WorldRemitAds

Qaahira, Masar, June, 19, 2019 (Saxafi) – Meydka madaxweynihii hore ee dalka Masar, Maxamed Mursi ayaa deg deg iyo si qarsoodi ah loogu aasay magaalada Qaahira saacado yar ka dib markii uu si lama filaan ah ugu dhintay maxkamad qaadeysay dacwado loo heystay.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Twitterka

SomlegalAds

Qaar ka mid ah xubnaha qoyskiisa ayaa aaska xoog kaga qaybgalay. Waxaa loo diidday in ay meydka qaataan si ay ugu aasaan deegaankii uu ku dhashay bulshaduna uga qayb qaadato aaskiisa.

Madaxweynahan hore oo diinta Islaamka ku dhaganaa ayaa xabsi ku jiray lix sanno ka dib markii ay milatarigu xilka ka tuureen sannadkii 2013.

Telefeshinka dawladda ayaa sheegay in uu wadnuhu istaagay, balse hay’adaha xuquuqda aadanaha u doodda ayaa ku baaqay baadhitaan dhexdhexaad ah lagu sameeyo geeridiisa, waxayna intaas ku dareen in su’aalo badan ay ka taagan yihiin sidii loola dhaqmay intii uu xabsiga ku jiray.

Madaxweyne Mursi ayaa waxaa salaad janaaso ah lagaga tukaday deegaano badan oo caalamka ka mid ah oo uu ku jiro masaajidka barakeysan ee Al-aqsaa oo ay isugu soo baxeen falastiiniyiin badan oo ka murugeysnaa geeridiisa.

Sida qarsoodi-ga ah ee loo aasay meydka Madaxweynihii ee Masar, Maxamed Mursi ayaa dhaliyay shaki farabadan oo la xidhiidha sababta dhimashadiisa keentay.

Maxamed Morsi ayaa ahaa Madaxweynihii keli ahaa ee si dimuqraadi ah loo soo doortay dalka Masar, waxaana labadii habeen ee u dambeysay baraha bulshada haystay hal-ku-dheg uu yidhi wakhtigii uu Madaxweynaha ahaa inuu dilo ama dil lagu xukumo Madaxweynihii ka horeeyay ee Xusni Mubaarik. Wakhtigaas oo ka jawaabay soo jeedintaas waxa uu Maxamed Morsi yidhi: “Weligii hadilina Libaaxyada dalkiina, haddii aad dishaan waxa idin cunni doona Eyda cadowgiina.”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.