WorldRemitAds

Fahamka Muranka Badda Somalia Ee u dhexeeya dalka Kenya ayaa soo xoogaystay maalmahan kadib markii dalwadda Kenya xidhiidhka u jartay xukuumadda Villa Somalia ka talisa, sidaas darteed waxaanu warbixin idiinka diyaarinay murankani halka uu salka ku hayo. 

Kismanyo, Somalia, February 18, 2019 (Saxafi) – War ka soo baxay Wasaarradda arrimaha dibedda Kenya ayaa lagu sheegay in si qaldan loo fasiray tallaabadii ay dib ugu yeedheen safiirkoodii Soomaaliya iyo dib ugu noqoshadii dalkiisa ee safiirkii Soomaaliya ee Kenya oo shalay gaadhay Muqdisho.

WorldRemitAds

Amb. Macharia Kamau oo ah xoghayaha joogtada ah ee Wasaarradda arrimaha dibedda ayaa sheegay in dawladda Kenya aanay eryin safiirkii Soomaaliya u joogay Nairobi, dhinaca kalana safiirkeeda Soomaaliya si kama danbeysan ula soo noqon, laakiin arrinku yahay oo kaliya wada tashi iyo xal laga gaadho muranka Badda ee ka dhax jira labadaas dawladdood.

Haddaba, muranku halkee ayuu ka bilaabmay

Dawlada Kenya ayaa qaybo ka mid ah bada Somalia oo ku jirta xuduudka Qaramada midoobay aqoon san tahay heshiis kula gashay shirkaddo shisheeye. Waxana ay maamulka itaalka daran ee Somalia la saxeexatay heshiis dib loogu qaabeynayo xuduudka. Laakiin, arrintaas buuq ayaa ka dhashay markiiba.

Tusaale ahaan, Qarammada Midoobey ayaa bishii March 12-keedii 2010. Waxaa ay Shaaca ka Qaaday in Heshiiskii Is-Afgarad ee Badda (Somalia & Kenya) uu yahay Waxba kama Jiraan

Qoraal lagu faafiyey shabakadda rasmiga ah ee Qarammada Midoobey (UN) ayaa shaaca ka qaaday in Heshiiskii Is-fahamka (MOU) ee dhex maray DFKMG iyo Kenya “in Baarlamaanka Federaalka ku meel gaadhka ahi ay diideen is-afgaradkaas, sidaas daraadeedna waa in loo tixgeliyo mid aan lagu hawl geli karin ama la cuskan karin”. Qormada kooban ee UN-ka ayaa u qornayd sidan:

Sidee ku suurtagashay in UN aqbasho go’aankii Baarlamaanka Soomaaliya?

Jawaabta su’aashaas waxaa laga fahmi karaa qomadan hoose:

Heshiiska loogu magac daray is-fahamka (memorandum of understanding ama MOU) waxa uu magaalada Nairobi ku dhexmaray Dawladda Federaalka kumeelgaadhka ah (DFKMG) iyo Kenya. Dhanka Soomaaliya waxaa u saxiixay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, wasiirka xidhiidhka caalamiga ah), waxaana heshiiskaas la saxiixay April 7, 2009. Maalin kaddib April 8, 2009 ayaa ra’iisul Wasaaraha DFKMG waxa uu Qoraal u qoray Ban-ki Moon, qoraalkaas oo ku saabsanaa xogta badda oo ay DFKMG u gudbisanaysay UN-ka, waxaa xogtaas qayb ka ahaa heshiiska Is-faham (MOU). April 14, 2009 ayaa website-ka UN-ta lagu daabacay qoraalkii Cumar Cabdirashiid iyo heshiiskii is-fahamka – Waxaa dhinac socdey Kenya oo xogteeda u gudbisay UN-ka iyadoo cuskanayay Heshiiskaas is-fahamka.

Waxaa arrintan Soomaalidu u aragtay in Kenya ay muddo dheer ku taamaysay in ay heshiis noocaas ah la gasho xukuumadihii KMG ahaa ee soo maray Soomaaliya wixii ka dambeeyey 1991. Waxaa xitaa jira warar sheegaya in Kenya ay wada hadal arrintaas ku saabsan la gashay Qabqalayaashii dagaalka ee ku sugnaan jirey Kismaayo 1990-naadkii.

