WorldRemitAds

Ankara, Turkey, August 04, 2018 (Saxafi) – Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa qorsheeyay in maamulkiisa cusub ee Arrimaha dibaddu boqolka maalmood ee inagu soo foolka leh ay xoogga saaraan qodobo ay ka mid yihiin wadda hadaladii Somaliland iyo Somalia.
War lagu baahiyay shabakadda wararka Turkiga ee T24.com. waxaa lagu sheegay in kullamo Madaxweynuhu la yeeshay Waaxyaha fullinta ee Xukuumaddiisa lagu soo bandhigay Ilaa 400 oo hawllood oo ay tahay inay kalla fulliyaan 100 maalmood ee hore laammo kala duwan oo Xukuumaddaas ka mid ahi.
Qorshahan Xukuumadda Madaxeynaha Turkiga ee arrimaha dibadda oo 21 qodob ka kooban ayaa waxaa qodobka 18 aad lagu xussay in mudadaas boqolka maalmood ah ay tahay in Turkigu sii waddo hawlaha uu ka waddo Qaaradda Afrika guud ahaan islamarkaana la dardar geliyo wadda hadaladii Somaliland iyo Somalia. “Dhammaystirka xidhiidhkeena iyo horumarinta qaarada Afrika, dhammaystirka ajandaha, oo ay ka mid tahay $ 5 milyan oo lagu go’aamiyo Shirweyne Afrika ah, wada-xaajoodka Soomaaliya iyo Somaliland” ayaa lagu yidhi qoddobkan. Laakiin, wax faahfaahin ah oo intaas ka baxsan iyo habka dib loogu bilaabayo wada-hadaladaas hore u fashilmay ee Somaliland iyo Somalia laguma sheegin qoraalka .
Waxaa kale oo Xusid mudan in qorshahan lagu muujiyay xidhiidhada uu Turkigu la leeyahay ama la yeelanayo dunnida oo dhan iyo talaabooyinka la qaadayaa sida ay u kalla mudan yihiin. Waxaana hay’adaha ama wadamada la xussay ka mid ah Nato, Midowga Yurub, Maraykanka Qaramadda Midoobay iyo Qaddiyadda Falastiin, Qaxootiga Suuriya waxaa ay ka yeelayaan Xidhiidhka Ruushka iyo Qodobo badan oo kale oo saameeya dannaha dalka Turkigu ka leeyahay dunnida kale iyo ta laga leeyahay ama culaysyadda haysta ee ay tahay inuu waajaho oo xal ka gaadho deg-deg ah.
Dhawaan ayaa madaxweynaha Turkiga dib loogu doortay hoggaaminta dalkaasi. Waxaana jira culaysyo gaar ahaan Maraykanku durba ku bilaabay oo haysta qudhiisa. Dalka Somalialnd ayaa darreen shaki leh ka qaba doorka Turkiga eek u aadan wadda-hadalkan Somaliland iyo Somalia.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.