WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, January 9, 2019 (Saxafi) – Dawladda Ingiriiska ayaa la tilmaamay inay ku biirtay liiska waddamada doonaya inay saldhigyo ciidan ka hellaan Jamhuuriyadda Somaliland.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Facebook-ga

SomlegalAds

Wargeyska  Daily Nation ee ka soo baxa Kenya ayaa qoray shalay  in dawladda UK ay ku soo biirtay  dalalka Imaaraadka Carabta oo saldhig millatari ka sameysanaya Berbera iyo Ruushka oo naawilaya inuu saldhig ka sameysto Saylac.

Warku waxaa uu intaas ku daray in Xoghayaha Gaashaan-dhiga UK, Gavin Williamson uu Madaxweyne Muuse Biixi, oo uu kula kulmay Hargeysa ay ka wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka labada dal.

Safaarrada Somaliland ku leedahay Nairobi may beenin, mana ay xaqiijin in UK doonayso inay saldhig millatari ka sameysato Somaliland. Sida warku tilmaamay

Safiirka Somaliland u fadhiya Kenya, Baashe Cawil Cumar, ayaa sheegay in dalkiisu uu  ku faraxsan yahay booqashadii Xoghayaha Gaashaan-dhiga Ingiriiska, waxaanu tilmaamay in socdaalkaasi  sii xoojinayo  dedaalka ay Somaliland ku raadinayso Aqoonsi caalami ah.

Waxa kale oo uu danjire Baashe Cawil sheegay in socdaalkii Xoghaye Gavin Williamson uu tusmaynayo in bulshada caalamku ay garwaaqsatay muhiimada Somaliland leedahay.

Booqashada uu Xoghayaha Gaashaan-dhiga UK ku yimid Somaliland waxay ku soo beegantay toddobaad ka dib, markii uu iclaamiyey in Ingiriisku doonayo inay saldhigyo millatari ka sameysto adduunka, marka ay ka baxaan Midowga Yurub ka dib, waxaanu Wargeyska Daily Nation ku warramay in socdaalkan loo arkay inay suurtogal tahay in Xoghayuhu kala hadlay Somaliland sidii ay UK uga sameysan lahayd saldhig millatari.

Warsiduhu wuxuu intaas ku daray in Gavin Williamson, oo toddobaadkii hore booqday ciidammada UK ee ku sugan Kenya, uu  xaqiijiyey   in ka bixitaanka Midowga Yurub uu  UK  u ogolaanayo inay  beddelaan siyaasaddii Lixdamaadkii ee ay kaga baxeen dalalkii ay hore xidhiidhka u lahaayeem.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Twitterka

Warka Daily Nation daabacday waxa lagu sheegay in saldhigii Millatari ee Imaaraadku ka hirgelinayey Magaalada Berbera ee Somaliland uu dhammaan doono bisha June ee sannadkan.

Dhinaca kale, Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Eng Ciise Axmed Yuusuf(Xawar) ayaa doraad shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa waxaa uu ku muujiyay in socdaalka Wasiirka xooggiisu daaranaa arrimaha difaaca.Waxaana Hadaladisii ka mid ahaa(‘’Waxaynu u balan sanayn in aan ka war bixiyo booqashadii shalay ee xoghayaha difaaca dawlada Ingriiska,waxa uu nagu soo booqday Somaliland waxay ahayd booqasho kaas u ah Somaliland oo taariikh ah, booqashadaa Xoghayuhu waxay muujinaysaa muhiimada iyo danaynta ay dawlada Ingriisku Somaliland u hayaan,’’)Ayuu yidhi wasiirka gaashaandhiga Somaliland Eng Ciise Axmed Yuusuf (Xawar).

Isagoo hadalka sii wata ayaa waxa kale oo uu sheegay wax yaabaha ugu muhiimsan ee ay ka wada hadleen kaasi oo ku sheegay in la xoojiyo wada shaqaynta labada dawladood iyo sidii kor loogu qaadi lahaa arimaha amaanka ee mandaqada ee uu taageerada weyn ka gaysto dawlada Ingriisku waxaana mar labaad hadaladisii ka mid ahaa(‘’Imaatinka Xoghayuhu waxay ka turjumaysaa kow (1) sii xoojinta xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Ingriiska, arimaha amniga ee gobolka oo baryihii u danbeeyey  isbadalada aad la socotaan ka dhacayeen iyo joogtaynta cilaaqaadka labada dal, khaasatan ka wasaarad ahaan wakhti badan ayaanu wada qaadanay wax yaabo badan oo muhiim ah ayaanu ka wada hadalnay’’) Ayuu Yidhi Wasiir Eng Ciise Axmed Yuusuf(Xawar).

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.