WorldRemitAds

Qormadan waxaanu idiinku soo bandhigaynaa Madaxweyneyaashii Adduunka ee sanadkan 2019 geeriyooday, kuwaas oo dalal kala duwan ka soo kala jeeda, isla markaana duruufo kala duwan geeridu ku haleeshay, halka dhammaan Madaxweyneyaashii geeriyooday sannadka 2019 ay wadaagayeen hal shay.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga  [wp-svg-icons icon=”twitter-2″ wrap=”i”] @Saxafi

SomlegalAds

Sanmadkan dhamaanaya ee 2019-ka waxa dhintay Madaxweynayaal siyaabo kala duwan xukunka dalalkooda ku qabtay, kuwaas oo umadahooda sharciyo kala duwan oo qaarkood la mahadiyay horumarna lagu gaadhay, kuwana lagu khasaaray oo dagaalo iyo dhibaato la muteen shacabkoodu, laakiin waxay ka wada sinaayeen in dhamaantood cusbitaalo xanuuno ku dhacay loo dhigay ay ku dhinteen, qaarkood aas qaran ayaa loo sameeyay qaarna waddamadii ay mastaafuriska ku joogeen ayaa lagu dilay, halka kuwo kalana maamulkii afgambiyay ay sababo aan ilaa wali la cadayn ay ku khaarajiyeen.

Madaxweyneyaashii Adduunka Ee Sanadkan 2019 GeeriyoodayMadaxweynihii Hore Ee Peru Oo Is Dilay

April 17. 2019-kii Madaxweynihii Hore ee dalka Peru, Alan Garcia ayaa toogasho isku khaarajiyay, wakhti booliska dalkaasi doonayay inay xabsiga u taxabaan, waxaanu shilkan madaxweynuhu isku dilay sababay muran ku saabsan sababta dhimashadiisa.

Booliska dalka Peru oo eedo musuq maasuq la xidhiidha u soo xidhayay ayaa cadeeyay in Madaxweynuhu is dilay wax yar ka hor intaanay gaadhin gurigiisa, kaas oo warqad uu qoray ka hor intaanu is dilin oo mar danbe la helay ku sheegay inuu isku khaarajiyay sababo sharaftiisa la xidhiidha oo aanu u dul qaadan Karin in cadawgiisa iyo mucaaridkiisu ku wiirsadaan.

Madaxweyneyaashii Adduunka Ee Sanadkan 2019 GeeriyoodayDhimashada Madaxweynihii Hore Ee Dalka Masar Mohamed Morsi

Jun 17, 2019-kii Waxa magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar ku geeriyooday Madaxweynihii hore ee dalkaa Dr. Mohamed Morzi, oo sida maamulka dalkaasi xaqiijiyay ku dhex dhintay gudaha maxkamada dalkaa oo dacwad ka dhan ah loo hor keenay.

Dr. Mohamed Morsi ayaa madaxweynaha dalka Masar loo doortay sideed iyo toban bilood ka dib kacdoonkii shacabka dalkaas ee talaada lagaga tuuray maamulkii Madaxweyne Mubaarak, laakiin waxa inqilaabay madaxweynaha imika ka taliya dalka Masar Gen Abdi Fatah Sisi, oo xabsiga u taxaabay, eedo tiro badana dusha u saaray waxaanu tan iyo markii la afganbiyay ku jiray xabsi si adag loo ilaaliyo, milatariga ka taliya dalka Masar ayaa diiday in baadhitaan madax banaan lagu sameeyo sababta dhimashadiisa sababtay, waxaanay habeen madow ku aaseen xabaalaha Ikhwaanta ee magaalada Qaahira oo cid ka qayb gasha aaskiisa loo diiday.

Madaxweyneyaashii Adduunka Ee Sanadkan 2019 GeeriyoodayMadaxweynihii Tuunis Mohamed Beji Caid Essebsi Oo Isagoo 92-jir Ah Dhintay

July 25, 2019-kii Madaxweynihii dalka Tuunis Mohamed Beji Caid Essebsi, ayaa ku geeriyooday cusbitaal Milatariga dalkaasi leeyahay oo ku yaala magaalada caasimadda ah ee Tunis, kaas oo dabayaqadii bishii jun ee isla 2019-kii loola cararay ka dib markii xanuun degdeg ahi ku soo booday.

Mohamed Beji Caid Essebsi ayaa noqday Madaxweynihii ugu horeeyay ee si dumuqraadi ah shacabka dalkiisu u doortaan mudda shan iyo sodon sano ah, waxaanu ka mid ahaa madaxda ugu da’da wayn aduunka, talada dalka ayuu qabtay sanadkii 2014-kii, ilaa uu ka geeriyooday isagoo da’diisu 92-jir tahay.

