siillaanyo waa kii Cawil sheegay.

Dawladii hore waxa lagu dhaliili jiray hab dhaqanka maamul xumadda ,muqmaasuq, dad aan ehel u ahayn dawladnimada iyo shaqo abuur la’aan, intaaba waxa la kowsaday xukuumadan cusub  ee uu gadhwadeenka ka yahay madaxweyne Siillaanyo.

Hadaba,Madaxweyne Siillaanyo  iska daa inuu shaqo abuur sameeye kuwii shaqada haystay intuu eryey ayuu qaar shaqo haysta shaqaalaysiiyey, tusaale ahaan guddoomiye ku xigeenka 1aad Cabdicasiis Samaale isagoo shaqo haya ayuu shaqo kale u dhiibay, halka guddoomiyihii hay’ada shaqaalaha ka dhigay mid bilaa camala, halka maareeyihii madbacada Qaranka oo shaqo haysta shaqo kale u magacaabay, halka wasiirkii ciyaaraha oo shaqo badan qabtay loogu abaal guday camal la’aan, halka wasiirkii Maaliyadda ee waxqabadka lagu faanno sameeyey cidlo lagaga tagay, halka dhawr kun oo dhalinyaro ah oo uu madaxweynuhu golaha ka sheegay inuu shaqo abuur u samaynayo si madax taabasho iyo eex ah looga shaqaalaysiiyo wasaaradaha dawladda, taas oo ilaa hadda la iswaydiinayo boosaskii madaxweynuhu sheegay inuu dhalinyarada aqoonyahanka ah si cadaaladda uga shaqaalaysiinayo halka ay qabteen.

Sidoo kale, iyadoo ay jiraan tabashadda dadweynaha ee ah in aanu taaban dadkii la rabay inuu bedelo, balse uu xilka ka qaaday kuwii wax qabtay, taas ka sakow, waxa jira inuu xilal kala duwan u magacaabay ragii ay dadku ku eedeen jireen musuqmaasuqa iyo maamul xumadda oo ka tirsanaa xukuumadd hore ee Rayaale.

Dhinaca kale, waxay dadweynuhu islahaayeen wax buu ka bedelayaa qaabka la iskugu jawaabo ee marka uu siyaasi hadlo la odhanayo nin hebelkoodda ah loo raadinayo si uu ugu jawaabo wax la dhiilay, tusaale ahaan laba cisho ka hor  waxa  dawlada dhaliilay guddoomiyaha UMMADDA Dr: Maxamed Cabdi Gaboose, waxa u jawaabay wasiirka Xanaanadda Xoolaha oo ay isku deegaan ka soo jeeddaan, arrimahaasina waxay ahayd arrimihii laga dagaalamay ee la rabay in wax laga bedelo, lagana horumaro, taasina waxay cadaynaysaa  in aanu madaxweyne Siillaanyo qorshihiisu  ahayn inuu nidaam cusub iyo dhaqan wanaagsan soo kordhiye balse kaliya uu Rabay uun inuu kursiga ka kicisto, taasina waa ta keentay in dib loogu noqdo labaatan sanno ka hor wixii aynu ka soo gudubnay ee Beelo beelaha ahaa (La is baray oo goroyo Haad bay noqotay).

Guntii iyo gebogabadii madaxweyne laguma dooran in aad kursigan uun ku fadhiisato ee waxa laguu doortay inaad wax qabato, oo kuwa wax qabanaya aad dhiirigaliso ee maaha in kuwii wax qabanayey aad erido, kuwa waxma tarayaashana aad soo dhowaysato.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.