WorldRemitAds

Boorama, Somaliland, September 23, 2019 (Saxafi) – Warar laga hellayo soohdinta u dhaxaysa Boorama iyo Itoobiya ayaa sheegaya inuu kulan dhex maray Suldaan Wabar iyo odayaal ka soo jeeda deegaanada Boorama iyo Dilla ee gobolka Awdal.

Kulankan oo ahaa mid qarsoodi ah ayaa sida wararku sheegeyaan ka dhacay goob ku dhaw xadka dhinaca Itoobiya ee looga baxo galbeedka Boorama, halkaas oo maalmihii u dambeeyayba lagu sheegayay inuu ku sugnaa suldaanka ka soo horjeedda Somaliland ee Wabar.

SomlegalAds

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga  [wp-svg-icons icon=”twitter-2″ wrap=”i”] @Saxafi

Odayaashan ka kala socday deegaanada Dilla iyo Boorama ayaa sida la sheegayo waxa ka sii horeeyey xubno ka tirsanaa Jabhadii Wabar ee sannadkii 2016 kii lagu jabiyay isku day dagaal ay doonayeen inay la galaan ciidamada Qaranka Somaliland, waana markii u horreysay ee suldaankaasi ku soo laabto soohdinta.

Lama oga illaa imika waxyaalaha uu ku saabsanaa kulankaasi, dhinacyada ka qaybgalayna kama hadal, mana jirto cid kale oo si madaxbanaan uga hadashay, iyadoo dhinaca kalena aan la ogeyn in odayaashaasi suldaanka ku sasabayeen inuu isku soo dhiibo xukuumadda iyo inay ka dalbanayeen inuu taageero jabhad aan la aqoon meel ay ka jirto oo dhawaanta hadal haynteeda la maqlayay. waxayna warrarku sheegayaan inaan Suldaanku wadanin wax ciidan ah ama rag hubaysan oo ku wehelinayey kulankaasi.

Tan iyo markii qaybo ka mid ah oday dhaqameedyada ka soo jeedda gobolka Awdal ku dhawaaqeen ama ka hadleen arrimaha saami qaybsiga kuraasta Baarlamaanka iyo xilalka qaranka,  wasiirro hore iyo siyaasiyiin shaqada laga fadhiisiyayna ku biiriyeen codkooda ayaa guud ahaanba Goolka Awdal gaar ahaanna Boorama waxaa ku sii xoogeysanaya mucaaradka wejiyada badan leh ee ka soo horjeeda xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi

Guddoomiye ku xigeenka xisbiga UCID, Qaasim Sheekh Ibraahim, oo ka soo jeeda Gobolka Awdal, gaar ahaana deegaanka degmadda Dilla, haatanna Boorama u jooga xoojinta mucaaradka ayaa isagu doraad xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi u jeediyey dhallilo xoog leh,  waxaana uu sheegey in jabhadi ka jirto deegaanka Dilla.

Guddoomiye ku xigeenka UCID ayaa sidoo kale xukuumadda uga digay ciidammo tiro badan oo la keenay Gobolka Awdal, uguna baaqay in xabsiga laga sii daayo xildhibaanno ka tirsan golaha deegaanka Boorama oo la xidhay iyagoo lagu xidhiidhinayo jabhadda la sheegay ee dhawaanta laga aasaasay Dilla.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.