WorldRemitAds

Jigjiga, Ethiopia, January 23, 2019, (Saxafi) – Wararka naga soo gaadhay magaallooyinka Jigjiga iyo Addis Ababa ee dalka Ethiopia ayaa sheegaya in khilaaf ka dhex bilaabmay madaxda Xisbiga is maamulka Soomaalida Ethiopia.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Facebook-ga

SomlegalAds

Warku waxaa uu intaas ku daray in gaar ahaan Guddoomiyaha Xisbiga (XDSHSI) Mudane Axmed Shide iyo Madaxweynaha dawlad deegaanka Mustafe Cumar ay isku diideen dib u habayn la doonayo in lagu sameeyo xisbigaasi.

Arrintan ayaa soo shaacbaxday ka dib markii sida xogaha aanu ka helay sheegayaan uu shalay ka dhacay magaallada Addis ababa ee xarunta dalka Ethiopia shir, kaas oo ay ka qaybgaleen Xubnaha ugu sareeya Ee EPRDF, oo ay ku jiraan guddoomiye Shide iyo Madaxweyne Mustafe. Waxaana warku intaas ku daray in shirka lagaga arrininsaday –

  1. In talada Hogaaminta Deegaanka dib-loogo soo celiyo xisbigii ay Shacabku doorteen ee XDSHSI.

2.In La sameeyo dib u habayn sax ah oo Xisbi iyo Dawladeed oo qaab dhismeedka dawlada laga saaro Ururada Siyaasadeed ee aan la hubin weli.

3.In Hogaaminta Xisbiga iyo Dawladaba Laga Qayb galiyo Xubnaha Xisbiga ee sidoo kale la soo shaqeeyay maamulkii hore ee Cabdi Iley ee aan danbiyadda lagu haysan.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Twitterka

Arrimahan waxaa la sheegay in uu ka biyo diiday Madaxweynaha ku meel gaadhka ah Mustafe Cumar, uuna ka soo baxay shirkii, islamarkaana uu dib ugu soo laabtay magaallada Jigjiga. Isaga oo halkaas ka bilaabay kullamo uu la leeyahay maamulkiisa. Dhinaca kale, Magaallada Addis Ababa Gudoomiyaha Xisbiga ayaa uga yeedhay Xubnihii Gudida Fulinta iyo Golaha Dhexe Ee xisbiga, ee Qiimaynta Dhaafey balse ku jiray Xukuumaddii hore. Waxaana la filayaa in maanta ay doortaan shaqi ka mid ah Xisbigaas oo si ku meel gaadh ah u hoggaamiya dawladda. Warbixin Jamal Abdi Jamal.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.