WorldRemitAds

Garowe, Somalia, January 9, 2019 (Saxafi) – Doorasho aan waxba la isulla hadhin oo lacag kaash ah oo xooggan la isku muquuniyay ayaa ka dhacday maamul goboleedka Puntland ee Somalia.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Facebook-ga

SomlegalAds

Doorashaddan oo u muuqatay mid ay isku hayaan waddamada caalamku gaar ahaan, Maraykanka, Turkiga, Qatar, Imaaraadka iyo Sucuudiga oo kooxiba cid gaar ah dannaheedda ka dhex arkaysay, islamarkaana ay ka dhexmuuqdeen waddaadada qunyar socodka ahi, ayaa waxaa ku guulaystay madaxtooyadda Siciid Cabdillaahi Deni oo Wareega u dambeeyay ee saddexaad kaga adkaaday 35 cod Jen Asad Cismaan Cabdullaahi Diyaano oo helay 31 cod.

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo natiijada ku dhawaaqay ayaa sheegay in madaxweynaha shanta sanno ee soo socota maamul goboleedka Puntland ee Somalia uu yahay Saciid Cabdullaahi Deni oo ku guuleystay wareegii u dambeeyay.

Madaxweynaha cusub ee Puntland,Saciid Cabdullaahi Deni  oo hadal kooban jeediyay guushiisa kaddib ayaa u mahadceliyay Baarlamaanka ,guddiga doorashada, musharrixiintii la tartamay iyo musharrixii wareegii u dambeeyay la soo gaaray ee Asad Cismaan Cabdullaahi Diyaano .

“Waxaan codsanaya in gacmaha la isqabsado, doorashadii way dhammaatay.. waxaa kalo si gaar ah u codsanayaa in laygu soo duceeyay xilkan”. ayuu yidhi madaxweynaha cusub, Saciid Cabdullaahi Deni .

Madaxweynaha cusub ayaa goobta markiiba lagu dhaariyay.

Musharraxa xilka looga guuleystay ee Asad Cismaan Cabdullaahi Diyaano ayaa dhankiisa u hambalyeeyay madaxweynaha cusub.

Dhinaca kale, madaxweynaha xilka hayay ee Cabdiweli Gaas oo ka mid ahaa musharrixiintii xilkan ku tartamayay, islamarkaana wareega koowaad ku hadhay ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha cusub.

21 musharrax ayaa ku tartamay doorashada madaxweynaha Puntland. Sidoo kale,

Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa ku  guuleystay doorashadii madaxweyne kuxigeenka Puntland, iyadoo jagada ay ku tartameen 11 musharrax.

Doorashada ku xigeenka ayaa la isla soo gaadhay wareegii saddexaad,waxaana isugu soo hadhay labada musharrax ee kala ah;

Axmed Cilmi Cismaan [Karaash]  oo helay  47 cod

2- Cabdi Cismaan Qawdhan oo helay  19 cod

Natiijaddaas  ayaa soo afjareysa doorashadii Puntland ee lagu doortay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka cusub ee Puntland oo xilka loo dhaariyey.

Puntland: Doorasho Lacag Kaashka Ah Iyo Faragelin Caalami Ahi Hadhaysay Oo Lagu Kala Adkaaday
Musharixiinta oo fagaare lacagta ay ku iibsanayaan codka ku bixinayey

Dhacdooyinka

In badan siyaasadda Soomaalida waxaa loo arkayay inay ku qotonto dhaqaale oo aanu rabitaan iyo xul midna jirin. Waxaase aad u codaysay doorashadda oo murashaxiinta qaarkood lacagtii ay bixinayeen Xildhibaan kasta oo qaatay ay sawir kaga qaadeen iyaggoo u dhiibaya, si ay ka ahaydba. Waxaa markii doorashaddu dhamaatay hadheeyay baraha bulshadda sawiraddii la iska qaaday ee Lacagta lagu siinayay Xildhibaanadda si ay murashaxa qiimaha ugu badan u gaadha mid waliba u siiyo codkiisa. Waxana la tilmaamay in codku gaadhay lacag ka badan boqol kun oo Doollar. Taas oo ay keentay sida la tilmaamay murashaxiinta oo aad u badnaa iyo cod bixiyayaasha oo ku koobnaa 66 xildhibaan kali ah.  Waxaana murashaxiinta xildhibaan kasta oo ay Lacag siiyeen sawiray ka mid ahaa Murashax Maxamuud Khaliif Xassan (Jabiye) oo wareegii koobaad ku hadhay ka dib markii uu helay 7 cod oo kali ah, sidoo kale Cabdi Weli Gaas ayaa isna wareegaas ku hadhay oo keenay 8 cod oo kali ah. Musharrixiinta kala ah,Cali Ciise Cabdi oo isagu habeen hore diiday inuu wax lacag ah bixiyo ,Cali Xaaji Warsame General Morgan iyo Shoortayo ayaa helay min hal cod,

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Twitterka

Saddex musharrax oo ahaa kuwa ugu codadka badan ayaa u soo gudbay wareega labaad,kuwaas oo kala ahaa.

1-Saciid Cabdullaahi Deni 20 cod

2-Asad Cismaan Cabdullaahi Diyaano 17 cod

3- Faarax Cali Shire 9 cod

Waxaana ay muujinaysay uun murashaxiinta soo gudbay inay ahaayeen kuwii la watay ee waddamadu isku hirdiyayeen ama lacagta ugu badan la yimid ee kharash gareeyay.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.