Waxaa qorshihii xukuumadda si weyn uga soo horjeestey Baarlamaanka DFKMG. August 1, 2009 ayaa kulan ay isugu yimaadeen xildhibaanada Baarlamaanku ay si aqlabiyad ah ku diideen heshiiskaas is-faham. 334 xildhibaan ayaa cod xoog leh ku sheegay in heshiiskaasi yahay Waxba kama jiraan (NULL & VOID).

Haddana, Xukuumaddii Madaxweynaha waqtigan ee Somalia Maxamed Cabdilaahi Farmaajo raysal-wasaaraha ka ahaa ayaa soo celisay murankii badda, iyada oo doonaysa inay Qarammada Midoobay u gudbinayso cabir ay ku sheegtay 200 mayl badeed oo ah aagga dhaqaalaha, halkii ay ka gudbin lahayd cabbirka Dhul-badeedka Soomaaliya oo ah 350 mayl badeed

Golaha Wasiiradda Somalia ayaa 5/5/11 waxay shir jaraa’id iyo warsaxaafadeed ku sheegeen in uu jiro Dokumenti la xidhiidha cabbirka badda Soomaaliya oo ay ku sheegeen in “loo gudbin doono Qaramada Midoobey taasoo lagu diiwaangelin doono xaqa ay Soomaaliya u leedahay in waxa loo yaqaano Xuduuda Dhaqaale ee u gaarka ah Somalia (Exculisive Economic Zone) ay tahay 200 nautical miles oo u dhiganta 370.4 km.” Hadalkaas oo meel ka dhac iyo khiyaano qaran ay mar kale ku tilmaameen Soomaalida arrintan aqoonta u lihi. Iyaggoo sheegay in Farmaajo hirgelinayo damacii Kenya.

Waxaana qoraalladii lagaga soo horjeedday arrintan ka mid ahaa oo lagu yidhi. “Kaddib markii lagu guulaysan waayey heshiiskii Is-fahamka (MOU) ee badda Soomaaliya, ayaa waxaa la bilaabay sidii madaxda DFKMG looga saxeexan lahaa in ay dhaqan geliyaan Odhaahda ah “Soomaaliya waxay leedahay Xuduuda Dhaqaale ee u gaarka ah ee loo yaqaan (Exculisive Economic Zone) oo ah 200 mayl-badeed” – Arrintaas oo haddii ay dhaqan gasho halis weyn ku ah jiritaanka DHUL-BADEEDKA Soomaaliyeed.

 Odhaahdaas (EEZ) waxaa looga gol-leeyahay in lagu suuliyo xeerka badda Soomaaliyeed ee loo yaqaan (Law No. 37 oo ku saabsan DHUL-BADEEDKA Soomaaliya – Territorial Sea / Territorial Waters ee soo baxay 10kii September 1972) – oo ah xeer la loodin waayey – in madax Soomaaliyeed oo baa’bisa loo helo mooyee, taas oo 20-kii sano ee ugu dambeeyey la raadinayey, haddana ay u muuqato in la helay koox isku magacawday “Technocrats” oo madax u noqday xukuumadda KMG ee Soomaaliya.

  1. Exculisive Economic Zone (EEZ)- waxaa loo yaqaan aag dhaqaale oo dalka xeebta leh uu ka faa’iidaysan karo khayraadka ku jira, laakiin aan ka mid ahayn dhulka dalkaasi leeyahay.
  2. Territorial Waters (TS) – waa dhul-badeed sharci ahaan iyo qaanuun ahaan ka mid ah dhulka dalka xeebtaas leh, baddaas oo la ah xeer berriga dalkaasi leeyahay. Ufiirso xeerka badda Soomaaliya ee No. 37 waxa uu ka hadlayaa ma aha EEZ ee waxa uu hadlayaa waa Territorial Waters (TS), waana arrinta dagaalka loogu jiro in la msaxo.

