WorldRemitAds

Nairobi, Kenya, June 12, 2019 (Saxafi) – Xildhibaan Soomaali ah, isla markaana ah Hogaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya ayaa si degdeg ah u soo afjaray khudbad uu ka jeedinayey munaasabad ka socotay Garissa markii gacan ka hadal uu ka dhacay goobta uu joogay.

Munaasabada uu joogay Xildhibaan Aadan Barre Ducaale ayaa ahayd dayactir lagu sameeyay suuqa Garissa ee Waqooyi Bari waddanka Geeska Afrika dhaca ee Kenya.

SomlegalAds

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga [wp-svg-icons icon=”twitter-2″ wrap=”i”] @Saxafi

Gacan ka hadalka ayaa u dhaxeeyay taageerayaasha Aadan iyo gudoomiyaha Garissa, Cali Korane, taasoo madasha u bedashay goob jahwareer uu ka jiro.

Jahwareerka waxa uu cirka isku si shareeray ka dib markii hogaamiyeyaasha ay is-dhaafsadeen erayo xanaf leh taasoo xaalada sii xumeysay.

Markii jawiga goobta uu isku rogay buuq, Cali Korane iyo Aadan Barre Ducaale, ayaa waxay si degdeg ah uga baxsadeen gaadiidkooda sida aadka ah loo ilaaliyo ee goobta ku sugeysay.

Xili dadka qaar ee u yimid madasha in ay dhageystaan hogaamiyeyaashooda ay waxyeelo soo gaadhay ayaa mas’uuliyiinta iyo xildhibaano waxay goobta ka carareen iyaga oo bad-qaba.

Telefiishanka KTN oo wareystay qaar kamid dadka ay waxyeeladu soo gaadhay ayaa waxaa ka muuqatay dhaawacyo kasoo gaadhey rabshadaha, iyaga oo codsaday in baxbaanadooda ay dowladdu ka shaqeyso.

Ciidamada Booliska oo dhacdadaasi kadib sameeyay hawlgalo ayaa soo qabqabtay shaqsiyaad ay tuhunsan yihiin in ay gacan ka hadalka bilaabeen, waxaana haatan ku socota baadhitaan.

Dhinacyadda ay taageerayashoodu gorada isku galeen illaa iyo haatan wax war ah kama aysan soo saarin shilkan.

Tani ayaa imanaysa iyadda oo khilaaf u dhaxeeya Aadan iyo Korane uu soo shaac-baxayey muddooyinkii dambe kaas oo salka ku haysa hogaanka maamulka Garissa iyo qaabka loo waajahayo doorashada soo socota.

Aadan Barre ayaa ku eedeeyay Korane in uu ku fashilmay wax ka qabashda baahiyaha dadka halkaasi dega balse gudoomiyaha Garissa waxa uu eedeyntaasi ku tilmaamay “farogelin qaawan”.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.