WorldRemitAds

Christchurch, New Zealand, March 16, 2019 (Saxafi) – Weerarro argagixiso oo lagu qaaday Jimcihii shalay laba masaajid oo ku yaal magaalada Christchurch ee dalka New Zealand ayaa lagu dilay ugu yaraan 49 qof oo ay ku jiraan caruur iyo haween.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Facebook-ga

SomlegalAds

Tirada dhimashada ayaa la filayaa inay sii korodho maadaama ay jiraan dad badan oo qaba dhaawacyo culus oo halis ah kuwaas oo tiradooda lagu sheegay illaa 48 ruux oo kalle.

Labada Masaajid ee la weeraray ayaa kala ahaa Masjid Al Nuur oo ku yaal badhtamaha magaallada iyo masaajidka xaafada Linwood.

Soomaalida Uu Saameeyay Weerarro Argagixiso Oo Lagu Qaaday Masaajidada New ZealandDawladda New Zealand ayaa ku dhawaaqday inuu weerarkani ahaa mid argagaxiso, waxaana ay sheegtay in gacanta lagu dhigay sadex qof oo uu ku jiro ninka weerarkaasi fuliyey.

Raysalwasaaraha New Zealand Mrs. Jacinda Ardern ayaa sheegtay in sidoo kale la qabtay qaraxyo ay kooxdani ku xidheen gawaadhi ka hor intii aanay qarxin.

Ninka geystay isagu weerarka oo ku hubeysnaa hubka daran-dooriga u dhaca ayaa si toos ah (Live) falkan ugu baahinayey bartiisa Facebook, wuxuuna sidoo kale shaaciyey Bayaan 78 bog ah oo uu ku sheeganayo weerarkan iyo siyaasada cunsurinimaddu ku dheehan tahay ee hagaysa & Cadaawada uu u qabo Muslimiinta, wuxuuna sheegay inuu taageersan yahay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.  Sidoo kale, waxaa uu muujiyay inuu yahay cadaan xag jir ah oo neceb aadamaha kale oo dhan. “Anniga Asalka luuqadaydu waa Yurubiyaan, Dhaqankaygu waa Yurubiyaan, Arragtidayda siyaasadeed waa Yurubiyaan, falsafadda aan aaminsanahay waa Yurubiyaan, tan ugu muhiimsan oo ah Dhiigaygu waa Yurubiyaan.” Ayuu yidhi, waxaa kale oo cadeeyay in dalka uu ka soo jeedo ee Australia uu u arko dal ay gumaystaan reer Galbeed ahaan. Waxaana magaciisa uu lagu sheegay Brenton Tarrant oo ahaa nin tababare dhinaca Jidhdhiska ah.

Xasuuqan oo noqonaya kii ugu xumaa ee dalkaasi ka dhaca ayaa lala beegsaday muslimiinta xili ay isugu soo baxeen salaada Jimcaha, waxaana la sheegay in kooxda weerarkan geystay ay isu-diyaarinayaan oo abaabulayeen weerarkan muddo 2 sannadood ah.

Soomaalida Uu Saameeyay Weerarro Argagixiso Oo Lagu Qaaday Masaajidada New Zealand
Aadan Diiriye oo dhalasho ahaan ka soo jeeda caasimadda Somaliland ee Hargeysa oo sida meydka ilmo lix jir ah oo uu dhalay lana odhan jiray Cabdillaahi Aadan Diiriye oo ka mid ahaa dadkii masaajidka ninka argagixsada ahi ku laayay Maajidka Christchurch ee dalka New Zealand, Aabahan ayaa isaga laftiisu dhaawac soo gaadhay

Soomaalida Uu Saameeyay

Muslimiinta uu saameeyay weerarkani waxaa ku jirta Soomaali asal ahaan ka soo jeeda Somaliland iyo Somalia-ba, waxaana ka mid ah oo ilaa hadda aanu xaqiijinay Aabo asal ahaan ka soo jeeda caasimadda Somaliland ee Hargeysa oo isagu ku dhaawacmay, isla markaana uu ku dhintay wiil uu dhalay oo lix jir ah, halka afar carruur ah oo kale oo uu dhalay ay ka badbaadeen weerarkaas argagixiso iyo Sheekh beledkii Magaaladaas oo isaguna ka soo jeeday asal ahaan Somaliland, gaar ahaan gobolka Awdal. Goob jooge ku sugnaa Masaajidada weerarku ka dhacay mid ka mid ah ayaa noogu sheegay magacyadda Soomaalida la xaqiijiyay illaa hadda eek u dhimatay saddex ruux oo kala ah.

