WorldRemitAds

Maalinta Madax Banaanida Somaliland ee 18-kii May 1991-kii ee ku beegnayd Sabtidii toddobaadkan oo kale, ayay ahayd markii ay beelaha Somaliland oo shir iskugu yimid magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer ku dhawaaqeen inay ka baxeen midnimadii dhicisowday ee ay la galeen Somalia 1960-kii.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Twitterka

SomlegalAds

In kasta oo aanay Somaliland aqoonsi caalami ah ka helin beesha caalamka, haddana muddadii ay Somaliland jirtay ama ay Madax banaanida haysatay waxay ku guulaysatay talaabooyin wax ku ool ah oo dhinaca bulshada Somaliland ah.

Waxaana ka mid ah

  1. Waxbarashada iyo la dagaalanka Jahliga: 1988-kii markii laga qaxay Somaliland ardayda dugsiyada dhigata dalka oo dhami waxay ahayd in ka yar toban kun oo qof, waxaana jiray dugsiyo dawladeed oo tirsan magaalo walba iyo xataa baadiyaha. Balse waqti xaadirkani waxa dugsiyada dawladda Somaliland dhigta in ka badan 250,000 oo arday. Ma jirin Jaamacad ka jirta Somaliland, haddana waxa ka jira todoba Jaamacadood oo dawli ah iyo in ka badan toban Jaamacadood oo gaar loo leeyahay. Intaasi oo keli ah maahee, wax akhris qoraalka rag iyo dumarba waxay ka yarayd 29% (source UNESSCO) halka ay maanta ka tahay 55% (source Somaliland In figures 2012). Waqtiga ay 29% ahayd waxay jirtay midnimadda Somaliland iyo Somalia muddo sodon sannadood ah, hase yeeshee muddo 20 sannadood ah ka dib waxay Somaliland ku talaabsatay horumarka dhinaca tacliinta 26% marka loo eego sidii ay markii hore ahayd.
  2. Biyaha:- Sannadkii 1991-kii waxa biyo nadiif ah heli jiray in ka yar 19%, marka loo eego hadda oo ay 57% helaan biyo nadiif ah taasi oo ka dhigaysa in 37% ku kordheen sidii ay markii hore ahayd.
  3. Daryeelka Caafimaadka hooyadda iyo dhallaanka: sannadkii 1991-kii tiradda haweenka umul-raaca u dhimata Somaliland waxay ahayd 1600/100,000 ee haween ah, halka ay maanta ka tahay 1044/100,000 ee haween ah taasi oo muujinaysa in la badbaadiyay 556/100,000 ka dhiman jiray (source UNICEF)
  4. Xorriyadda:- sannadkii 1991-kii iyo wixii ka horeeyey dhulka Somaliland waxa uu ahaa halka ugu hoosaysa xoriyadda hadalka iyo ra’yi dhiibashada, dhaqdhaqaaqa, siyaasadda, dhaqaalaha adduunka oo dhan, sannadkana waxa lagu qiimeeyaa inay Somaliland tahay halka ugu wanaagsan dhinaca xorriyaadka, kana wanaagsan tahay inta badan wadamada dunida saddexaad la yidhaahdo, waxaanay la tartamaysaa dunida koowaad (source freedom House).
  5. Dhaqaalaha:- Somaliland dhaqaalaheeda oo dhami wuxuu ku tiirsanaa xoolaha nool oo keli ah, kuwaasi oo caqabado badan oo dhinaca suuq geynta ah. Inkasta oo aan maalgelintii loo baahnaa la gelinin, haddana waxa la soo kordhiyay dhaqaalaha laga sameeyo adeegyada kala duwan (services) sida isgaadhsiinta oo si madax banaan loo maalgashaday, taasi oo wax weyn ka tartay hannaanka baananka casriga ah ee electronic-ga kuwaasi oo wax ka bedelay caqabadihii nidaamka baananka oo ay cunaqabatayni ka saarnayd Somaliland. Waxa kale oo ay soo kordhisay nidaamka xawaaladaha oo ay Soomaali oo dhami kaga dayatay maanta isla markaana ah nidaamka keli ah ee u bedelay baanankii. (Source world Bank, EU-Bank, UNDP Bill Gates)
  6. Dawladnimadda iyo hannaanka maamulka cusub ee ay Somaliland tijaabisay:- Somaliland intii ay ku jirtay halgankii dib u xoreynta waxa ay baratay is-waafajinta hannaanka dhaqanka soo jireenka ah iyo kan casriga ah ee dawladnimadda waxaanay soo kordhisay ugu yaraan laba nidaam oo guulaystay oo Soomaalidu maanta kaga dayato, tusaale ahaan dawladda federaalka Somalia waxay kaga dayatay abuurista Guurtida, waana ta samaysatay aqalka sare ee Baarlamaanka. Sidoo kale hanaanka dawladnimo ee madaxweynaha iyo ku xigeenka oo ay hadda kaga daydaan dhammaan maamul goboleedyada ka jira Somalia oo samaystay madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen, halkii ay ka qaadan lahaayeen hannaankii Somalia ee ahaa madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha (source dastuuradda maamul goboleedyada Somalia iyo dastuurka federaalka Somalia)
  7. Ugu dambayn Somaliland hadda waxay soo jiidatay maalgashi caalami ah oo kala duwan, sida kan DP World iyo kuwo kale oo wax abuuraya ilo kale oo dhaqaale.
  8. Waxyaabaha:- ay tahay inay Somaliland waajahdo waxa ka mid ah inay qaddiyadeeda dhinaca sharciga ku eegto oo ay dacwadeeda maxkamadaha caalamiga ah horgeyso, si ay aqoonsi u hesho. Nidaaminta hannaanka dawliga ah ee xidhiidhkeeda caalamiga oo ay wasaaraddaha u samayso shakhsiyado qaanuuni ah (legal Personality) waafaqsan shuruucda caalamiga ah (Source: Americal International Law Journal 1993, US State Department under secretary for Africa 2018 qouted by VOA, UN Legal Commission 1961-1969 year Books, E. Cortan (Former chairman of UN legal commission in charged the unification of Somaliland and Somalia 1966 ). Inay maalgelin u raadiso xoolaha, Beeraha, Tamarta, Kalluumaysiga iyo kor u qaadida hanaanka maamulka Maaliyadeed sida ka shaqaysiinta Baanka Dhexe oo waajibaadkiisa ay ku jirto inuu qayb ka noqdo heshiis kasta oo ay xukuumadda Somaliland gelayso si uu u ilaaliyo danaha dhaqaale ee dalka (World Bank JNA recommendations in 2005 and 2012)

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Facebook-ga

Intaasi waa inta ugu yar ee aynu odhan karto waxay ka mid yihiin waxyaabaha ay Somaliland ka faa’iiday Madax banaanida muddadii ay dib ula soo noqotay ee 28-ka sannadood ahayd.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.