Madaxweyneyaashii Adduunka Ee Sanadkan 2019 GeeriyoodayMadaxweynihii Zimbabwe Robert Mugabe Oo Isagoo 95-jir Ah Ku Dhintay Dalka Singapore

Madaxweynihii hore ee dalka Zimbabwe Robert Mugabe ayaa isagoo 95-jir ah ku dhintay cusbitaal ku yaala dalka Singapore, halkaas oo lagaga dawaynayay xanuunka dhimashadiisa sababay, Robert Mugabe ayaa raysal wasaare dalkiisa ka noqday intii u dhaxaysay 1980 ilaa 1987, ka dibna Madaxweyne noqday sanadkii 1987-kii ilaa sanadkii 2017-kii oo milatariga dalkiisu xukunka ka rideen.

Waxa uu ka mid ah madaxda ugu mawqifka adag gaar ahaan qaarada Afrika waxaana lagu xasuusta dhulkii beeraha ahaa iyo warshadihii dadka cadaanku haysan jiray oo uu shacabka dalkiisa ku wareejiyay, taas oo sababtay cuno qabatayn dhaqaale in waddamada reer galbeedku ku soo rogaan dalka Zimbabwe taas oo ragaadisay dhaqaalaha dalkiisa.

Madaxweyneyaashii Adduunka Ee Sanadkan 2019 GeeriyoodayMadaxweynihii Hore Ee Tuunisiya Zine El-Abidine Ben Ali Oo Ku Geeriyooday Boqortooyada Sucuudi Arabiya

September 19, 2019 Waxa dhintay Madaxweynihii hore ee dalka Tuunis Zine El-Abidine Ben Ali, isagoo 83-jir da’diisa tahay ku geeriyooday magaalada Barakaysan ee Maka Al Mukarama ee dalka Suucudi Arabiya oo Mastufuris ku jooga dalka Sucuudi, halkaas oo uu cararay markii sanadkii 2011-kii kacdoonka shacab talada dalkiisa lagaga tuuray wakhtigaas oo uu noqday hogaamiyihii ugu horeeyay madaxdii kali taliyayaasha ahaa ee carabta ee dibad baxyada shacabka lagu rido.

Zine El-Abidine Ben Ali ayaa talada dalkiisa afgambi aan dhiig ku daadan oo inqilaabkii cadaa loogu magac daray ku qabsaday xukunkana ka tuuray Madaxweynihii ka horeeyay Xabiib Burqiibo oo uu raysal wasaare u ahaa, sanadkii 1987 waaanu dalkaa ka talinayay ilaa 2011-kii, waxa uu ka mid ahaa madaxdii ugu xukunka adkaa oo boqolkiiba toban ka mid ah dadka ku dhaqan dalkiisu sir doon u ahaayeen, mana jirin xisbiyo siyaasadeed iyo mucaarid wakhtigii xukunkiisa laga ogolaa dalka Tuunis.

Madaxweyneyaashii Adduunka Ee Sanadkan 2019 GeeriyoodayDhimashada Madaxweynihii Hore Ee Dalka Faransiiska Jacques Chirac

26 September, 2019-kii Waxa magaalada Paris ku dhintay Madaxweynihii hore ee dalka Faransiiska Jacques Chirac oo ka mid ah siyaasiyiinta ugu Magaca dheer dalka Faransiiska iyo Qaarada Yurub, isaga oo da’diisu 86-jir tahay, waxaanu ahaa siyaasi xilal tiro badan oo kala duwan ka soo qabtay dalkiisa, xiliyo xasaasi ahna hogaaminayay waddankiisa.

Jacques Chirac waxa uu dhashay 29-kii bisha November 1932-kii, waxaanu dalkiisa Madaxweyne ka noqday intii u dhaxaysay 1997-kii ilaa 2007-kii, waxa kale oo uu raysal wasaare noqday 1974 ilaa 1976-kii, ka dib sanadkii 1977-kii ayuu noqday maayarka caasimadda Faransiiska ee Paris jagadaas oo uu hayay ilaa 1995, waxaanu ka mid noqday Maayaradii ugu muddada dheera dalka Faransiiska.

Jacques Chirac ayaa ka mid ahaa siyaasiyiinta ugu mawqifka adag guud ahaan qaarada Yurub, waxaana lagu xasuusta go’aanadii uu ka qaatay dagaalkii Maraykanka iyo Ingiriisku ku qaadeen dalka Ciraaq oo meel adag iska taagay, waxa kale oo uu si wayn uga soo hor jeeday is bahaysiga “Anglo-Saxon ultraliberalism” oo ahaa xulafaysi ay raysal wasaarayaashii Ingiriiska ee Margaret Thatcher iyo John Major, dabada ka riixayeen.

Chirac ayaa sanadkii 2002-dii lagu doortay codkii ugu badnaa kaas oo lagu tilmaamay sidii afti dadweyne oo kale, laakiin nasiib daro markii uu xukunka ka degay ayaa musuq maasuq tiro badan lagu soo eedeeyay waxaana marar kala duwan la soo taagay maxkamad eedo badan lagaga soo oogay, dawlada Faransiiska ayaa aas qaran u samaysay waxaana ka qayb galay madaxweynaha dalkaa Emanuel Macron.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.