WorldRemitAds

Warbixin Qoto Dheer oo Telefiishanka Al-Jazeera Ku Dabagalay Abaal Xumada Ingiriiska iyo geesiyaddii u halgamay ee uu ilaaway

Hargeysa, Somaliland, February 14, 2019 (Saxafi) – Intii lagu jiray dagaalkii labaad ee dunida, Boqortooyada Ingiriisku waxay abaabushay ciidamo Afrikaan ah oo ka soo jeeda qowmiyadaha qaar ee qaaraddaas si ay ula dagaallamaan awoodaha (Nazi Jarmalka, Talyaaniga iyo Japan) ee ka jira goobaha dagaalka ee Afrika, Asiya iyo Bariga Dhexe.

WorldRemitAds

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Facebook-ga

Sidaas waxaa lagu bilaabay warbixin dheer oo telefishanka caalamiga ah ee Al Jazeera ka diyaariyay abaal la’aanta Britain iyo sida aanay dan iyo muraad uga gelin markii ay danteedda ku gaadhay ciidamaddii difaacay. Warbixintaas oo aad u dheer, islamarkaana lagu waraystay dad kooban oo ka sii nool geesiyaddaas oo rag badan oo reer Somaliland ahi ku jireen, ayaa waxaa lagu yidhi. “Markii nabadda la hellay 1945-kii, Boqortooyada Ingiriisku si cad ayay u khiyaanaysay raggaas, iyaga oo ku ekeeyey takoorid nidaamsan. Waxaana ay u diideen inay hellaan wax kaalmooyin ah oo ka dambeeya dagaalka sidii askar caddaanka ah. Waa fadeexadda muuqata illaa maanta ee la dariska ah gumaystayaashii dhaqanka xumaa.

In kasta oo tiradoodu ay hoos u dhacaysay sanadba sanadkuu ka danbeeyay, haddana inta ka sii nooli waxay sii wadi doonaan inay ku dhibaateysnaadaan nolosha saboolnimo ee culus, dhibaatooyinka dhaawacyadii dagaalka iyo shisheeyenimo, in kasta oo ay naftooda halis u galiyeen dadaalkii labaad is bahaysigii guulaystay, in kastoo qaar ka mid ahi ahaayeen raga ugu dedaalka wanaagsan marka ay noqoto ciidamadii u dagaalamay UK, in kasta oo sidoo kale madaxda qaarkeed isku dayday in loo dedaallo oo wax laga bedello khaladkii hore haddana odayaashan iyo qoyayskoodu cuqdad ayay u hayaan Boqortooyadda dayacday.”

Filimkan baadhitaanka ah oo ay sameeyeen Jack Losh iyo Alessandro Pavone ayaa waxaa uu banaanka keenay cadaalad darrada lagula kacay geesiyaddan.

Qoraalka Jack Losh

Safarka aan ku dabagalayo cutubkan mugdiga badan ee gumeysiga Ingiriiska laga dhaxlay ayaa ku bilaabmay si lama filaan ah. Wiil Ethiopian ah oo ku nool Herer oo aan la joogay guriga ayaa iga baxay, waxaana uu soo laabtay daqiiqado ka dib,”Aabbahay wuxuu u dagaalamay Britain markii uu socday dagaalkii labaad ee aduunku,” ayuu yidhi Amir Sulayman, oo ii dhiibay dukumintiyo muddo badan qarsoonaa. “Dagaalkii ka dib, waxba ma uu helin, Ingiriiska ayaa isaga tagay oo waa la iloobay.”

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Twitterka

Anigu waxaan la kulmay Amer maalintaas oo ay sahamisay Harar, oo ah magaalo ku taalla bariga Itoobiya, oo loo yaqaanay magaalada afaraad ee ugu caansan Muslimka.

Abaal Xumada Ingiriiska Iyo Geesiyada Uu Ilaaway Ee U Halgamay
Boqolaalka kun ee Afrikaanka ah ee u dagaalamay Ingiriiska dagaalkii labaad ee Dunida ee uu ilaaway

Ninkan uu la kulmay oo ahaa nin Somali ah ayaa waxa uu ka soo laabtay Maraykanka oo uu muddo ka shaqeynayay shirkadaha saliidda ee gobollada Alberta, iyo sidoo kale California iyo Tennessee. Dhimashada hooyadii oo ku beegan 10 sano ka hor waxay keentay inuu ku laabto Itoobiya oo la wareego dukaanka qoyska. Waxaana uu si wacan ugu hadlayay afka Ingiriiska.

“Waxaan sii waday waraysi dheeraad ah waxaana uu nagu casuumay inaan dib ugu soo noqdo maalinta xigta.” Wariyuhu waxaa uu sheegay in si weyn loo soo dhaweeyay intii cuntada marti qaadka casuumadda ah.waxaana intaas wehelinaysay xogta ay dhibanayaasha u yihiin Kumanaanka kun ee askari iyo eheladdoodu.

Yuusuf Suleymaan oo Amiir abihiis ahi, ayaa ka mid ahaa In ka badan nus milyan Ciidan Afrikaan ah oo u dagaallamayay Britain.

Sannadkii 1942-kii, ayaa Yuusuf waxaa ka ka soo baxay gurigiisii oo waqtigaas ahaa Nayrobi Kenya, si uu ugu Ciidan Ingiriisku qoranayay oo ka daabulayay Bariga Afrika, waxaa loo soo diray Somaliland, ka dibna Burma, oo uu kala kulmay xanuuno niyad jabiyay oo uu ka mid yahay cudurka tropical iyo dhul adag.

Hase yeeshee, halgankiisa ma aha oo kaliya inuu ku dhaco xariiqyada hoose ee dulmanayaasha. Laakiin, Askarigan waxa loo go’aamiyey inuu ugu dambeyntii ku laabto gurigiisa Afrika. Balse,  laguma celin xataa meeshii laga qaaday ee Kenya.

Taa bedelkeeda, waxaa lagu tuuray gobolka Soomaalida ee bariga Itoobiya. Taas oo aan macquul ka dhigayn inuu gurigiisii ku noqdo. Waraaqihiisu waxay muujinayaan inaan waligii la siinin “abaal gud dagaal” iyo xataa dhaqaalihii uu xaqa u lahaa maadaama uu dhaawac ka soo gaadhay Qarax saameeyay waqtigii dagaalka lagu jiray.

Yuusuf wuxuu markii dambe u shaqeeyay qunsuliyadda Ingiriiska ee Harar, isaga uun maaha inta uu ka abaal ka dhacay ee badani ee kumanaan Askari ayaa sidoo kale Hargeysa ku sugnaa sanaddo badan oo xataa waqtiyo kala duwan laga qoray iyagga oo quudaya Faransiiska oo ciidamadiisa u qoray waxogey dhaqaale ah.

Warbixintan oo aad u dheerayd, islamarkaana isu martay dhinacyo badan intaas kooban ayaynu turjumadeedda oo sawir guud uun aan uga baahnayn ka soo qaadanay. Maadaama hore loo oggaa in aanu Ingiriisku xataa Somaliland uga tagin wax lagu majeerto saddeetan sanadood oo uu dalka joogay hal waddo oo dalka xidhiidhisana ha noqotee.

Leave a Reply (Wixii Talo ah noo soo gudbi)

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.