WorldRemitAds

Oday lixdan jir da’diisu tahay oo u dhashay dalka Maraykanka ayaa kaga dhabeeyay riyadiisi uu muddada dheer ku taamayay, waxaanu maalintii shalay ku duulay gantaal uu gacantiisa ku sameeyay, kaas oo uu doonayay inuu ku xaqiijiyo qaab dhismeedka dhulku u samaysan yahay.

Odaygan oo lagu magacaabo, Stennis Mike Hughes, ayaa ka mid ah dadka sida wayn uga soo hor jeeda in dhulku sida kubada oo kale u samaysan yahay, waxaanu sida uu sheegay uu aaminsan yahay in dhulku balaadhan yahay oo aanu goobo ahayn.

SomlegalAds

Ninkan odayga ah oo dhamaadkii sanadkii hore doonayay inuu saaruukhan uu gacantiisa ku sameeyay ku duulo, ayaa ka baaqday ka dib markii maamulka degaankiisu u diiday, hasa yeeshee dhawaan ayaa la siiyay rukhsada duulista ee gantaalkiisan ka dib markii nabad galyadiisa la sugay.

Waxaanu maalintii shalay ka haaday, gobolka California, isaga oo masaafo dhan shan boqol iyo todobaatan mitir kor u duulay oo hawada sare u galay, ka dibna dul maray magaalada Impoy loogu yeedho oo ku taala koonfurta Los Angeles, ka dibna isaga oo adeegsanaya dalaayaad ama baarashuut ku degay meel afar boqol iyo konton mitir u jirta goobtii uu ka duulay.

Ninkan ayaa sheegay inuu ku guulaystay isku daygiisi koowaad, waxaanu balan qaaday inuu sii wadayo ilaa uu ka samaysanayo gantaal suura gal uga dhigo inuu aragtidiisa ku soo xaqiijo, oo uu soo kala ogaado in dhulku goobo sida beedka ah oo kale yahay iyo inuu balaadhan yahay sida uu aaminsan yahay.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.