WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 25, 2019 (Saxafi) – Jawaabo kala duwna ayaa muxaaid iyo mucaaridba laga bixiyey muddo kordhin markii lixaad Golaha Guurtidu u sameeyay Golaha Wakiillada Somaliland, kaas oo markii  udambaysay la soo doortay sannadkii 2005

Labadda xisbi mucaarad ee UCID iyo WADDANI ayaa sheegay in aanay aqbali doonin muddo kordhin golaha Guurtiddu u sameeyay golaha Wakiilladda Somaliland.

SomlegalAds

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga  [wp-svg-icons icon=”twitter-2″ wrap=”i”] @Saxafi

Labada Xisbi ayaa sidaas oo kale waxaa ay mar kale ku celiyeen in aanay marnaba aqbali doonin inay la shaqeeyaan xubnaha komishanka doorashooyinka illaa inta ay ku jiraan xubnaha aan buuxin shuruucda gudida doorashooyinka sida ay ku doodeen.

Mudo kordhinta

Golaha Guurtida Somaliland ayaa shalay u kordhiyay mudada xil haynta 24 bilood xildhibaanadda golaha Wakiillada Somaliland ka dib markii ay dib u dhacday doorashaddii la filayey inay dhacdo dabayaqaadka sanadkan 2019-ka.

Muddo kordhintan ayaa noqonaysa tii lixaad ee loo sameeyo golaha Wakiillada oo la doortay sanadkii 2005-kii, waxaanay ahayd inay sanadkan bisha November ay doorashadoodu dhacdo.

Kalfadhiga aan caadiga ahayn waxa ka soo qaybgallay 71 xildhibaan, waxaana muddo kordhintan ogolaaday 70 xildhibaan, sidaas baa lagu ansixiyey laba sanno oo muddo kordhin ah oo loo sameeyey golaha Wakiiladda.

Xisbiyada mucaaradka oo hore ugu dhowaaqay in aanay ogoleen muddo kordhin loo sameeyo golaha Wakiilada iyo dib u dhaca doorashadda ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay muddo kordhintan cusub.

Jawaabta Mucaaradka

Shir deg deg ah oo ay shalay yeesheen masuuliyiinta Xisbiyaddu, waxay ka soo saareen bayaan ay kaga hadlayaan muddo kordhinta loo sameeyey Baarlamaanka iyo xaaladda guud ee dalka uu marayo.

War-saxafaadeedkan oo ay si wada jir ah u soo saareen labada xisbi mucaarad waxa uu u qornaa sidan:

‘Shir ay isukugu yimaadeen labada xisbi ee WADDANI iyo UCID oo aanu kaga jawaabay xaaladda tagan ee dalku ku jiro waxay u qornayd sidan:

  1. Sida la wada og yahay golaha Guurtidu waxay fadhiyeen 24 sanadood oo doorasho la’aan ah, iyadoo muddo xilleedkii loo doortay uu ahaa lix sannadood, halka golaha Wakiiladuna ka fadhiyaan 14 sanadood, iyadoo muddo xileedka loo doortay uu ahaa shan sanno, waxa nasiib daro ah in maanta muddo kordhin kale loo sameeyo.Waxay labada xisbi daadafaynayaan oo aanay sinaba u aqbali doonin muddo kordhinta sharci darada ah ee gacan ku rimiska ah ee saaka (Shalay) ka soo baxday golaha Guurtidda.
  2. Labada xisbi mucaarad ee UCID iyo WADDANI waxaa u cadaatay in madaxweynuhu taladii maroorsaday, dastuurkii iyo xeerarkiina si badheedh ah ugu tuntay dalkiina ku maamulayo hanaan kalitalisnimo ah.
  3. Xisbiyada UCID iyo WADDANI waxay cod dheer bulshada reer Somaliland ugu cadaynayaan in aanay wax wada shaqayn ah la yeelan doonin komishanka doorashooyinka illaa inta laga saarayo xubnaha aan buuxin shuruudihii sharcigu dhigayey.
  4. Labada xisbi ee UCID iyo WADDANI waxay sameeyeen guddi wada jir ah oo ka soo tallo bixiya talaabooyinka lagaga hortagayo muddo kordhinta danaha siyaasadeed ku timid iyo tallo maroorsiga ee baalmarsan soojeedintii ay isla garteen daneeyeyaashii doorashada oo ahayd muddo kordhin farsamo ahaan oo ahayd toban bilood.
  5. Waxay labada xisbi si wada jir ah u cambaaraynayaan xadhig kasta oo sharci daro ah oo muwaadiniinta lagula kacay iyo weerarkii ku dhacay xisbiga WADDANI ee lagu qabsaday xaruntiisa laguna xidhay masuuliyiintii sarsare iyo taageerayashiisiiba, waxay labada xisbi ka digaynaa sii socodka arrimahaasi inay dalka gaadhsiin karto xaalad aanay ka soo kaban Karin.”

Xisbiyada mucaaradka ah ayaa sheegay in aan wax tallo ah laga waydiin muddo kordhintaasi, isla markaana ay ka hor imanayso sharciga dalka u yaall

Xukuumada

Gudoomiyaha Hayadda Barakacayaasha iyo Qaxoontiga ee Somaliland ayaa Ka Hadley Muranka khilaafka guddiga doorashooyinka iyo mudo kordhinta.

Guddoomiye Cabdikariin Axmed Maxamed Xinif Ayaa Qoraal uu Arrintan kaga hadlayo soo dhigey Bartiisa Facebuuga, waxaa uu ku yidhi, “Komishan hore diide, komishanka danbe diide, Doorasho diide, kordhin diide, maxkamadihii deedafayse, Guurtidii dafirte, Wakiilladii Aflagaadeyse, Madaxwenihii u hanjebte, jabhado taageerte, talo kale keeni weyde. Wax walba Maya macno ku soo kordhin weyde. Bal dhinac uun inoo dhaqaajiya saaxiibayaal”. Ayuu yidhi Gudoomiye Cabdikariin Axmed Maxamed Xinif

Sidoo kale, guddoomiye ku xigeenka Kulmiye Axmed Cabdi Dheere ayaa isna sheegay inay sharci u arkaan muddo kordhinta.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.