WorldRemitAds

Su’aalaha jawaabaha u baahan: ma Madaxweyneyaashii hore ee Somaliland ayaa ahaa kuwa fulayaal ah oo ka baqay inay sidan u badheedhaan, oo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa ka geesisan, ma dadweynaha Somaliland ee maanta ayaan ahayn kuwii waagii ee ka dhiidhiyi jiray ………


Madaxweyne Muuse, Waxaa Horyaala Imtixaan Sida Uu Uga Gudbaa Muujin Doonto Nooca Hoggaamintiisa

WorldRemitAds

Faallo: Maxamed Cumar Sheekh

Badi dadweynaha Somaliland iyo Soomaaliya, Gudo iyo debed ayaa weli waxay ka sii sheekaynayaan kulan Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ku dhex maray Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo. Iyo socdaalkan daba socday ee isna la leeyahay Hargeysa ayaa lagu soo jeeddaa.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga   @Saxafi

Kullanka

Kulankan toddobaadkii hore ka dhacay Addis Ababa, laguna beegay wakhti caasimadda dalkaasi ee Addis ababa uu shir sannadeedkoodii caadiga ahaa uga furmay madaxda Afrika ee ku mideysan ururka Midowga Afrika (AU) ayaa waxa gebebadiisii halkaasi gaadhay weftigii Madaxweyne Muuse Biixi kana koobnaa saddex afar xubnood oo ka tirsan Golihiisa wasiirada, halkaasoo uu ka dhacay kulan aan hore loo arag oo dhex maray Madaxweynaha Somaliland iyo madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo uu goobjoog ka ahaa raysal waasaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Markii uu soo baxay warka ku saabsan kulankan labada Madaxweyne, isla markaana uu soo gaadhay Somaliland ayaa mar keliya waxa sara kacay dadweynihii, xisbiyadii siyaasadda, golayaashii  baarlamaanka, waxana durba qaybahaasi ka dhex bilaabmay dooddo weji badan leh oo ku saabsan suurtagalnimada shirkaasi, ujeedadiisa, iyo falanqayn ku saabsan saamaynta kulankaasi ku yeelan karo siyaasadda Somaliland iyo Soomaaliya, faa’iidooyinka iyo khasaaraha kulankaasi u yeellan karro qarannimada Somaliland iyo midnimada Soomaaliya.

Markii ay dalka kusoo laabteen weftiga madaxweynuhu waxa wasiirka arrimaha debedu si kooban warbaahinta ugu sheegay in kulankaasi ahaa mid dani ugu jirto Somaliland, balse dhinaca kale ma jiraan war cad oo ka soo baxay xukuumadda oo ku saabssanaa tafaasiisha kulankaasi, kaasoo weli u saaranyahay mugdi badan iyo shaki laga qabaa. Qaybo ka amid ah dadweynaha dalka, siyaasiyiin, odaydhaqameedyo, iyo xubno ka tirsan baarlamaanka wakhtigiisu dhacay ayaa markiiba la soo booday taageero indho la’aan ah halka qaybo ka mid ahina walaac ka muuiyeen sida xisbiyada Qaranka oo Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa saxaafadda mariyey in Madaxweynuhu umadaa u caddeeyo waxay ka wada hadleen madaxda Soomaaliya, halka qaybo kalena weli la dhakafaar sanyihiin kulan noocan oo kala ah oo intii Somaliland la soo noqotay xorriyadeeda dembi iyo khiyaamo qaran ka ahaa dalka, tan iyo intii Somaliland jirtayna Madaxweyneyaashii ka horreeyey Madaxweyne Muuse Biixi tallabadan oo kale aanay ku dhiirranin, iska dhaaf madaxweyne kulan la qaata madaxda Soomaaliya eh haddii la ogaado agaasime waaxeed la kulmay agaasime waaxeed Soomaaliya ka soo jeeda waxaa lagu qaadi jiray qaran dumisnimo, laga soo bilaabo madaweynihii u horreeyey Somaliland Marxuum Cabdiraxamaan Axmed Cali, Marxuum Cigaal, Daahir Rayaale ilaa Axmed Siillaanyo waxay ceeb iyo dembi u arkayeen kulanno noocan oo kala ah oo ay la qaataan dad iyo dawlado kasoo horjeeda jiritaanka iyo Dawladnimada Somaliland, haddii la odhan doono Axmed Siillaanyo ayaa wadda hadal la bilaabay oo mar hor fadhiistay waa ay ka duwanayd tan oo madal loo dhan yahay Baarlamaan, Mucaarad iyo Xukuumadba oo marka horena la sii mariyay golayaasha ayay ahayd. Laakiin, Madaxweyne Muuse Biixi, oo ka tirsanaa saraakiishii SNM ee Dawladii milateriga ahayd ee Soomaaliya dagaalka la gashay ayaa ku faanaya inuu madaxweynaha Soomaaliya la kulmay isaga oo aan siyaasi kalle oo Somaliland ahi wehellin, wax dibad baxyo ah iyo cadho lagu diidanyahay kulankaasi aan lagala hor iman, maxaase ku dhici lahaa Madaxweyneyaashii dalka soo maray ee tallabadan u arkayey dembi laga galay qaranka dhegeha dadkana ka dhawrayey inay maqlaan kulankan oo kale oo hadii ay ku dhawaaqaan ama sheegaan kacdoon dadweyne ka baqayey.

Su’aalaha jawaabaha u baahan ayaa waxa ka mid noqo, kara ma Madaxweyneyaashii hore ee Somaliland ayaa ahaa kuwa fulayaal ah oo madaxweyne Muuse Biixi ayaa ka geesisan, ma dadweynaha Somaliland ee maanta ayaan ahayn kuwii waagii ee ka dhiidhiyi jiray in lala hadlo cadowga dalka, mise siyaasaddii dalkani ku socday iyo gooni isutaaggii ayaa wax laga beddelay, ma cadowga Soomaaliya yaan ahayn kii waayadii hore?,

Maxaase looga jeeddaa Farmaajo ayaa immanaya Hargeysa oo ku soo dhuumanaya Abey Ahmed. Si kasta xaalku ha ahaadee, waxaa la ogaan doonaa tayadda hoggaaminta Madaxweyne Muuse Biixi Wanaag iyo Xumaan taariikheed midka ay lagu xussi doono sida uu uga jawaabo talaabooyinkan siyaasadeed iyo caqabaddaha soo waajahay oo kuwan hadda buuqu ka dhashay ugu sahlan yihiin. Iyaddoo la bilkeedinayo haatana Leebkii iyo Qaansaddiiba gacantiisa ku jiraan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.