WorldRemitAds

Garowe, Somalia, January 1, 2019 (Saxafi) – Qalalaase weyn ayaa hadheeyay dhaarinta Baarlamaanka maamul-goboleedka Puntland ee Somalia, waxaana ka soo horjeestay dhaarinta xubnaha golahaas loo soo naqeeyay madax-dhaqameed ka mid ah kuwii soo naqeeyay.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Facebook-ga

SomlegalAds

Ugu yaraan laba ka mid ah madaxda dhaqanka Sool iyo Sanaag ayaa saluug xooggan ka muujiyay qaabka loo maamulay xulashadda Baarlamaanka maamul goboleedka Puntland.

Garaad Saleebaan Garaad Maxamed ayaa dhawaaq dheer ku sheegay in Musuq maasuq baaxad weyn lagu sameeyay soo xulida Xildhibaanada cusub ee Puntland, wuxuuna ku baaqay inaan la dhaarin karrin 5 Xildhibaan oo kuraasta baarlamanka ka soo galey Gobolladda Sool iyo Sanaag.

Magacyadda Xildhibaanada uu dalbadey Garaadku inaan laga dhaarin waxaa kala yihiin.

  1. Saadiq Abshir Garaad.
  2. Keyse Cawil Cali Boobe.
  3. Axmed Yaasiin Cabdi
  4. Cabdi Siciid Kafad
  5. Ismaaciil Cabdi Abtiile.
Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Facebook-ga
Garaad Saleebaan Garaad Maxamed

Sidoo kale Garaadka ayaa ku hanjabay haddii la baalmaro warka ka soo baxay inuu ka huleeli doono GAROOWE iyo guud ahaan Puntland,islamarkaana uu dib isaga soo laabanayo Somaliland oo uu horre uga cadhooday.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Twitterka

Sidoo kale, Suldaan Maxamed Suldaan Xasan Suldaan Cali iyo waxgarad kale oo kasoo jeeda gobolka Sanaag oo shalay warbaahinta kula hadlay gudaha magaalada Garowe ayaa sheegay in fara geli lagu sameeyay xubnihii uu soo xulay isla markaasna xukuumadda Gaas ayay ku eedeeyeen in hawlihii Suldaanka ay fara gelisay.

Markii haddalanadi soo baxeen, sida wararku sheegayaan, kooxo isugu jiray rag dumar iyo caruur ayaa  weerar ku qaadey guriga uu Garoowe ka daganyahay Garaad Saleebaan. Sidoo kale, intii aanu shirka jaraa’id qaban habeen hore ee uu u diyaar garoobayay haddalka ayaa la wareeray oo laga baajiyay. Iyaddoo uu goor danbe qabtay shirkaas.

Dadka weerarkan qaaday oo aan la garanayn cida soo abaabushay balse la filayo in ay ka cadhaysan yihiin hadalkii Garaad Saleebaan. Si kastaba ha ahaatee, waxaa shalay la dhaariyay xildhibaanadda ay odayaashan iyo qaar ka mid ah murashaxiinta madaxtooyaddu durreen.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.