WorldRemitAds

Magaalada Kandovan, waxa ay ku taala cidhiifka ugu shiisheeya waqooyiga galbeed ee dalka Iiraan. Magaaladan oo buur dhagaxeed salaxyo waaweyn laga qoday, ka samaysan, waxa ay kamid tahay goobaha ugu layaabka badan dunida, gaar ahaan marka laga hadlay dhismaha iyo xadaaradii dadkii hore.

Maxaad Ka Taqaan Magaalo Buureeda Kandovan Ee Dalka IiraanEray ahaan magaca magaalada ee Kandovan waxay afka Iiraaniga ku noqonaysa magaaladii xabaal qodayaasha dhagxaanta, Waa muuqaal aan la rumaysan Karin marka meel fog laga joogo in guryo iyo meel la degan yahay ay yihiin, waxaana la moodaa, sidii boholo iyo godad bahalo galeen ah, oo dudumooyinka sidooda u dhisan, laakiin marka loo dhawaado ayaa la garan karayaa in guryo ay yihiin, oo la degan yahay.

SomlegalAds

Maxaad Ka Taqaan Magaalo Buureeda Kandovan Ee Dalka IiraanKandovan, oo ka mid ah wakhtigan goobaha loo dalxiiska tago ee taariikhiga ah ee dalka Iiran ku yaala, waxa sidii loo degay iyo sababtii ku kaliftay dadkii qoday buurahani leedahay taariikh dheer oo ilaa kun sanadood ku dhow.

Maxaad Ka Taqaan Magaalo Buureeda Kandovan Ee Dalka IiraanSida taariikhda magaalo buureedan lagu hayo, dadkii hore ugu dhaqnaan jiray degaankaas, ayaa waxa weerar xoog leh ku soo qaaday, xoogagii Mangoliyiinta, kuwaas oo dunida inteeda badan ku qabsaday gulufkoodi waynaa.

Maxaad Ka Taqaan Magaalo Buureeda Kandovan Ee Dalka IiraanDadka reer Kandovan, ayaa guryo ka qotay dhagxaanta salaxyada ah ee buuraha ku dherar jiidaas, halkaas oo ay ka hir galiyeen, magaalo difaac ahaan amnigeedu sugan yahay, isla markaana u adkaysan karta dabeecada iyo cimilada qalafsan ee degaankaas ka jirta.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga  [wp-svg-icons icon=”twitter-2″ wrap=”i”] @Saxafi

Magaca Kandovan oo afka Faarisiga macnihiisu ku noqonayo Dhulkii Xafaariinta godadka, ayaa in kasta oo ay sheeda dudumooyinka abuurku dhiso oo kale uga eg tahay, marka gudaha loo galo, kaa yaabinaya, sida ay dhagxaantaas la qoday uga samaysteen guryaha quruxda badan ee nashqadoodu sarayso.

Maxaad Ka Taqaan Magaalo Buureeda Kandovan Ee Dalka IiraanIn kasta oo Mangooliyiintii jabeen oo aanay jirin cabsidoodi, xiligii ay gulufka iyo dagalka ku qabsanayeen dunida inteeda badana ay ka nabad galeen, haddana dadka reer Kandovan, ilaa wali waa kuwo ku nool guryihii ay dhagxaanta buuraha ka qoteen ee cabsidu ku kaliftay.

Guri kasta oo ku yaala magaalo buureedan ku taala dalka Iiraan ee Kandovan, waxa uu leeyahay nashqad iyo hab loo dhisay oo aad kaaga yaabinaya, qol kastana waxa u dhamaystiran waxyaabaha aasaasiga u ah nolosha aadamiga.

Nashqada ay u sameeyeen waa ta ka wada yaabisay dunida oo dhan, sababtoo ah? waxa dhismahooda la mooda in sida wakhtigan casriga ah, wax loo dhisto loo dejiyay, dhamaantood guryaha ku yaala buurtani waxay u jeedaan dhinaca bari. Oo ah jihada kaliya ee aanay dabayshu ka soo dhicin marka la joogo buurahan.

Maxaad Ka Taqaan Magaalo Buureeda Kandovan Ee Dalka IiraanHaddaba Wakhtigan oo ay dhamaadeen dadkii xafaariinta ahaa ee qoday buurahan, guryahana ka  samaysan jiray, ayaa ilaa iyo wali la degan yahay oo guryo cusub laga samaytaa.

Marka la waraysto dadka ku nool magaaladanina waxa ay kuu sheegayaan in qodista halkii qol ama guri ee buurahani ku hirgalayo afar sanadood oo la jafo dhagxaanta salaxa ah.

“Magaaaldan waxa ku yaala 190 guri, waxaana ku nool kun iyo dheeraad qof, mar kasta oo aanu guri cusub dhisanayno ama aan mid hore u jiray kordhinayno, waxaanu adeegsanaa qaabkii awoowyaashayo wax u dhisan jireen, oo waxaanu qodnaa dhagxaanta salaxa ah, anagoo isticmaalayna, madaraqyo, sabarado iyo waxyaabo kale oo biro ah.

Dhisme kastaa waxa uu u baahan yahay, in la raaco qaab injineerin xasaasi ah, oo waxa loo sahaminayaa in aan dhagaxu noqon mid dumaya, in habka loo qorayaa qurux iyo nashqada la jaan qaado iyo in laga sameeyo guri qoys oo lagu noolaan karo.”

In kasta oo kumanaan sanadood ka soo wareegtay wakhtigii la aasaasay magaalo buureedan Kandovan, haddana wali kama dhamaan dhaqankii sababta u ahaa dhismaheeda ee cabsida iyo feejignaanta ku dhisnaa.

Mar kasta oo aad booqato degaankan waxa dadka ku dhaqani kuula dhaqmayaan sidii qof aanay waligood hore u arag, waxaanay caado u leeyihiin halku dhegyo iyo naanayso ay u bixiyaan dadka soo booqda, haddana maaha dad soo dhawayn xun oo xidh xidhan.!

Waxa soo degay ganacsato badan, dalxiisayaashuna way ku soo bateen oo sii kordhiyeen cabsidii dadka reer Kandovan ka qabeen in lagu soo cidhiidhyo dhulkooda.

Dibada hore ee magaaladan waxa durba laga hir geliyay hudheel dalxiis, kaas oo dhisme ahaan wajiga hore looga Ekaysiiyay sida guryaha dhagxaanta salaxyada ka dhisan ee Reer Kandovan, laakiin gudihiisu ka duwan yahay oo internet, telefishano iyo nolosha casriga ah ee dunidu ka jirto.

Dalxiisayaashu waxay halkan u yimaadaan si aynoo daawadaan, laakiin uma yimaadaan inay nolosha nagala qayb qataan oo hoos noo ogaadaan, sidaa waxa ku odhanay qof kasta oo reer Kandovan ah.

Isku soo wada duubo magaalada Kandovan waa mid gudaha dalka Iiraan laga wada yaqaano taariikhdeeduna ku wayn tahay, laakiin muuqaal ahaan wakhtigan uga dhigan goob dalxiiseed loo tamashlo tago.

Iiraan

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.