WorldRemitAds

Istanbul, Turkey, October 21, 2018 (Saxafi) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxay ka dib markii habeen hore ay Dawladda Boqortooyada Sacuudiga markii ugu horeysay si rasmi ah u xaqiijisay in Dilka Suxufi Jamal Khashoggi oo lagu dhex dilay Qunsuliyada Sacuudigu uu ku leeyahay magaalada Istanbul.

Warka kasoo baxay Dowlada Sacuudiga oo habeen hore xili danbe laga baahiyey warbaahinta dowlada ayaa lagu sheegay in sidoo kale dilkan loo xidhay 18 sarkaal oo la sheegay inay yihiin kuwii xidhiidhka la lahaa ama fuliyey falkan, halka xilka laga xayuubiyey 5 sarkaal oo sare oo uu ku jiro Taliye ku xigeenkii Sirdoonka Sacuudiga Gen. Axmed Al Asiri oo dhawaan xilkaasi loo magacaabay.

SomlegalAds

Axmed Al Asiri ayaa hore u ahaan jiray Afhayeenka Isbaheysiga Sacuudiga ee dagaalka ka wada Yemen, isla markaana la rumeysan yahay inuu isagu gacantiisa ku soo xulay kooxda dilka geysatay.

Gen.Al Asiri ayaa ahaa ragga sida weyn ugu dhaw Maxamed Bin Salmaan oo xilkaasi u magacaabay, waxaana xusid mudan in Taliye kuxigeenkii isaga kasii horeeyey ee sirdoonka Sacuudiga in sidan xilka looga qaaday kadib markii uu ku fashilay hawlgal kale oo Afduub ahaa oo ka dhacay dalka China.

Wuxuu Sacuudiga sheegay inay wadaan baadhitaan isla markaana bil kadib soo afmeeri doonaan, iyadoo la sheegay in Dhaxal-sugaha Maxamed Bin Salman oo ahaa ninka la rumeysan yahay inuu dilka amaray loo xilsaaray inuu dib u habeyn ku sameeyo dhismaha Sirdoonka Sacuudiga.

Balse Qirashada Sacuudiga ee dilka Jamal Khashoggi ayaa ah mid timid 2 asbuuc oo ay dowladaasi dafiraysay inay og yihiin waxa ku dhacay Suxufiga la’laa tan iyo 2dii Oktoober.

Dooda Sacuudiga!

Sacuudiga ayaa ku dooday in Jamal Khashoggi uu dhintay kadib markii dagaal ama gacan ka hadal uu dhexmaray isaga iyo kooxdii Sirdoonka Sacuudiga ee Qunsuliyada ku sugeysay.

Warka ka soo baxay Riyadh ayaa ah mid aad xaqiiqda uga fog sida ay sheegayaan xogta laga helayo ehelada Jamal iyo waliba saraakiisha Amaanka ee Turkiga oo iyagu xog badan haya isla markaana wada baadhitaan dheer.

Dhinaca kale Sacuudiga ma sheegin meesha uu ku danbeeyey Meydka Suxufi Jamal Khashoggi oo weli la’a yahay taasi oo shaki sii gelineysa warkan cusub ee kasoo baxay Boqortooyada Sacuudiga iyo sheekada ah inuu ku dhintay gacan ka hadal.

 Waxaa taasi u dheer in kooxda dilkan geystay ay dhamaantood ahaayeen xubno si toos ah uga amar qaata Dhaxal-sugaha Maxamed Bin Salman walow uu hada doonayo inuu iska fogeeyo fadeexada iyo cambaareynta ka dhalatay dilkan.

Sacuudiga ayaa 17-kii maalmood ee lasoo dhaafay marar badan bedalay warkooda, iyagoo hore u beeniyey in Jamal lagu dilay Qunsuliyada, markii Turkiga shaaciyey sawirada kooxda dilka geystay ayuu Sacuudiga ku jawaabay inay ahaayeen dalxiisayaal, Turkiga ayaa baahiyey kadib xog dheeraad ah raggii falkan geystay, waxaana la filayaa inay Sacuudiga warkoodan bedali karaan hadii Turkiga uu sii daayo cadeynmo dheeraad ah oo uu weli hayo.

Sirdoonka Turkiga ayaa la sheegay inay hayaan cajalad cod ah oo 11-daqiiqo ah, cajaladaas oo laga dhex duubay Qunsuliyada xiliga dilka uu dhacay, iyadoo la maqlayey codka Qunsulka iyo kooxda Dilka geysatay oo weerar ku qaaday Jamal Khashoggi.

Beesha Caalamka ayaa su’aalo badan ka qabta dilkan oo xiisad weyn abuuray, marka laga reebo Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo isagu xidhiidh dhaw la leh Boqortooyada isagoo hada sheegayna inuu aaminsan yahay warka saqda dhexe kasoo baxay Riyadh, walow Xildhibaanada Kongareeska Maraykanka ay wadaan olole cusub oo ka dhan ah Sacuudiga oo ay doonayaan in cunaqabateyn la saaro.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.