WorldRemitAds

London, UK, June 12, 2019 (Saxafi) – Aliko Dangote oo ah ninka ugu taajirsan Afrika ayaa go’aansaday inuu shaqaalihiisa ku diiwaan geliyo Tiknoolajiyadda Iris oo lagu tijaabiyay Somaliland doorashadii Madaxtooyadda si uu u hubiyo wakhtiga iyo ka qaybgalka shaqo ee 30,000 oo shaqaale ah oo ka shaqeeya qeybta Warshadihiisa Sibidhka ee Dangote Cement ee shanta waddan ee qaaradda.

Warku waxaa uu intaas ku daray in shirkadan oo ka mid ah shirkadaha waa weyn ee warshadaha ee Afrika, iskana leeyahay ninka Taajirka ah Aliko Dangote ay bilowday inay nidaamkan casriga ah ee sawirka Indhaha iyo Gacmaha ku diiwaan geliso shaqaalaha uga shaqeeya waddamada Nigeria, Itoobiya, Senegal, Sierra Leone iyo Congo.

SomlegalAds

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga [wp-svg-icons icon=”twitter-2″ wrap=”i”] @Saxafi

Sida laga soo xigtay Ninka u xilsaaran Warfaafinta shirkadan Prasanna Kumar Burri, shirkaddooda waxaa  haystey caqabado la xidhiidha adeegsiga nidaamka aqoonsi ee faraha ee saacadaha shaqada lagu  diiw,aangeliyo shaqaalaha, kaas oo uu sheegay inay yihiin gaabis oo aan la isku halayn karrin.sidaas darteed, waxaa uu tilmaamay inay door bideen in ay qaataan xalka biometrik iris waxayna ku rakibeen nidaamkan markii koobaad warshadda sibidhka ee Dangote ee Itoobiya sannadkii 2018. “Mar kasta oo qof shaqaale ahi uu ka baxo goobta shaqada, waa inuu isticmaalaa nidaamka aqoonsiga iris. Sidaas darteed maaha kaliya saacada iyo shaqadii ugu dambeysay. mar kasta oo qof shaqaale ahi uu ka baxo  albaabka goobta laga galayo waxay u baahan yihiin inay xaqiijiyaan qofka ay yihiin. Waqti kasta waxaa uu marayaa qofku kumbiyuutarka aqoonsiga iris oo kaliya ku qaadanaya dhowr ilbidhiqsi, Waa mid aad u dhakhso badan, “ayuu yidhi afhayeenka oo sharaxayay nidaamkan Iris ID.

Ninka Ugu Taajirsan Afrika Oo Shaqaalihiisa Ku Diiwaangelinaya Qalab Lagu Tijaabiyay SomalilandShirkadda Dangote waxay u isticmaashaa marxaladaha loo yaqaan ‘entries’ ee galka shaqaalaha iyo marxalad kasta oo ay ka mid yihiin saacadaha shaqadaba iris.

Burri waxa uu sheegay in barnaamijka ID-ga ee irid lagu dhejiyay barnaamijkooda lacag-bixinta ee Dangote, waxana uu sheegay in loo isticmaali karro meelo badan oo kala duwan. Nidaamka wuxuu hayn karaa illaa Hal malyan oo macaamil dhinac kasta, ayaa lagu sheegay wargeyska Iris.

Nidaamka diiwaan gelinta iris waxaa loo adeegsaday dal Qaaradda ka mid ah 2017, kaas oo ah  Somaliland oo noqotay waddankii ugu horeeyay ee adduunka ka midka ah ee doorasho ku isticmaalay  nidaamka codbixinta. Indhaha dadka cod-bixiyeyaasha ah ayaa la diiwaan-galiyay oo la baray si loo xaqiijiyo aqoonsigooda ka hor inta aan loo dareerin goobaha codaynta. Nidaamkan ayaa Somaliland la keenay sannadkii 2015 kahor doorashadii madaxtooyadda ee la qabtay 13kii Nofeembar, 2017. Waxayna  ahayd mid guulaysatay oo sameysay Taariikh sida lagu qoray warbixintan oo aanu ka soo xiganay mareegta face2faceafrica.com. “Waxay tirtiray dhibaatada codadka lagu laba noqdo ee ay la kulmaan dalalka intooda badan oo ay ka mid yihiin Ghana, Kenya iyo Angola kuwaas oo isticmaalaya habka codbixinta faraha ee lagu aqoonsado codbixiyeyaasha diiwaan-gashan.”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.