WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, December, 26, 2019 (Saxafi) – Qorrax madoobaad ayaa saacado yar kadib ama maanta oo ku beegan 26 December 2019 la filayaa in laga arki doono Somaliland iyo wadamo badan oo ku yaala qaaradaha Aasiya, Afrika iyo Australia, iyadoo dhinaca caasimadda Somaliland Hargeysa qorraxdu soo bixi doonto iyadoo qayb ahaan madow oo laga arki doono caasimadda Somaliland.

Dawladda Sacuudi Arabiya ayaa dib u dhigtay saacado kooban waqtigii imtixaanka dhexe ee aradayda u socday, isagoo ku beegan waqtiga la filayo Qorrax madoobaadka.

SomlegalAds

Qorrax madoobaadkan oo badanaa loo yaqaanno guluubka dabka, ayaa wuxuu yimaadaa marka Dayaxu daboolo badhtamaha qorraxda, taas oo ka dhigaysa geesaha qorraxda inay sameeyaan giraan dab ah.

Qorrax madoobaadkan ayaa laga arki doonaa Hargeysa iyo nawaaxigeeda, inkastoo muddada uu socon doonaa ay aad u yartahay kuna beegan tahay cadceed soo baxa, sidaas darteed Hargeysa waxaa laga arki doonaa qayb ahaan oo qorraxdu madow dahay, iyadoo weliba lagu tilmaamay xajmiga qorraxmadoobaadka Hargeysa laga arki doono ay qorraxdu ka madoobaan doonto 36.36% (boqolkiiba lix iyo soddon dhibix lix iyo soddon).

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga  [wp-svg-icons icon=”twitter-2″ wrap=”i”] @Saxafi

Magaalada Hargeysa waxa uu qorrax madoobaadku inuu ka bilaabmayo la filayaa abaaro 06:16, taas oo ku beegan hal daqiiqo ka hor cadceedda soo baxa iyadoo Hargeysa qorraxdu soo bixi doonto 06:17, sidaas darteed cadceedda ay saaka soo bixi doonta iyadoo qayb ahaan madow.

Waxay saadaashu sheegtay in qorrax-madoobaadka Hareysa laga arkayo oo ay qorraxda qayb ahaan madow dahay uu socon doono muddo lagu qiyaasay saacad iyo lix iyo toban daqiiqadood (1:16), waxaanu wakhtiga uu dhamaanayaa qorrax madoobaadkaasi dhinaca Hargeysa noqon doonaa abaaro 07:32 wakhtiga Hargeysa.

Dalka Imaaraatka Carabta iyo guud dunida Muslimka ee la filayo inay qorrax madoobaadkan arkaan ayaa isku diyaarinaya inay ogaan saaladda sunaha ah ee Nebi Muxamed (NNKH) inoogu hormoodka ahaa marka uu dhaco qorrax madoobaad ama dayax madoobaad.

Qorrax madoobaadkan waxaa la sheegay in laga arki doono dalalka Saudi Arabia, Qatar, United Arab Emirates, Oman, India, Sri Lanka, Malaysia, Indonesia, Singapore, Northern Mariana Islands, iyo Guam.

Waxaa kaloo laga arki doonaa meelo ka mid ah qaarada Afrika iyo Australia sida ay tilmaamayso saadaasha laga bixiyay.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.