WorldRemitAds

Hadal Haynta Isku Shaandheynta Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa aad looga dareemayaa dalka, gaar ahaan xubno ka mid ah Golaha Wasiiradda Somaliland oo laga dareemayo mooraal xumo ay ka cabsi qabaan inay xilkooda waayaan.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Facebook-ga

SomlegalAds

Tan iyo markii Madaxweyne Muuse Biixi ka soo laabtay safarkii uu ku tegey Gobolada Bari ee dalka, ayaa badi siyaasiyiinta dalka iyo qaybo ka mid ah shacbigu waxaa ay hadal hayeen isku shaandheyn madaxweynahu ku samayn doono Golihiisa wasiiradda si loo demiyo cadhada siyaasadeed iyo tabashooyinka ka soo yeedhayay dadweynaha iyo beelaha Bariga dalka ilaa maalintii uu xukunka dalka qabsaday Xisbiga Kulmiye.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa safarkiisa Barigu salka ku hayey sida la tuhunsanyahay inuu niyadda u soo dhiso ciidamada  qaranka ee ku sugan jiidda ilaa maalintii ay maamul goboleedka Puntland ka qabsadeen deegaanka Tukaraq  iyo tan labaad oo ahayd inuu soo eego saamaynta nabaddii la qaatay iyo dagaaladii sokeeye ama qabaa’ilka ee ka dhacayay degaanada Ceel Afweyn iyo Ceerigaabo marka lagu daro qaboojinta kuleylka siyaasadeed ee ka soo butaacayey gobolada Bari ee dalka.

Haddaba tuhunada laga qabay in Madaxweyne Muuse Biixi  wax ka beddeli doono golihiisa liita ee wasiirada, meshana keeni doono rag ama masuuliyiin miisaan culus ku leh dhulka ay ka soo jeedaan ayaan dhicin, ilaa maalintii uu Caasimadda ku soo laabtayna marnaba Madaxweyne Muuse Biixi kuma tallaabsan isku shaandheyntii la filayey marka laga yimaaddo shaqaale iyo agaasimayaal hoose oo aan awalba la dareemaynin shaqdooda,  mana muuqato ifafaale muujinaya in isku shaandheyntaasi meel mari doonto wakhtiga dhaw.

Dhinaca kale, marka la eego sheekada isku shaandheynta  iyo sida weli loo sugayo ayaa dhinaca kale hakad gelisay masuulyiinta wasiirada ah  ee uu maacaabay markii uu xukunka dalka la wareegay, iyagoo mid kastaaba waddnaha farta kaga hayo inay seeftu qaadi doonto iyo inuu weli xafiiska sii fadhiyi doono.  Waxa yaraaday safaradii ay debedda ugu bixi jireen,  waxana hoos u sii dhacay firfiroonidii sagaal bilood ka hor ay warbaahinta la wadaagi jireen, iyadoo dhinaca kale aad mooddo in shaqadii wasaaradaha dawladda qaarkood habacsanaani ka muuqato.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Twitterka

Marka la eego mooralka golaha wasiirada dalka  iyo welwelka ay ka qabaan mustaqbalkooda siyaasadeed ayaa dad badan oo saadaalinayey isku shaandheyntani durba u muuqdaan inay candhuuftooda dib u liqayaan  markii ay madaxtooyada dalka ka waayeen wax war ah oo ku saabsan ballan qaadyadii Bariga dalka, taasoo xitaa loo arkayay inay qayb ka tahay arrimaha dalka dib ugu soo celiyay maleeshiyadii Caarre, labadii bilood ee u dambaysayna dejisay xiisadii siyaasadda ee u dhaxaysay Xukuumadda iyo dadweynaha Baria ee dalka.

Su’aasha la is weydiin karro ayaa noqon karaysa ilaa intee ayaa sheekadan isku shaandhayntu sii socon doontaa ?, ilaa intee ayuu Madaxweyne Muuse Biixi eedeyn,  iyo dhaliilo la’aan sii fadhiyi doonaa kursiga ?, ilaa goorma ayaa masuuliyiinta dawladda ee welwelka ka qaba seefta isku shaandheynta niyaddu u fadhiisan doontaa,  kuraastana sii haynsan doonaan?

Faallo: Maxamed Cumar Sheekh, Wakiilka Wargeyska Saxafi ee gobolada galbeedka Somaliland

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.