WorldRemitAds

Magaalada xarunta ganacsiga boqortooyada Sucuudiga Arabiya ee Jeddah ayaa taariikhda markii ugu horaysay laga furay, silimoogii ugu horeeyay ee haweenka iyo raggu wada galaan, kaas oo xadhiga laga jaray xaflad wayna loo dhigay maalintii shalay.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Facebook-ga

SomlegalAds

Sida wakaaladaha wararka aduunka ku warameen, shirkada caalamiga ah ee Vox lagu magacaabo, ayaa silimoogan ka hirgelisay magaalada Jeddah kaas oo noqonaya taariikhda markii ugu horaysay ee dalkaa laga furo silimo, la is dhex fadhiisanayo oo aan haweenka iyo raga u kala gaar ahayn.

Sucuudiga Oo Laga Furay Silimoogii Ugu Horeeyay Ee Haweenka Iyo Raggu Is Dhex FadhiistaanXafladii Furitaanka oo masuuliyiin tiro badani ka soo qayb galeen ayaa si wayn loogu amaanay, dhaxal sugaha boqortooyada dalkaa Mohamed Bin Salman oo isagu sida la sheegay lahaa figrada lagu hirgeliyay silimoogan haweenka iyo raggu is dhex fadhiisanayaan iyo barnaamijyo kale oo lagu furfurayo siyaasadii shareecada diinta Islaamka ku dhisnayd ee dalkaasi ku dhaqmi jiray.

Silimoogan haweenka iyo raggu is-dhex fadhiisanayaan oo ah nooca casriga ah ayaa 12 shaashadood oo waaweyn leh, kana kooban ilaa lix qaybood oo waaweyn oo dadku wax ku daawadaan, waxa kale oo ku yaala qaybo carruurta da’doodu yar tahay loogu talo galay, waxaanu ka mid yahay silimooyada ugu casrisan adduunka oo dhamaan qalabka yaala wada cusub yihiin lana jaan qaadayaan nidaamka casriga ah ee adduunka.

Madaxa wakaalada maqalka iyo muuqaalka ee dalka Sucuudiga, Badar Hussein Al Sahrani oo xafladii furitaanka ka hadlay, ayaa sheegay in silimoogani qayb ka yahay, barnaamijka furfurista siyaasada dalka ee dhaxal suguhu hoogaaminayo, kaas oo dhamaan waxyaabaha raaxada ah loo ogolaanayo shacabka, ayna ka mid yihiin, silimooyada, hudheelada lagu caweeyo ee Night Clubs-ka lagu magacaabo, meelaha lagu soo jeedo habeenkii, turubka iyo khamaarka oo dhaamaan loo fasaxayo dadka, hudheelada doonayana ruqsad loo siinayo.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Twitterka

Waxa kale oo xaflada furitaanka Silimoogan ka hadashay suxufiyad caanka ah ee dalka Lubnaan u dhalatay ee Raya Abu Rashid lagu magacaabo, taas oo talaabo lagu farxay oo dhinaca horumarka loo qaaday ku tilmaantay, si wayna shacabka Sucuudiga ugu boorisay inay ka qayb qaataan barnaamijyada dhaxal sugaha ee xoriyada shacabka kor loogu qaadayo.

Sucuudiga Oo Laga Furay Silimoogii Ugu Horeeyay Ee Haweenka Iyo Raggu Is Dhex FadhiistaanSilimoogan laga furay magaalada Jeddah ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee muddo afartan sanadood ah dalkaa, lagu furo, waxaanu soo afjaray xayiraadii boqortooyada Sucuudigu hore ugu soo rogtay silimooyada iyo meelaha lagu caweeyo oo nus qarni ka hor albaabada loo laabay, lagana mamnuucay dalkaa.

Hay’adda Raaxada iyo tamashlaha dalka Sucuudiga u qaabilsan oo dhawaan la sameeyay ayaa shirkad laga leeyahay dalka Maraykanka, qandaraas ku siisay silimooyo laga furayo dalkaas oo dhan, waxaanu qandaraaskan oo balaayiin dollar ku kacaya uu noqonaya, mid shirkadaas laga leeyahay dalka Maraykanku ku dhisayso, afartan xarumood oo shan iyo toban magaalo lagaga hir gelin doono afartan tiyaataro iyo silimooyo lagu caweeyo habeenkii, oo rag iyo haweenku wada geli karaan, loona ogol yahay inay is dhex fadhiistaan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.