WorldRemitAds

Maalmihii ugu danbeeyay waxa shabakadaha xidhiidhka bulshada ee dalalka Carabta iyo warbaahinta dunida hadheeyay warka hudheel noociisu ku cusub yahay dhulka Khaliijka Carabta oo laga furay dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya, kaas oo sida xayaysiiska lagu sheegay ah mid lagu ciyaaro, muusiga qoobka ciyaarka ah, looguna magac daray, “Disco Halaal” Hudheelka Qoobka Ciyaarka Xalaasha ah.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Twitterka

SomlegalAds

Warka la xidhiidha Hudheelkan cusub ayaa si wayn u dhex qaaday shabakadaha xidhiidhka bulshada ee waddamada Carabta, ka dibna warbaahinta waaweyn ee dunidu siyaabo kala duwan uga faalootay, sida lagu sheegay xayaysiis u gaar ah hudheelkan waxa laga furay dalka Sucuudiga bilowgii bishan Shuwaal ee aynu ku jirno taas oo haddii si kale loo dhigo ku beegmaysa maalmihii ciida Soonfureed.

Sida lagu sheegay xayaysiiska shirkada Wait ayaa tiraba dhawr hudheel oo kuwa qoobka ciyaarka ee habeenkii lagu caweeyo ka furatay, xeebta Magaalada Jeddah ee ugu wayn dalka Sucuudiga, waxaanay hudheeladan cusub ee qoobka ciyaarka habeenkii lagu soo jeeda qayb ka yihiin, laamo tiro badan oo shirkadu hore uga furatay magaalooyinka Dubai iyo Bayruut ee caasimadda Lubnaan.

Dood badan ayaa ka dhalatay markii xayaysiiskani soo baxay, waxaanay dadku si wayn ugu kala qaybsameen, hudheeladan qoobka ciyaarka oo dadka badankoodu, ku tilmaameen kuwo dhaqan xumo iyo fusuq ku soo kordhin doona umada, waxaanay dadka aragtidan aaminsani ku doodayaan in muusiga iyo qoobka ciyaarku aanay marnaba banaanayn wax xalaal lagu sheegana aanay mudnayn.

Waxa jira dad qaba aragti ta aka duwan oo ku doodaya in loo baahan yahay wax badana ay ka tari doonaan xoriyada iyo ilbaxnimada dadka ku dhaqan dalka Sucuudiga, kuwaas oo sida ay dadkani ku andacoonayaan wakhti dheer xadaarada dunida ka go’doonsanaa.

Wakhti danbe ayay dawlada Sucuudigu ka hadashay waxaana bayaan la xidhiidha hudheeladan soo saartay wakaalada tamashlaha iyo raxaysiga u qaabilsan dalkaa, taas oo uu sameeyay dhaxal sugaha Mohamed Bin Salman, muran badanina ka taagan yahay, wakaaladan ayaa bayaankeeda ku sheegtay inay baadhitaan ku samayn doonto xaqiiqada warka furitaanka hudheelka qoobka ciyaarka Xalaasha ah, laakiin dooda wakaaladan laguma qancin, waxaanay dad badani ku doodayaan in rukhsada ay siiyeen, si aanay dadku u kicina ay daaha u saarayaan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.