June 11, 2010 ayaa Norway waxa ay sheegtay in ay Soomaaliya u samaynayso CABBIRKA aagga ganacsiga EEZ oo ah 200-mayl badeed, taas oo loo qaatay hirgelin arrintii ay DFKMG u ololaynaysey ee ahayd in badda Soomaaliyeed la yidhaahdo malaha cabbir la yaqaan oo hadda ayaa loo samaynayaa.

October 14, 2010 ayaa ra’iisul wasaaraha cusub ee DFKMG waxaa loo magacaabay Maxamed Cabdillaahi Farmaajo. Waxaana durbadiiba soo baxay in dib loo soo celinayo qorshahii badda Soomaaliya lagu doonayey in lagu dhaxal wareejiyo. Dabayaaqadii October waxaa soo ifbaxay dublomaasiga cusub ee xukuumaddu u xilsaartay qorshaha cusub.

October 20, 2010 warbixin ay faafisay ECOTERRA ayaa sheegtay in uu jiro dukumiinti cusub oo looga golleeyahay “qaabeyn ama agaasimid cusub ee aagga ganacsiga badda EEZ” ee Soomaaliya. Dukumiintigaas “loogu magac daray bud-dhigidda ama dib-u-agaasimida aagga Ganacsiga EEZ”, haddii ay saxiixaan DFKG iyo/ama Maamuladda Dawlad Goboleedyada, waxaa dukumiintigaas ku jira weedho sheegaya in Soomaaliya iyo/ama Dawlad Goboleedyadu ay tahay in ay ka tanaasulaan xuquuqda ay u leeyihiin baaxadda badda ee ah 200 mayl-badeed, isla markaasna xuquuqdooda lagu xadido ama lagu soo koobo 12 mayl-badeed.”

October 24, 2010 Safiirka DFKMG u fadhiya UN, Dr. Cilmi Axmed Ducaale, ayaa sida aan kor ku soo xusnay, waxa uu sheegay in badda Soomaaliya cabbirkeedu ka yar tahay fogaanta 200 mayl badeed.

October 27, 2010 ayaa warbixin ay soo saaray Barwaaqa sooranka Yurub waxa ay ku sheegeen inay Kenya ka caawinayaan sidii ay Soomaaliya ugala xaajoon lahayd xuduudda badda. Waxaana islamarkaas Nairobi lagu qabtay tababar ay khubaro ka socota Barwaaqa Sooranka Yurub ay siinayeen saraakiil Kenya oo ku saabsan sida Soomaaliya ugala xaajoog lahaayeen xuduudda badda.”

Haddana, October 8 2011 ayaa Baarlamaanka Somalia qaraar cusub ku laalay heshiisyadda amuurtan la xidhiidha Badda, gaar ahaan wixii ka danbeeyay Burburkii dalkaas 1991-kii. Iyaggoo ka hor tagayay qorshe. Laakiin, waxaa ka daba yimid dedaal hor leh. Iyadoo shir wada tashi loogu yeedhay oo ay soo qabanqaabisay Qarammada Midoobey, laguna qabtay magaalada Muqdisho (Sept 4 – 6, 2011) laga soo saaray go’aamo uu ka mid yahay in 19-ka December 2011 lagu dhawaaqi doono xuduud badeedka Soomaaliya ee loo yaqaan “EEZ” (Exculisive Economic Zone) ama “Aagga Dhaqaalaha ee Gaarka ah”.

Go’aanadii laga soo saaray shirkii Muqdisho (September 6, 2011) madaxda saxiixday waxaa ugu horeeya Ra’iisul Wasaaraha DFKMG ee waqtigaas Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas).

Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Cabdiweli Gaas ayaa ayaguna September 8, 2011 waxay “si buuxda uwada ansixiyeen go’aankii ka soo baxay shirka wadatashiga” ee Muqdisho.

Laakiin, arrintii waa sii socotay waxaana ay gaadhay aakhirkii dacwad caalami ah oo aan weli go’aan laga gaadhin.

Leave a Reply (Wixii Talo ah noo soo gudbi)

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.