WorldRemitAds

Xog ururin ka soo baxday xafiiska shirkada suuq gelinta qalabka casriga ah ugu horaysa adduunka ee Counterpoint, ayaa lagu soo bandhigay telefoonada gacanta ee loogu iibsiga badnaa adduunka ee sannadkan dhamaanaya ee 2019-ka.

Sida xog ururinta xafiiskan lagu sheegay aalada iPhone XR oo suuqyada adduunka soo galay dabayaaqadii sannadkii hore ayaa boqolkiiba saddex kaliya ka helay saamiga iibka suuqyada dunida, halka telefoonada iPhone 11, uu kaalinta shanaad ka galay iibka suuqyada adduunka, taas oo 1,6 boqolkiiba ka noqonaya guud ahaan telefoonada gacanta ee shirkada iPhone ee suuqyada galay sanadkan 2019-ka.

SomlegalAds

Laakiin sida warbixintani xustay waxa rubucii u danbeeyay ee sanadkan mar kale kaalinta ugu horaysay galay telefoonada shirkada Koonfurta Kuuriya laga leeyahay ee Samsung Galaxy 10, halka kaalinta labaad la sheegay in telefoonada gacanta ee iPhone XR galay.

Sida xog ururintan lagu cadeeyay tobankii telefoon ee loogu iibsiga badnaa adduunka ayaa kala ahaa sidan hoos ku xusan,

Samsung Galaxy A10, iPhone XR, Samsung Galaxy A50, Oppo A9, iPhone 11, Oppo A5s, Samsung Galaxy A20, Oppo A5, Xiaomi Redmi A7 iyo Huawei P30, oo lagu farsameeyo dalka Shiinaha, waxaanay sida xog ururintani tilmaamayso telefoonada adduunka ee sanadkan loogu iibsiga badnaa ay noqonayaan kuwa kaalmaha ugu horeeyay ku jira oo ay sameeyeen shirkadaha koonfurta bari ee Qaarada Eeshiya laga leeyahay iyo Maraykanka oo ku loolamaya suuqyada adduunka.

Sida xog ururinta xafiiska Counterpoint tilmaamayo waxa xusid mudan in kalsoonida ugu badan loo hayo aaladaha casriga ah ee ay samayso shirkada Maraykanka laga leeyahay ee Apple, laakiin qiimaheeda oo aad u sareeya ayaa sababay in dadku uga wareegaan shirkadaha kale ee Qaarada Eeshiya laga leeyahay oo aad uga qiimo jaban.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.