WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, February 17, 2020 (Saxafi) – Baarlamaanada Somaliland iyo Somalia ayaa xildhibaanno ka tirsani muujiyeen shaki la xidhiidha Qorshe uu  Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed waddo oo qayb ka mid ah lagu sheegay inuu madaxweynaha Somalia ku keenayo Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga  [wp-svg-icons icon=”twitter-2″ wrap=”i”] @Saxafi

SomlegalAds

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa sheegay inaanay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa ku soo dhaweyn doonin Madaxweynaha Soomaaliya haddiiba ay dhacdo inuu soo raaco Raysal-wasaaraha Ethiopia.

Saleyman Maxamuud Aadan guddoomiyaha golaha guurtida oo golihiisa la hadlay ayaa sheegay in ra’iisul wasaare Abiy Ahmed uu ku cadaadinayo Madaxweynaha Somaliland in uu Hargeysa u soo raaco Madaxweyne Farmaajo balse aanay aqbali doonin.

“War ku soo dhoweyn meyno, Abiy Ahmed in adeerow ha noo keenin, ina adeerow ha noo iman,..” Ayuu yidhi Guddoomiyaha Guurtidu, waxaana uu tilmaamay in aan Madaxweynaha Somalia wax raali gelin ah ka bixin dhibtii gaadhay Somaliland. Waxaana uu yidhi. “Raali gelin ma bixin, na ictiraaf kaliya.”ayuu yidhi Saleebaan Maxamuud.

Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland ayaa sidoo kale sheegay in hore Abiy Ahmed uga codsaday in Madaxweyne Farmajo uu yimaado Hargeysa. Laakiin, xukuumaddu hore uga diiday codsigaas.

“Tira laba jeer ah ayuu Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed naga codsadey in Farmaajo yimaado Hargeysa anagana waan ku celinay,marnaba Somaliland ma ogolaaneyso in Madaxweyne Farmaajo yimaado Hargeysa ”Ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland.

Sidoo kale wuxuu guddoomiyuhu carabka ku dhuftay in aanay dileyn Farmaajo, balse laga rabo inuu noqdo nin Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay. “Annagu waxa aannu leenahay ha noo keenin laakiin haddii uu la yimaado dee dilimayno laakiin nin Soomaaliyeed oo Abiy, la socda ha ahaado” ayuu guddoomiyuhu yidhi.

Hadalkaan ayaa ku soo beegmay, iyadoo warar soo baxaya ay sheegayaan in ra’iisul wasaare Abiy Ahmed uu qorsheynayo kulan 2-aad oo dhexmara madaxweyne Muuse Biixi Iyo Farmaajo, kuwaas oo toddobaadkii hore ku kulmay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Dhinaca kale, Senetar Ilyaas Cali Xasan oo ka tirsanAqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya, isla markaana ah Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Xisbiga Himilo Qaran ayaa isaga oo u waramayey VOA, waxa uu arirntaas ku macneeyay mid aan ka soo maaxan Madaxweyne Farmaajo ee lagu riixayo.

Senator Ilyaas ayaa sheegay in ay wanaagsan tahay in madaxweynaha Somalia yimaado Somaliland, balse haatan siyaasad uu Farmaajo la tagi karro Hargeysa aanay u diyaarsaneyn.

Sababta uu sidaas u yidhi ayaa Senetorku waxa uu ku sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu yahay ninka Somaliland gaadhsiiyey meel ka xun meeshii hore ee ay joogtay, sidoo kale waxa uu sheegay in raali gelintii maalmo ka hor uu u diray reer Somaliland ay aheyd mid aan buuxin oo hadallo kale uu ka daba tuuray, kuwaas oo uu sheegay in Somaliland ay ku qanci weyday, kana fal celisay.

“Madaxweyne Farmaajo haddii uu tegi lahaa Hargeysa waxa uu ahaan lahaa nin hore talaabo fiican u qaaday, ajende cadna uu la tago, laakiin ciladda jirtaa waxay tahay Farmaajo mashruucani kama iman sida ay reer Somaliland sheegeen, waxay yidhaahdeen Abiy ayaa nagu yidhi waxaan imanayaa Hargeysa Farmaajana waa ila socdaa, marka halkaas waxaad ka garan kartaa ninka saxda ah ee u socda safarka Hargeysa in aany aheynba Madaxweyne Farmaajo ee uu yahay Abiy Ahmed” ayuu yidhi Senator Ilyaas.

Isagoo sii hadlayey ayuu sheegay in Abiy uu u egyahay nin isaga is iibinaya, isagoo tusaale u soo qaatay meelo badan oo uu geeyay Farmaajo oo Soomaaliya khilaaf ka dhexeeyay, sida Kenya iyo Eritrea.

“Waxaa la odhan karaa siyaasadda arimaha dibadda ee Soomaaliya sida ay hadda ku socoto ama mashruuca loo bixiyey is-dhex galka ee Geeska Afrika waxa uu u muuqdaa mid Soomaaliya kaliya lagu iibisanayo, Madaxweynuhu ma faahfaahin waxii ka soo baxay kulankii uu kaga qeyb galay Addis Ababa, marka in uu raaco safar Abiy Ahmed ku tagayo Hargeysa waxba sooma kordhinayso, sababtoo ah siyaasad u degsan oo uu ku socdo malaha” ayuu yidhi Senator Ilyaas Cali Xasan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.