WorldRemitAds

Dhaliilaha Iyo Wanaagga Khudbad – Madaxweynaha Somaliland ayaa dhawaan khudbad naadir ah iyo warbixino dhinacyo badan taabanayey la hor yimi saxaafadda xorta ah iyo tan dawladda, isagoo khudbadiisaasi ku soo qaatay arrimo looga fadhiyey inuu ka hadlo iyo kuwa aan looga fadhiyin.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Twitterka

WorldRemitAds

Madaxweynaha oo khudbadiisan ku soo beegay maalintii la furayey imtixaanaadka shahaadiga ah ee dugsiyada sare iyo kuwa dhexe ee dalka ayaad qaybo ka mid ah hadalkiisaasi ka yaabiyey dad badan oo reer Somaliland ah, kuwa cadowga ku ah iyo kuwa saaxiibka ahba. In kastoo loo baahnaa in Madaxweyne Muuse Biixi uu hadalkan ka jeediyo munaasabado ka meeqaam sarreeya furitaanka Imtixaanka dugsiyada dalka, hase yeeshee arrimaha wanaagsan oo uu khudbadiisan ku soo bandhigay ayaa aad uga yaraa dhaliilaha ka muuqday hadalka Madaxweynaha.

Waa tan koowaade dhinaca wanaagga marka laga eego Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu ku soo bandhigay sida furfurnaanta iyo saraaxadda leh ee uu su’aalo badan oo la weydiinayey uga jawaabayey, isagoo wakhtigaa uu hadlayey sidii siyaasiyiinta shicibka ah meeshana ka saaray habdhaqanka ciidan ee lagu xanto, isagoo dhinaca kalena su’aalo wejiyo kala duwan oo siyaasadeed iyo kuwa qabyaaladeed oo la weydiiyeyna wax dareen ah ka muujin. Waa tan labaade hadalka Madaxweynaha oo dad badani u qaateen inuu ula jeeday boqor Cismaan Buurmadow isagoo ku dhiirraday inuu hogaamiye dhaqameed laga dambeeyo oo waxyeelaynaya midnimada shacbiga iyo amniga dalka uu wax ka sheego iyo tan saddexaad oo noqon karta in Madaxweyne Muuse Biixi shacbiga u sheego inaysan dalka belaayo ka jirin niyaddana u dhiso.

Marka dib loo eego nusqaanta iyo dhaliilaha hadalka Madaxweyne Muuse u sheegay saxaafadda ayaan soo qaadan karra arrimo door ah oo ay ka mid yihiin. 1. Isagoo ammaan aanay istaahilin duldhigay maamul goboleedka Puntland iyo odaydhaqameedyada ka soo jeeda deegaanada Badhan, Dhahar iyo degaanada Bariga sanaag, kuwaasoo la ogyahay cadaawadda iyo dagaalada ay ku hayaan Jiritaanka Somaliland.

Waa tan labaade wuxuu Madaxweynuhu dafiray dagaalka Puntland ee ciidamada badani ka dhinteen Somliland, meeshana aan ku soo qaadin waxay ciidamadaasi ku dhinteen haddii aanay dagaallo ka dhaxayn Somaliland iyo Puntland.

Waa tan saddexaade mar la weydiiyey in Madaxweynuhu xilalka ka safay beeshiisa wuxu daafici kari waayey xaqa ay leeyihiin deegaanadii siiyey codadkii ugu badnaa ee uu ku soo baxay, loona baahnaa inuu qiro xaqa ay u leeyihiin inay xilal badan ka helaan xukuumaddiisa.

Waa tan afraade Madaxweyne Muuse Biixi ayaa fursaddan u haystay looga fadhiyey inuu ka hadlo qorshaha xukuumadda kaga aaddan sidii loo dhammaystiri lahaa colaadii Ceel-afweyn iyo Dararweyne iyo arrimaha uu uga dan leeyahay ciidamada la geeyey Sanaag Bari, hoosna u dhigo sabaaleynta iyo ammaanta oday dhaqameedyada Sanaag Bari, mana ahayn inuu qariyo culayska ay weli ku hayaan Maamulka dawladda ee deegaanada Sanaag Bari. Si kastaba ha ahaatee in kastoo aanu Madaxweynuhu soo diyaarsan hadalkan uu saxaaadda u jeedinayey maalintaasi,dhaliilaheeduna badnaayeen ayaa marka xiga ee uu madaxweynuhu saxaaadda la hadloo looga fadhiyaa inuu waxa dalka ka jira runta ka sheego soona diyaarsado khudbadishiisa .

Maxamed Cumar Sheekh, Weriyaha Saxafi ee gobolada galbeedka Somaliland 

Leave a Reply (Wixii Talo ah noo soo gudbi)

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.