1-  Sheekh Muuse Nuur Cawaale oo ahaa Sheekhul beledka magaaladaas, macalin dugsi qur’aanna muddo 15 sanno ah ka ahaa magaaladaas, isla markaana dhalasho ahaan ka soo jeeday Somaliland, gaar ahaan deegaanka Boon ee gobolka Awdal.

2- Xaaji Cabdulqaadir oo ka mid ahaan jiray shaqaalihii wakaaladdii horumarinta biyaha Soomaaliya, isla maraanka ka mid ahaa odoyaasha magaalladaas.

3- Cabdillaahi Aadan Diiriye oo ahaa Ilmo yar oo lix jir ah, iyaddoo aabihiina ku dhaawacmay goobta, qoyskaas oo asal ahaan la sheegay inay ahaayeen Somaliland, gaar ahaan reer Hargeysa.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Twitterka

Dunida oo dhan ayaa laga canbaareeyay falkan foosha xun, “Waa ay caddahay in tani lagu qeexi karo oo kaliya weerar argagixiso” waxaa sidaas tidhi ra’iisul wasaaraha New Zealand Jacinda Ardern, oo ku qeeyxday “mid ka mid ah maalmihii ugu madoobaa New Zealand.”

Muslimiinta waxay waajahayaan dil wadareed

Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan ayaa yidhi “Weerarkan ama cadaawadda ku wajahan muslimiinta ee duniduna ay daawanaysay muddo ama mararka qaar ay dhiiri-gelineysay, waxay dhaaftay xuduuddii dhibaateynta shaqsi, waxayna gaadhay heer dil wadareed”

“Haddii aan la qaadin tallaabooyin deg deg ah, waxaa xigi doona musiibo kale” ayuu yidhi Erdogan.

Weerar xaasidnimo iyo wuxuushnimo

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa yidhi “Weerar ka dhan ah dad si nabdoon isugu yimid inay tukadaan waa naxdin ay ku dheehan tahay xaasidnimo iyo wuxuushnimo:”

“Waxaan rajaynayaa in kuwa ku lugta lehi ay maraan ciqaab adag” ayuu yidhi Putin.

War naxdin leh

Madaxweynaha golaha Midowga Yurub, Donald Tusk ayaa isna dhacdadan ka yidhi “War naxdin leh ayaa caawa (Xalay) ka soo yeeray New Zealand, weerarkan arxan darrada ah marnaba ma tirtiri doono dulqaadka iyo akhlaaqda ay New Zealand ay caanka ku tahay”

Ficil laga yaayaqsoodo

Ra’iisul wasaaraha Britain, Theresa May ayaa tidhi “Kadib weerar argagixiso oo argagax leh oo ka dhacay Christchurch, waxaa qalbigeygu la jiraa kuwa uu saameeyey ficilkan rabshadeed ee laga yaayaqsoodo”

Dambi arxan darro

Wasiirka arrimaha dibedda Jarmalka, Heiko Maas ayaa yidhi “Weerarkan, waa mid arxan darrada ah wuxuu si qoto-dheer u saameeyey dalkayga”.

Xagjiriinta waxay burburinayaan bulshadeena

Ra’iisul wasaaraha Spain, Pedro Sanchez ayaa sheegay in qalbigiisu la jiro dhibanayaasha qoyska iyo dowladda New Zealand, wuxuuna yidhi “Xagjiriinta iyo kuwa mayalka adag, waxay doonayaan inay burburiyaan bulshadeena”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.