WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, January 09, 2020 (Saxafi) – Illaahay ha u naxariistee waxaa dalka Maraykanka shalay ku geeriyooday Axmed Keyse Xaaji Ducaalle oo ugu nolol dambeeyay weftigii Xoriyadda Jamhuuriyadda Somaliland ku soo saxeexay dalka Ingiriiska.

Axmed Keyse waxa uu ka mid ahaa hormoodkii SNL. Waxa uu xubin ka ahaa weftigii London loo diray ee qaadashada gobannimada Somaliland soo saxeexay.

SomlegalAds

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga  [wp-svg-icons icon=”twitter-2″ wrap=”i”] @Saxafi

Weftiga waxaa ay soo saxeexeen in Somaliland ay xornimadeeda ka qaadato Dawladda Ingriiska taariikhdu markey tahay 26-ka Juun ee sanadka 1960-ka.

Wakhtigaas waxaa Axmed Keyse ku wehelinayay rag ay ka mid ahaayeen Madaxweynihii hore ee Somaliland Maxamed Ibraahim Cigaal, Cali Garaad Jaamac, Xaaji Ibraahim Nuur iyo Maxamuud Cabdi Carraale.

Axmed Keyse waxa uu ka mid ahaa barlamaankii ugu horreeyey ee Somaliland ee Feb 1960 la doortay. Burco ayuu ka soo baxay. Waxa uu xubin ka ahaa afartii wasiir ee ugu horreeyey ee Somaliland, waxanu noqday wasiirkii ugu horreeyey ee beeraha markii uu is raacu dhacay ee Hargeysa iyo Muqdisho ku mudoobeen jamhuuriyadii Soomaalida, 1st July 1960.

Axmed-keyse waxa uu iska casiley xilkaas wasiirnimada ka dib markii ay xukuumaddii Aadan Cabdalle Cismaan is la garan waayeen qorshihii siyaasadda beeraha ee jamhuuriyaddii curdinka ahayd.

Danjire ayuu muddo ahaa Axmed Keyse, waayadii dambena waxa uu ku noolaa USA oo uu shalay xaqii ku haleelay.

Maxaa laga yidhi.

Dad badan oo kalla duwan ayaa ka hadlay marxuumka iyo taariikhdiisa oo aan la soo koobi karayn, Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan oo qoraal kooban oo tacsi ah kaga hadlay hadii aynu ku horayno waxaa uu yidhi. “Waxa dalka Maraykanka ku geeriyooday Axmed Keyse Xaaji Ducaale oo ka mid ahaa raggii u soo halgamay xorriyaddii ummadda Soomaaliyeed iskaga tuuraysay heeryadii gumaysiga shisheeye 26kii Juun kana mid ahaa raggii dhidibada u taagay israacii iyo dhalashadii jamhuuriyaddii Soomaaliya ee 1960kii, noqday wasiirka Beeraha, ka bacadina noqday diblumaasi sare isagoo safiir ka noqday dalal Soomaliya aad ugu muhiim ah. Axmed Keyse isaga ayaa u sabab ahaa in Dugsigii caanka ahaa ee Farsamada Gacanta Burco laga dhiso markii u safiirka ka ahaa dalkii loo yaqiin Jarmalka Galbeed.

Axmed Keyse Xaaji Ducaale Illahay janadii fardowsa ha ka waraabiyo ehelka, qoyskiisa iyo ummadda Soomaliyeedna samir iyo iimaan ha ka siiyo”

Tacsi Madaxweyne

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u diray, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Axmed Xaaji Ducaale Cabdalle (Axmedkeyse) oo ku geeriyooday shalay oo ay taariikhdu tahay 08/01/2020, dalka Maraykanka.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey siyaasi waayo arag ah oo door muhiima ka soo qaatay halgankii xornimo doonka iyo sidii Jamhuuriyadda Somaliland madax-bannaanideeda uga qaadan lahayd maxmiyadii boqortooda Ingiriiska 1960-kii, isagoo ka noolaa afartii qof ee ku wehelinaayey Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal, Shantii Bishii May, sannadkii 1960-kii saxeexii ay Somaliland xornimadeeda kaga qaadatay boqortooyadii Ingiriiska 26-June, raggaas oo kala ahaa Cali Garaad Jaamac, Xaaji Ibraahim Nuur, Maxamuud Cabdi Carraale iyo Axmed Keyse Ducaale, sidoo kale waxa uu ka mid noqday afartii wasiir ee ay yeelatay Somaliland markii ay xornimada la soo noqotay, waxaanu marxuumku kaalin mugweyn ku lahaa taariikhda Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.