WorldRemitAds

Raysal Wasaaraha Malaysia Mahathir Mohamad ayaa si kulul u weeraray qoyska boqortooyada Sucuudi Arabiya oo uu ku tilmaamay, mid jar iska tuurnimo ku dhaqmaya, muqadasaadkii Islaamkana halis ku ah, xumaana ula badheedhay dhulkii barakaysnaa.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Facebook-ga

SomlegalAds

Raysal wasaaraha ugu da’da wayn madaxda adduunka Mahathir Mohamad ayaa dhinaca kale muslimiinta adduunka ugu baaqay, inay kulan degdeg ah ka yeeshaan waxa laga yeelayo maamulka iyo masuuliyada labada xaram ee barakaysan.

Hadalka ka soo yeedhay Mahathir Mohamad ayaa ka danbeeyay, go’aanka cusub ee dhaxal sugaha boqortooyada Sucuudigu Amiir Maxamed bin Salmaan ku fasaxay, hudheelada lagu caweeyo, khamaarka iyo khamriga in lagu iibin karo hudheelada waaweyn ee boqortooyada Sucuudiga.

Ka dib markii wasiirka tamashlaha iyo raaxada u qaabilsan Sucuudiga Turk Bin Sheikh uu fagaare kaga dhawaaqay, in dawlada Sucuudigu 2020-ka qorshaynayso inay noqoto, waddanka afraad ee tumashada iyo dalxiiska ugu badan qaaradda Eeshiya, dunidana ay dalka Tobnaad ka noqdaan.

Mahathir Mohamed ayaa sida wakaaladaha wararka adduunku sheegeen, bogiisa Twitter-ka ku qoray, qoraal uu kaga cadhaysan yahay talaabooyinka diin ka baxnimada u muuqda ee maamulka Sucuudigu ku kacayo, waxaanu yidhi, “Ma garanayo sababta boqorka Sucuudigu ku noqon karo Adeegaha labada xaram ee barakaysan, ama khaadimul xaramayn, mar haddii dawladiisu fasaxday khamriga iyo khamaarka oo dalkii fasuq ay ka abuurayso.

Waxan ku baaqayaa in laga tashado masuuliyada labada xaramayn ee barakaysan oo muslimiintu go’aan ka gadhaan waxa laga yeelayo iyo cida maamulaysa, waayo? Dalkii iyo boqortooyadii masuuliyada uga ahayd waxay qaaday jid qalooca oo xumaantii diintu reebtay ayay is badal iyo xoriyad u arkeen.

Laakiin maaha xoriyadu khamri iyo khamaarka inaad u fasaxdaan dadkiina, balse waa inaad wax bartaan oo horumar ku samaysaan dalka, waxaan ugu baaqayaa in boqortooyadu ka fiirsato go’aanadeeda jar iska xoornimada ah ee ay muddooyinka danbe caadaysatay inay mar walba dhagaha dadka Islaamka ah kaga cadhaysiiyaan.” Sidaa waxa u dhignaa hadal uu raysal wasaaraha dalka Malaysia Mahathir Mohamad kaga jawaabayay siyaasadaha cusub ee dhaxal sugaha boqortooyada Sucuudiga.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Twitterka

Dhawaan ayay ahayd markii Turk Aala Sheikh oo uu dhalay sheekha ugu sareeya culimada dalka Sucuudigu uu cadeeyay, in maamulkoodu fasaxay hudheelada lagu caweeyo habeenkii, turubka, khamaarka iyo khamrada, waxaanu masuulkan tamashlaha iyo raaxada u qaabilsan boqortooyadu qiray inay rukhsadaha siinayaan hudheelada danaynaya inay khamriga iibiyaan iyo meelaha khamaarka lagu ciyaaro ee Casino-ga loo yaqaan.

Masuulkan ayaa sheegay in siyaasada boqortooyadu tahay in sanadka soo socda dalkoodu noqdo, ka afraad ee qaarada Eeshiya ugu tumashada iyo tamashlaha badan, dunidana ay ka tobnaad ka noqon doonaan, taas oo qayb ka ah siyaasada dhaxal sugaha boqortooyada ayuu yidhi masuulkani.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.