WorldRemitAds

Baarlamaanka Somaliland, ayaa la sheegay inay is hortaageen xukun degdeg ah oo lagu soo rogi lahaa deegaanno ka tirsan gobolada Bari ee dalka dhulkaas oo ay ka dhaceen dilal iyo xasilooni darro aan kala joogsi lahayn dhawrkii sanadood ee ugu dambaysay, halkaasoo ay ku dhinteen dadweyne tiro badan iyo ciidamada amniguba, waxana ugu dambeeyay dil dhawaanta degmada Gar’adag loogu geystay laba sarkaal oo ka mid ah ciidamada dalka.

Golahan oo Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Enj. Faysal Cali Waraabe ku sheegay inuu yahay Gole xubnihiisuba ka koobanyihiin isxambaar iyo dhaxal, lana soo dooranin shirguddoonkiisa isla markaana hor taagan in dalkana doorashooyin ka dhacaan,  ayaa dood ay dhawaanta ka yeesheen in goboladaasi Bari siiba degmooyinka Ceerigaabo, Ceel afweyn iyo Gar Adagba lagu soo rogo xukun degdeg ah si loo dejiyo xiisadaha amaan darada ah ee halkaa ka taagan, loona soo qaban lahaa gacan ku dhiiglayaashasii dilka u geystay saraakiishii ciiddanka, hase yeeshee Golahaasi ayaa la sheegay inuu gaashaanka u daruuray in xukunkaasi degdegga ah lagu soo rogo degmooyinkaasi,  kuna eedeeyey xukuumadda Muuse Biixi inuu marmasiiyo uga dhiganayo ajendahan  sidii uu dalka oo dhan  xukun milateri ugu soo rogi lahaa.

SomlegalAds

Dhinaca kale diidmada baarlamaanka Somaliland diidaya xukunka degdega ah waxa ku hambalyeeyey xisbiga Waddani iyo siyaasiyiin tiro badan oo weliba hab gobolaysan uga hadlay.

Haddaba marka la eego diidmada Baarlamaanka Somaliland diiday xukunka degdegga ah, lana barbadhigo dareenadda ka jiray degaanada ay ka soo jeedeen ciidamada la dilay,  la iskuna raacay in xasilooni daradii iyo dagaaladii Ceel afweyn dib u soo laabteen,  dawladda iyo shacbiga Somaliland waxgaradkeeduna khaatiyaan ka joogaan colaadaha Ceel afweyn, waxay cid kasta oo jecel xasiloonida iyo nabaadgelyada dalku soo dhaweeyeen xukunka degdegga ah,  taas oo ay aaminsan yihiin inay ahayd tallaabada ugu wanaagsan ee keeni karta xasiloonida dalka waxaysae diidmada golaha ee xukunkaasi u qaateen inay xildhibaanada golahaasi doonayaan in dalku fawdo galo lana soo qabanin gacan ku dhiiglayaashii dilay saraakiisha ciidanka amniga ee deegaanka Gar adag, wax rajo ahna aanay ka lahayn qarannimada dalka,  iyo dawladnimadiisaba .

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.