WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, February 17, 2020 (Saxafi) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa la filayaa inuu maalinta beri ah uu fadhi wada-jir ah oo ay isugu imanayaan labada gole Baarlamaan ee Somaliland (Guurtida iyo Wakiiladda) ka hor jeediyo khudbad-sannadeedka dastuuriga ah ee Dastuurka Somaliland dhigayo in Madaxweynaha Somaliland sannad kasta uu labada gole u jeediyo khudbadda ku saabsan qorshaha iyo siyaasadda xukuumadiisa iyo hadba xaaladda dalka Somaliland ka jirta.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa khudbad-sannadeedkiisani waxay noqonaysaa tii saddexaad tan iyo intii uu ku guulaystay kursiga Madaxtooyadda sannadkii 2017-kii, isagoo sannadihii 2018 iyo 2019 goleyaasha baarlamaanka Somaliland u jeediyay khudbad sannadeedka dastuuriga.

SomlegalAds

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga  [wp-svg-icons icon=”twitter-2″ wrap=”i”] @Saxafi

Khudbad-sannadeedkan ayaa ku soo beegmaysa wakhti xaalad siyaasadeed oo xasaasi ahi ka taagan Somaliland iyo gobolka Geeska Afrika, kadib markii toddobaadkii hore kulan uu gadhwadeen ka ahaa Raysal-Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ay ku kulmeen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha dawladda Somalia Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, kulankaas oo aan ilaa wax tafaasiil ahi ka soo bixin, Madaxweyne Muuse-na aanu ka hadal, kadibna ay soo baxeen warar kale oo sheegaya in Raysal-Wasaaraha Itoobiya culays ku saarayo dawladda Somaliland inay ogolaato socdaal inay Sabtida toddobaadka dambe magaalada Hargeysa ku yimaadaan Raysal-Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Somalia Farmaajo.

Sidaas darteed, Madaxweyne Muuse Biixi ayaa laga dhawrayaa inuu khudbad-sannadkiisa uu maalinta Beri ah u jeedin doono labada gole-baarlamaan ee Somaliland ku faahfaahiyo kulanka isaga iyo Farmaajo dhexmaray iyo qorshaha Abiy Ahmed uu ku doonayo inuu Hargeysa ka soo dejiyo Farmaajo.

Haddaba halkan waxaanu idiinku soo gudbinaynaa labadii khubad-sannadeed ee uu Madaxweyne Muuse Biixi labada gole ka hor jeediyay sannadihii 2018 iyo 2019.

[su_button url=”https://saxafimedia.com/madaxweyne-muuse-biixi-labada-gole-baarlamaan-jeedin-doona-khudbad-sannadeedka-dastuuriga/2/” style=”soft” size=”12″ wide=”yes” center=”yes” text_shadow=”0px 0px 0px #FFFFFF” rel=”lightbox”]GUJI OO AKHRI KHUDBAD-SANNADEEDKII MADAXWEYNE MUUSE EE 2018 >[/su_button]

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.