WorldRemitAds

Dawladda Hindiya ayaa soo saartay go’aan lagu mamnuucay Xeerka Qoyska Islaamiga ah ee ay Muslimiinta dalkaasi ku dhaqmi jireen

Wakhti xiisada ka dhalatay gobolka Kashmiir meeshii ugu adkayd abid marayso, ayay dawladda Hinduuga xag jirka ahi hoggaanka u hayaan ee dalka Hindiya soo saartay, go’aan cusub oo lagu mamnuucayo xeerka qoyska ee Islaamiga ah ee dalkaasi ku dhaqmayeen tan iyo wakhtigii gumaystihii Ingiriisku ka talin jiray dhulkaa Hinduuska.

SomlegalAds

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga  [wp-svg-icons icon=”twitter-2″ wrap=”i”] @Saxafi

Sharcigan Xukuumadda Hindiya soo saartay ayaa furiinka saddexda dalqadood lagu furo haweenka ku tilmaamay, xad gudub iyo meel ka dhac ku lidi ah nidaamka calmaaniga ah ee dalkaasi ku dhaqmo, waxa kale oo sharcigani ceeb qaran ku tilmaamay ragga dhawrka xaas guursada ama qaba ee Muslimiinta ah.

Sida sharcigan qoyska ee xukuumadda Hindiya soo saartay ku cad, guurka xaasaska badan iyo furiinka haweenka ee sadexda dalqadood la isku raaciyaa, waa dhaqano ku lidi ah nidaamka dumuqraadiga ee dalkaas ka jira, waxaanay xukuumadda dalkaasi Maxkamadda sare ka codsatay inay mamnuucdo guurka dhawrka xaas iyo furiinka haweenka.

Sida dastuurka dalka Hindiya ayaa muslimiinta dalkaas oo boqolkiiba afartan ku dhawaad ka ah, shacabka dalka Hindiya, u ogol inay ku dhaqmaan sharciga diinta Islaamka gaar ahaan xeerka qoyska, waxaanay xor u yihiin, guurka xaasaska badan ee ilaa afarta ku siman, furiinka iyo dhaxalkana ay ku goostaan shareecada diinta Islaamka.

Qodobka Muslimiinta dalkaas u madax banaanaynaya inay diinta Islaamka ku dhaqmaan oo xeerka qoyska iyo dhaxalka u madax banaan yihiin, ayaa markiiba noqday caqabada ugu wayn ee sharcigan cusub kaa hor imanaysa dhamaan xujooyinkiisana waxba kama jiraan ka dhigaysa.

Sida dadka ka faalooda siyaasadda dalka Hindiya tilmaameen sharcigan ayaa xitaa haddii uu hir galo ku koobnaan doona oo qudha, qoomiyadaha kale ee aanay muslimiinta dalkaasi ku jirin, waxaana sida la aaminsan yahay ku khasbay xukuumadda dalka Hindiya inay sharci sidan u adag ka soo saarto xeerka qoyska loo malaynayaa, tacadiyada sii badanaya ee lagu hayo haweenka dalka Hindiya.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.