WorldRemitAds

Wiil dhallinyaro ah oo kiristaan-nimo ku soo barbaaray, ka awoow ka awoowna masiixi ahaa, ayaa diinta Islaamka qaatay, waxaana qisada Islaam-nimadiisu ahayd mid mucjiso ah, sida uu sheegay markii uu qaatay diinta Islaamka ka dib.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Facebook-ga

SomlegalAds

Wiilkan dhalinyarada ah oo hore loogu magacaabi jiray, Castro Mansi ayna iska dhaleen aabe kiristaan ah oo reer Urdun ah iyo Hooyo Romania dhalashadeedu tahay oo iyaduna masiixiyad ah, lix iyo toban jirna imika da’diisu tahay, ayaa sida uu sheegay lagu soo barbaariyay dhaqan ku lid ah diinta Islaamka, mar kastana laga ilaalin jiray inuu u dhawaado.

Markii uu dugsiga galay ayuu bartay nashiidooyin Islaami ah oo lagu dhigto dugsiyada dalka Urdun, kuwaas oo xitaa waalidkiisu ka ilaalin jiray inuu xafido ama guriga ka dhex akhriyo, waxaana sida uu sheegay ay waalidkiisu mar walba u diidi jireen inuu akhriyo nashiidooyinka Islaamiga ah, sida uu ku waramayna waxa ay gaadhay in xitaa ay ugu gacan qaadaan, waanay ku dileen mar uu gurigooda dhexdiisa ka akhriyay nashiido Islaami ah.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Twitterka

Laakiin markii da’diisu gadhay shan iyo toban jir ayuu habeen Manaam ku Akray Nebbi Maxamed (NNKHA), waxaanu sheegay in Rasuulku (SCW), uu ku yidhi, “I Soo raac aan salaada ku baree.” Ka dibna uu ku dabo tukaday, waxaanu ku qarway riyadii dhexdeeda oo wuxuu toosay isagoo ku salalsan Shahaadataynka.

Waxa markii ay qayladiisa maqleen ku soo cararay waalidkii oo soo gaadhay isagoo Ashahaadanaya, waxaanay taasi sababtay dagaal ka dhex dhacay isaga iyo labadiisa waalid, kuwaas oo ku qabsaday, sheegayna in mar hore uu qaatay diinta Islaamka oo uu qarsanayay, waxaana lagu xidhay guriga dhexdiisa oo waxay waalidkiisu uga dhaarteen inuu dibada u baxo, iyagoo ka cabsoonaya inuu la kulmo kooxaha Qawaafilu Najaadka loogu yeedho ee diinta Islaamka ka dhex fidiya kiristaan Urdun.

Maalmo ka dib ayuu ka baxsaday gurigooda oo wuxuu tagay maxkamad ku taala magaaladii ay deganaayeen oo uu xaalka uga waramay, waxaanu garsooruhu u amray in la geeyo xero lagu xanaaneeyo agoonta, halkaas oo uu muddo kooban ku jiray, laakiin uu haddana ka baxsaday isaga oo ka baqay in waalidkii ugu yimaadaan oo lagu celiyo gurigoodi.

Markii uu xerada agoomaha ka baxsaday ayuu u tagay suldaan ka mid ah salaadiinta qabiilada koonfurta dalkaas degan, kaas oo si diiran u soo dhaweeyay wax kasta oo uu u baahnaana siiyay, waxaanu sheegay Castro Masin in suldaankaasi xitaa ka furdaamiyay maxkamadaha dalkaas, una badalay dhalashadiisi kiristaanka ahayd oo la siiyay waraaqo cusub oo loogu dhigay magaciisa cusub ee Islaamka ah ee Maxamed.

Suldaan Fawzan Xamid Asfar oo ah suldaanka qabiilka reer Cadiya, waxa uu dejiyay gurigiisa waxaanu u suura galiyay, inuu xidhiidhiyo wiilkan yar ee Muslimay iyo boqorka dalka Sucuudiga, ka dibna boqorka Sucuudi Arabiya ee Cusub Boqor Salman Bin Cabdi Casiis Aala Sucuud, ayaa u ogolaaday inuu Cimraysto, soona booqdo Masaajidka iyo qabriga Nabigeeni Suubanaa ee Maxamed (NNKHA), halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay wakhtigana uu ku sugan yahay, lagana yaabo inuu dhawr bilood sii joogi doono dalka Sucuudi Arabiya.

Maxamed ayaa sheegay in markii Suldaan Fawzan Kafaalo qaaday, ka dib waalidkiisuna ogolaadeen Islaam-nimadiisa, waxaana ugu horeeysay hooyadii oo ku hambalyaysay, sheegtayna in ay ku ogoshahay Muslim nimadiisa.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.